Daawo Video: Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Saylac Oo Sheegay In Doorashada Degmadu Si Xalaal Ah U Dhacday

Boorama(Galbeednews) G/ku xigeeka degmada saylac Md: Cismaan Muumin Caare ayaa ka hadlay sidii  ay degmada saylac ugu dhacday doorashadu  gudoomiye ku xigeenka oo ku sugan magalada boorama ayaa warbaahinta siyey Arin uu kaga hadlaayo sida ay u qabsoontay doorashad degmada  oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid si xalaal ah u dhacday.

Gudoomiye ku xigeenka oo arinkaas ka hadlaya hadaba hoos ka DAAWO.

 

Categories: HOME | Tags:

Halkan Ka Daawo Oday Dhaqameedyo Ka Soo Jeeda Degaanka Waqooyiga Degmada Gabiley Oo Baaq U Diray Xukuumada Somaliland In Ay Wax Ka Qabato Degaanada Muranku Ka Taagan Yahay Beesha Sacad Muusana (Isaaq) Ku Tilmaamay In Ay Fidnawadayaal Yihiin.

Boorama-(GRN) Halkan Ka Daawo Oday Dhaqameedyo Ka Soo Jeeda Degaanka Waqooyiga Degmada Gabiley Oo Baaq U Diray Xukuumada Somaliland In Ay Wax Ka Qabato Degaanada,Caada, Jidhi,Geesa Dheer Iyo Meelo Kale Oo Degaanadaas Ka Tirsan Beesha Sacad Muusana (Isaaq) Ku Tilmaamay In Ay Fidnawadayaal Yihiin.”

Garbodadarnews/Boorama/G,Awdal

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Barnaamuj Xiisa Badan Oo Fogaal Araga HCTV Ka Diyaariyay Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Iyo Wariye Nimco Samriye Ee Daawasho Haboon.”

Hargeysa-(GRN) Halkan Ka Daawo Barnaamuj Xiisa Badan Oo Fogaal Araga HCTV Ka Diyaariyay Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Iyo Wariye Nimco Samriye Ee Daawasho Haboon.”

Diyaarintiii Iyo Isku Dubaridkii
Xafiiska Wararka Garbodadarnews
Hargeysa/Somaliland

Categories: HOME

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Rag Rabay In Ay Isku Qarxiyaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Xili Uu Ku Sugnaa Magaalada Beledwayn

undefinedBeledwayn-(GDN) Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag qorsheynayay inay qaraxyo ismiidaamin la beegsadaan wafdigii Madaxweynaha ee maalin ka hor socdaal ku tagay magaalada B/weyn.

Sarkaal ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ilaa shan ruux oo uu xusay in qof Ajnabi ku jiro, inkastoo uu ka gaabsaday inuu cadeeyo dalalka ay u dhasheen.

Sarkaalkan oo diiday magaciisa ayaa sheegay inay wadaan baaritaano iyo su’aalo ay weydiinayaan raga la qabtay, isla markaana ay Maxkamad ay soo taagi doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin ka hor booqasho ku tagay magaalada B/weyn ayaa u kuur galay xaalada ay ku sugan yihiin dadkii fatahaadaha ay bara-bixiyeen, iyadoo Madaxweynuhu ku baaqay in la gar-gaaro.

12-kii bishii hore ayay aheyd labo maalmood kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay weerar is qarxin lagu qaaday Hotelka Jazeera oo uu degenaa, markii ragg soo xirtay waxyaabaha qarxa ay beegsadeen Hotelkii uu degenaa.”

Giriyaadnews/Baladwayne/Soomaaliya

 

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Dood Xiisa Badan Oo Xalay Dhex-Martay Musharixiinta Madaxwayne Ee U Tartamaya Jagada Madaxwaynaha Afarta Sanno Ee Soo Socota Dalkaasi Maraykanka Iyo Obama Oo Ku Xoog Badnaa Doodaas.

Washington-(GRN) Halkan Ka Daawo Dood Xiisa Badan Oo Xalay Dhex-Martay Musharixiinta Madaxwayne Ee U Tartamaya Jagada Madaxwaynaha Afarta Sanno Ee Soo Socota Dalkaasi Maraykanka Iyo Obama Oo Ku Xoog Badnaa Doodaas.”

Diyaarintii Iyo Isku Dubaridkii

Xafiiska Wararka ee Garbodadarnews

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Ururka Horumarinta Wadooyinka Gobalada Awdal/Selel Ee ASARDA Oo Maanta 4Km Oo Laamiya Bilowday Dhigisteeda Wadada U Dhaxaysa Dilla Iyo Boorama

Boorama-(GRN) Halkan Ka Daawo Ururka Horumarinta Wadooyinka Gobalada Awdal/Selel Ee ASARDA Oo Maanta 4Km Oo Laamiya Bilowday Dhigisteeda Wadada U Dhaxaysa Dilla Iyo Boorama.’

Garbodadarnews/Boorama/Somaliland

Categories: HOME

Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Maanta Gudi Wasiiro Ah U Magacaabay Fatahaadihii Dhawaan Ka Dhacay Magaalada Baladwayne Ee Gobolka Hiiraan+SAWIRO

Muqdisho-(GRN) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii wax looga qaban lahaa masiibada ka dhacaday magaalada Baladweyn, iyo Hambalyo loo diray Ciidanka Qaranka iyo kuwa Amisom.

Ugu horayntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhagaystay xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo ku wehliyey booqashadii uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ku tagay magaalada Baladweyn, waxayna sheegeen in ay ka jirto magaalada Baladweyn xaalad aad u qalafsan oo dhanka nolosha iyo deegaanka taas oo saamayn ku yeelatay nolosha dadkii ka bad baaday fatahaada iyadoona magaalada ay dhex jiifaan biyihii walina ay jiraan robab da’aya kuwaas oo hakad galin kara in xitaa diyaaraduhu ay ka dagaan garoonka mac-malka ah ee magaalada Baladweyn.

Sidoo kale Goluhu waxay sheegeen inay jiraan dadaalo kala duwan oo ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowlada kuwaas oo lagu doonaya sidii wax looga qaban lahaa masiiibada dabiiciga ah ee ka dhacday magaalada Baladweyne, waxaana maanta Ra’iisul wasaare Gaas magacaabay gudi wasiiro ah oo ka shaqeeya sidii gar-gaarka deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku wax yeeloobay fatahaadii ka dhacday magaalada Baladweyn.

Waxaana ka mid ah Gudiga.

1. Gudoomiyaha Gudiga. Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane: Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen. 
2. Xiriiriyaha Gargaarka.Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane: Cabdulaahi Goodax Bare.
3. Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane:C/qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn.
4. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane: C/qaadir Maxamed Dhicisow
5. Wasiirka Diinta iyo Awaqaafta. Mudane: Axmed Xassan Goboobe
6. Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Isboortiga. Mudane: Cabdulahi Sheekh Ali Qaloocow
7. Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Ugu danbaytii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa baaq caalami ah u diray hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay gar-gaar la soo gaaraan dadka ku wax yeeloobay fatahaadii ka dhacday magaalada Baladweyn, wuxuu sidoo kale Hambalyo u diray ciidamada Qaranka iyo kuwa Amisom guushii ay ka soo hooyeen gobolada Jubooyinka iyo sidii nabada ahayd oo ay ula wareegeen magaalada Kismaayo.

>>>DHAMAAD<<<<

Categories: HOME

JBBCNEWS KADAAWO WARKA SOMALI CHANNEL OO KA HADLAYA DHINACYO KALA DUWAN 29 09 2012

Categories: HOME

JBBCNEWS KADAAWO WARKA SOMALI CHANNEL iyo JAAMAC DABERANI 28 09 2012 DAAWASHO WACAN

 

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Boqolaal Qoys Oo Ka Barakacay Guryahoodii Ka Dib Markii Uu Soo Fatahay Wabiga Dhex Mara Magaalada Beledwayne Ee Gobolka Hiiraan+Video

Beledwayne-(JBBC) Halkan Ka Daawo Boqolaal Qoys Oo Ka Barakacay Guryahoodii Ka Dib Markii Uu Soo Fatahay Wabiga Dhex Mara Magaalada Beledwayne Ee Gobolka Hiiraan+Video

 

Categories: HOME

London-(JBBCNEWS) Halkan Ka Daawo Sawirada Iyo Videoga Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabhada,SNM, Cirro Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada London Ee Carriga Ingiriiska

London-(JBBCNEWS) Halkan Ka Daawo Sawirada Iyo Videoga Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabhada,SNM, Cirro Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada London Ee Carriga Ingiriiska.”

 

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalada Tan Iyo Saaka Ka Socday Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubadda Hoose Iyo Xarakada Al-Shabaab Oo Ay Ku Adagtahay Meel Ay Magaalada Uga Baxaan+Sawiro

Kismaayo-(JBBCNEWS) Ciidamada huwanta ayaa caawa ku gabal dhacsaday labo jiho oo ku beegan magaalada Kismaayo, iyadoo xiisad dagaal magaalada laga dareemayo iyo rasaas goos goos mararka qaar la maqlayo.

Guuxa diyaarado dul heehaabaya ayaa magaalada laga maqlayaa, waxaana mararka qaar cirka ka ifiyay dhimbil rasaas qoriga lidka diyaaradaha laga ridayay oo lagaga gaashaamanayay diyaaradaha mararka qaar duqeynayay.

Ciidamada huwanta ee maanta dhanka Badda ka yimid ayaa waxna xaalkooda iska bedelin, iyagoo difaacyo ka sameystay goobihii saaka soo galeen oo ku dhow dhow dhinaca xeebta, iyagoo magaalada u jira ilaa 6-KM.

Sidoo kale Ciidamada dhulka joogay ee aagga Janaay Cabdalla ayaa soo gaaray halka lagu magacaabo Xaar Xaar oo galbeedka magaalada ku yaal, kaasoo qiyaastii 20-KM u jira Kismaayo.

Labada dhinac ayaa isku horfadhiya dhinaca waqooyi ee magaalada meel ilaa 6-KM u jirta, halkaasoo caawa laga dareemayay xiisado dagaal.

Inkastoo Afhayeen u hadlay Kenya uu sheegtay inay heystaan qeybo ka mid ah magaalada, hadana waxaa magaalada si buuxda u maamulaya dagaalyahanada Shabaab oo ku sugan xarumahoodii, iyadoo ay shaqeyneyso Idaacada Andulus oo wararka dagaalada tabineysa.

Kenyanka ayaa isticmaalaya baro-bagaan dhinaca dagaalka, iyadoo gelinkii dambe maanta lagu daadiyay waraaqo ay labada dhinac kaga qornaayeen dad beeraha tacbanaya oo barwaaqo iyo dhinac dad hubeysan oo lagala jeeday Shabaab iyo dad macluulsan.

Sawiro la qaaday bishii Febraayo ee sanadkan iyo bishii December ee sanadkii hore ayaa muujinayay horu dhaca duulaanka Kenya, iyadoo Askari ka tirsan Ciidamada Kenya uu koofidiisa ku qortay in Kismaayo uu shaah ku cabi doono.

Laakiin mudadaas iyo wixii u dhaxeeyay ayaan magaalada si sahal lagu imaan ama lagu soo gaarin, waxaase lama filaan ay noqotay markii Ciidamada huwanta ee Kenya iyo Soomaalida ay ku dhiiradeen inay badda ka soo galaan magaalada, iyagoo ilaa afar markab ka soo degay.

Wasaarada Gaashaandhiga Kenya ayaa soo bandhigay sawiro iyo muuqaalo la xiriiray inta diyaarinta howl galada ku wajahnaa Kismaayo socdeen, sida xeebaha looga daabulayay Ciidamada huwanta.

Xaalada magaalada oo maanta oo dhan aheyd mid jahwareer ka taagnaa, ayaa hadana mar kasta ay suura gal tahay inay wax iska bedelaan, maadaama dagaalka haatan ku sii socda, warbaahinta iyo aduunkana ay isha ku hayaan hadba xaaladaha ku soo kordha xeyndaabka dagaalka ay gashay magaalada.

NB: Sawiradan waa kuwo hore oo ka muuqda howl galadii Ciidamada Kenya soo wadeen, min Bur-Gabo ilaa deegaanka Taabto iyo deegaanada kale.

undefined undefined

undefined

 

 

Categories: HOME

GARBODADARNEWS,,,KADAAWO WARKA SOMALI CHANNEL IYO MUSTAFA CABDI XUSEEN SHAAFI 27 09 2012

Categories: HOME

Garbodadarnews Kadaawo Film soconaya 1 sac,The Last Signals (Titanic Independent FILM)

Categories: HOME | Tags: , , ,

Garbodadarnews Kadaawo Odoyaasha Gobalka Awdal Oo U Jawaabeen Hadal Kasoo Yeedhay Dhigooda Hargeysa 25 09 2012

Categories: HOME

Sacad Muusow Waxaad Rabtaan In Aad Mar Labaad Ku Noqotaan Xarshin, Suldaan Sanbuurad,Sacadmuusihii Asalka Ahaa Waan Naqaanaa , Kuwani Ma Cirka Ayay Ka Soo Dhaceen Caaqil Taajaro.+Vidoe

Boorama-(GARBO) “Sacad Muusow  Waxaad Rabtaan In Aad Mar Labaad Ku Noqotaan Xarshin, Suldaan Sanbuurad,Sacadmuusihii Asalka Ahaa Waan Naqaanaa , Kuwani Ma Cirka Ayay Ka Soo Dhaceen Caaqil Taajaro.+Vidoe

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Suldaan Samatar Iyo Suldaan Abshir Oo Ka Mid Ah Odaydhaqameedyada Beelwaynta Maxamed Case Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Warbaahinta Ay Shalay Mariyeen Odaydhaqameedyada Beesha Sacadmuuse (Isaaq) Ee Daawasho Haboon.


Boorama-(Garbodadarnews)Halkan Ka Daawo Suldaan Samatar Iyo Suldaan Abshir Oo Ka Mid Ah Odaydhaqameedyada Beelwaynta Maxamed Case Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Warbaahinta Ay Shalay Mariyeen Odaydhaqameedyada Beesha Sacadmuuse (Isaaq) Ee Daawasho Haboon.

Boorama/Garbodadarnews/Somaliland

Categories: HOME

GARBODADARNEWS kadaawo warkii somali channel oo dhinacyo badan ka hadlaya dawasho wacan

Categories: HOME

Garbodadarnews Kadaawo Barmaamush an ugu magacdaray Horow Marinta Heesaha Waa Soo Habayntii Iyo Isku Tubaridkii Garbodadarnews TV

Categories: HOME

Dawlada Dalkaasi Libiya Oo Sheegtay in Hubka Ka Dhigayso Maleeshiyooyinka Wali Madaxbanaan Sida Ugu Dhaqasaha Badan Ka Dib Markii Ay Hawlo Kharbudaada Ka Sameeyeen Dalkaasi.

Tripuli-(GRN) Dowlada Libiya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay habeenimadii Sabtidii ku sheegtay inay hubka ka dhigi doonto dhamaan maleeshiyaadka madaxa banaan ee ku sugan gudaha dalka Liibiya, ayadoo laga bilaabayo maleeshiyaadka ku sugan labada magaalo ee ugu weyn dalkaasi ee Tripoli iyo Benghazi.

Mohammed al-Megarief oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalkaasi Liibiya ayaa sheegay in dhamaan maleeshiyaadka ku sugan goobaha bulshada iyo xarumaha dowlada inay isaga baxaan halkaasi, isla markaana ay mamnuuc tahay in wax hub ah banaanka loola soo baxo.

Ciidamada Dowlada Liibiya ayaa sidoo kale labo maalmood siiyey maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan qeybo kamid ah xarumaha Dowlada ee magaalada Caasimada ah ee Tripoli.

Tilaabadan ayaa imaaneysa kadib maalinimadii Jimcihii ay shacabka magaalada Benghazi ay xoog ku galeen xaruntii fariisinka u ahayd kooxda Ansaru Diin oo ayagu lagu eedeenayey inay ka danbeeyeen falkii lagu dilay Safiirkii Maraykanka oo ku sugnaa maalinimadii 11kii September Qunsuliyada Maraykanka ay ku leeyihiin caasimada labaad ee Benghazi.

Shacabkan gadoodsan oo qaarkood ay hubeysan yihiin ayaa sidoo kale weeraro ku qaaday xarun labaad oo ay ku sugan yihiin ciidamada hoostaga dowlada halkaasi oo iska horimaad ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 4 ruux.”

Garbodadarnews/Tiriibooli/Libiya

Categories: HOME

Madaxwayne Siilaanyo Oo Xalay Kulan La Yeeshay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub U Soo Magacaabay Wadanka Soomaaliya Md.Michele Cervone D’urso+Vidoe

Hargeysa-(GRN) Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa maanta booqasho ku yimid ergayga cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabay arimaha Somaliya Michele Cervone D’Urso, kaasi oo maanta galinkii hore Muqdisho kula soo kulmay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ergayga midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Michele Cervone D’Urso oo caawa ku sugan Hargeysa ayaa kulan la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ku sii dhaweeyay qasriga Madaxtooyadda.

Ergayga oo ay Somaliland ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa kulanka ay yeesheen Madaxwaynaha Somaliland, aan la ogeyn waxay kaga wada hadleen, balse waxa la filayaa inay soo wada qaadeen dawlada cusub ee Somaliya ka dhalatay iyo sidii ay Somaliland wada hadaladii ay la bilowday Sheekh Shariif la sii ambo-qaado xukuumadda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan dhex Maray Madaxwaynaha Somaliland iyo ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya oo ahaa mid albaabadu xidhnaayeen, balse warbaahinta loo ogolaaday oo kaliya inay sawiro ka qaataan, ayaa la sheegay in waxyaabaha kale ee ay kaga wada hadleen ay ka mid ahaayeen sidii midowga Yurub u kordhin lahaa deeqaha bani-aadaminimo ee uu Somaliland ku taageero.

Markii kulankaasi dhamaaday ka dib, ayaa Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar warbaahinta uga waramay nuxurka waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaanu sheegay inay Madaxwaynaha iyo ergaygu ka wada hadleen xidhiidhka Somaliland iyo Midowga Yurub iyo waliba mashaariicda Midowga Yurub ka caawiyo Somaliland.

 

Garbodadarnews/Hargeysa/Somaliland

Categories: HOME

War-Saxaafadeed::Madaxwayne Siilaanyo Oo Maanta Xil-Ka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Wasaaradaha Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Iyo Arimaha Gudaha Somaliland+Sii Akhri

 

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay  No. JSL/M/XERM/249-1329/092012 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

 

Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

 

Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan.

 

Markuu La Tashaday:      Madaxda ay khusayso,

 

Markuu ku qancay:           Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

 

Wuxuu go’aansaday

 

1.     In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

2.     In Mudane, Xuseen Xaaji Axmed Yusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

23/09/2012

 

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay no. JSL/M/XILQ/249-1331/092012, Xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka,Mudane, Shariif Libaax Muuse.

 

Ujeedo:      Xil-ka Qaadis

 

 Mudane,

 Waxa aan aad kaaga mahad celinyaa mudadii aynu soo wada shaqaynaynay. Xilka Qaranka ayay dabcigiisu yahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.

 Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka Mudane Xuseen Xaaji Axmed Yusuf oo aan xilkaas u soo magacaabay.

 

 ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

ALLAA MAHAD LEH

Categories: HOME

Dhakhtarka Al-Xayaat Hospital Ee Magaalada Boorama Oo Maalintii Saddexaad Si Habsamiya Uga Socdaan Qaliinada Culculus Iyo Baadhitaano Guud+SAWIRO

Boorama-(GRN) Waxaa maalintii saddexaad  ka socda dhakhtarka Al-Xayaat Hospital ee magaalada Boorama qaliinada iyo baadhitaanada ay samaynayaan dhakhaatiir ka timid dalkaasi Kuwait kuwaas oo ilaa haatan qaliino u sameeyay in ka badan dhawr boqol oo qof kuwaas oo iskugu jiro qaliinada Culus, kuwa Fudud , Indhaha iyo qurxinta jidhka bini aadamka ee horey ugu dhacay xanuuno ama gubasho jidheed.

Qaliinadan inta ay samaynayaan dhakhaatiirtani ayaa waxaa dhinac socda tababar cilmiga dhakhtarnimada iyo qaliinka oo ay siinayaan ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud qaybteeda Caafimaadka iyo Ardaydii horey uga qalinjabisay kuliyadan Caafimaadka Jaamacadda Camuud kuwaas oo waqtikasta iyo saacadwalba garabtaagan dhakhaatiirtan qaliinada la yaabka ah samaynaya.

Boorama/Garbodadarnews/Somaliland

Categories: HOME

Garbodadarnews Kadaawo Warkii Somali Channel Ee Manta Ee Dalka Somaliya Oo Dhinacyo Badan Taabanaya

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Barnaamujka Tixmaal Iyo Abwaanka Da’yarka Ah Ee Reer Awdal Abwaan Maxamed Ababe Oo Haatan Jabuti Ku Sugan

Categories: HOME

Daawo La Yaabkan Gabadh Yar Oo U Dhalatay Dalka Ciraaq Oo Salaadii Ay Tukanaysay Uga Baxday Filim Musalsala Oo Soo Galay Waqtigaas Iyo Sijaajadii Ay Ku Tukunaysay Oo Istaagtay Kaligeen+Video Mucjiso

Baqdaad-(Garbodadarnews) Dalka Ciraaq dhawaan waxaa ka dhacday arin Mucjiso badan oo aad loola yaabay kadib markii gabar u dhalatay Dalkaasi xili ay Salaad dukaneysay uu soo galay Filim Musal sal ay si aad ah u jecleen uguna taxneed kaa oo keenay in ay uga baxdo Salaadii ay dukaneysay una ilowdo Salaadii ay dukaneysay.

Gabadhan ayaana Salaadii ka baxday xili aysan dhameestirin Salaada waxa ayna u deg degtay daawashada Filimka Musal salka ah soo galay ilowsiiyayna waajibaadkii alle iyo Salaadii ay xiligaasi u taagneed.

Marakii ay Salaada ka baxday gabadha ayaa la arkay Sujaayadii oo sameyneysa in ay istaagto sameynaysana dhaq dhaqaaq taa oo dad badan layaab ku noqotay aadna uga fajaceen Mucjisadaas markii ay arkeen.

Dad badan ayaa kusoo uruuray halka ay ka dhacday Mucjisadan laguna arkay Sujaadayada kaligeed Dhaq dhaqaaqeysa oo taagan kadib markii gabadhii ku dukaneesay Sujaayadaasi ay salaada ka baxday markii uu soo galay Filim aay aadkaa ujecleed ee Musal salka ah.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad ugu tixan Filimaanta Musal salka ah ee kasoo gala Tv-yada iyadoona ay dhacdo in marka ay daawanayaan Musal salada iyo Filimaanta kale ay Salaada iyo waajibaadka kale ee saaran ilaawaan waqtigoodana ku lumiyaan filimaanta aan faa’iida u laheyn

Categories: HOME

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Wasiir Duur Oo Maanta Ka Warbixiyay Doorashada Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Ka Tirsan Ururka Islaax ,Dhalinyaradii Al-Shabaab Tagtayna Ugu Baaqa+Arimo Kale Oo Xiisa Badan+Video

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Wasiirkii Hore Hawlaha Guud Ee Guryaynta Waqtigii Rayaale Wasiir Sulub Oo Ka Hadlay Arimo Xiisa Badan Oo Ay Ka Mid Tahay Sharciyaynta Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cirro Iyo Arimo Kale.”

Categories: HOME

Halkan Ka Daawo Filim Hordhiciisa Dadwaynaha Somaliland Soo Jiitay Oo Uu Soo Saaray Fanaanka Da’da Yar Ee Laga Dabadhacay Sanadkan Al-Fanaan Mursal Ee Daawasho Haboon.

Categories: HOME

Dhakhaatiir Caalamiya Oo Ka Timid Dalkaasi Kuwait Oo Maanta Ka Bilaabay Hawlo Baadhitaan Iyo Qaliin Dhakhtarka Al-Xayaat Ee Magaalada Boorama+SAWIRO

Boorama-(GRB) Waxaa maanta si rasmiya uga bilaabmay dhakhtarka caalamiga ah ee Al-Xayaat Hospital ee Magaalada Boorama  hawlihii baadhitaanada iyo qaliinada ee ay Samaynayaan dhakhaatiir caalamiya oo ka socday Jimciyatul Al-Cawnu Almubaashar oo laga leeyahay dalkaasi Kuwait.

Dhakhaatiirtan oo galinkii danbe ee shalay soo gaadhay magaalada Boorama ayaa isla saaka waxa ay baadhitaano iyo qaliimo u sameeyay dad kor u dhaafaya Boqol kuwaas 180 Qof kuwaas oo iskugu jiray , Caruur iyo dadka waawayn.

Dhakhaatiirtan caalamiga ah ee ka timid dalkaasi Kuwait ayaa sii joogi doono mudo todobaad ah kuwaas oo la filayo in ay qaliino casriya iyo baadhitaano kala duwan ka samayn doonaan dhakhtarkan caalamiga ah ee Al-Xayaat oo ay dhismaheeda maalgalisay ha’ayada Samafalka Caalamiga ah ee Amoud Foundation oo uu Gudoomiyaha Guud Ee hay’adani Prof: Maxamuud Faarax Cigaal uu maalmihii u danbeeyay ku sugnaa xarunta gobolka Awdal Ee Magaalada Boorama.

Dhakhaatiirtan maanta hawlaha Caafimaad ka bilaabay magaalada Boorama ayaa ka kooban 16 Dhakhtar kuwaas oo iskugu jira dhakhaatiirta Qaliinada guud iyo dhinaca baadhista xanuunada guud waxaana imaatinkooda iyo hawlgalkooda u fududeeyay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’ada Amoud Foundation oo dhawaan booqasho ku tagay Magaalada Kuwait kuwaas oo uu horkacayay Prof: Fariid oo ah agaasimaha Guud ee dhakhtarkan Al-Xayaat.

Si kastaba ha ahaatee imaatinka dhakhaatiirtan gobolka Awdal oo ah markii ugu horeysay ayaa la filayaa in ay wax wayn ka qaban doonaan baahiyihii caafimaad ee dadwaynaha ku dhaqan Somaliland iyo gaar ahaan Goboladan Awdal/Selel ay u tagi jireen wadadam  dibada ee kharashka badan ku bixi jireen.”

undefinedundefinedundefinedundefinedundefined

Boorama/Garbodadarnews/Somaliland

Categories: HOME

Garbodadarnews Kadaawo Barmaamush an ugu magacdaray Horow Marinta Heesaha Waa Soo Habayntii Iyo Isku Tubaridkii Garbodadarnews TV

Categories: Uncategorized

Garbodadarnews Kadaawo Barmaamush an ugu magacdaray Horow Marinta Heesaha Waa Soo Habayntii Iyo Isku Tubaridkii Garbodadarnews TV

Categories: Uncategorized

Garbodadarnews Ka Daawo Wararka Dunida Oo An Isku Soo Ururinay Inta U Doorka Roon Waa Isku Tubaridkii Iyo Farsamadii Garbodadarnews TV

Categories: Uncategorized

Garbodadarnews Ka Daawo Taariikhdii Somaliya Ay Soo Martay Oo aan Soo Ururinay Dib u Eeg Waqtiga La Soo Maray Waa Garbodadarnews TV

Categories: Uncategorized

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Laba Xeer Oo Bulshada Somaliland U Muhiim Ah Kuwaas Oo Ay Ka Faa’iidaysan Doonaan ..

Hargeysa-(GRN) Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa maanta ansixiyey laba Xeer oo kala ah Xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka iyo Xeerka Waddo marista.

Fadhigan oo uu Shirguddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, isla-markaana ay soo xaadireen 42 Mudane, ayaa waxa mudanayaashu cod u qaadeen labadaas xeer oo mid walba gaar loogu codeeyey.

Xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka waxaa uogolaaday 35 Mudane waxaa diiday 2 Mudane waxaana ka aamusay 4 Mudane Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka.

Xeerka labaad ee ee waddo marista waxaa ogolaaday 35 Mudane, Waxaa diiday 1 Mudane waxaana ka aamusay shan Mudane, Gudoomiyahuna ma codayn sidaasna waxaa ku ansaxay xeerka waddo marista Somaliland .

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaasha ku wargeliyey in maalinta sabtida ah ee soo socota Goluhu yeelan doono fadhi balaadhan oo ay cod ugu qaadi doonaan ansixinta Wasiirrada Madaxweynuhu dhawaan magacaabay. 

Garbodadar/Hargeysa/Somaliland

Categories: Uncategorized

Xukuumada Somaliland Oo Soo Dhawaysay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaaliya Sheegayna In Uu Garawsho Ka Bixiyo Madaxbanaanida Somaliland.

Hargaysa-(GRN) Dawlada Somaliland ayaa soo dhawaysay hadal diblumaasiyadeed oo ka soo yeedhay Madaxwaynaha cusub ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo uu ku sheegay inay sii ambo-qaadayaan wada-hadaladii hore ugu furmay labada dal.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan hadalka Madaxwaynaha Somaliya oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid taxadar badani ka muuqday, balse waxa uu tilmaamay in Madax-banaanida Somaliland tahay mid ku timid rabitaanka shacabka reer Somaliland oo aanay ka noqosho lahayn.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa uu sheegay in Midnimadii hore aanay ahayn mid ku timid khasab iyo jujuub, imikana aanay ku iman Karin, loona baahan yahay in Somaliya Madax-banaanida Somaliland garowshiiyo ka bixiso “Waanu soo dhawaynaynaa hadalka Madaxwaynaha cusub, hadalkiisa waxa ka muuqday taxadar faro badan iyo ka fiirsasho badan”ayuu yidh, waxaanu intaa ku daray isaga oo sheegay inay soo dhawaynayaan wada-hadalada uu sheegay Madaxwaynaha cusub inay sii ambo-qaadayaan “Arintaasi waanu soo dhawaynaynaa, waxaanuna rajaynaynaa inaanu Madaxwaynaha cusub aanu is-aragno marka ay suurto-gasho”

Wasiirka oo la waydiiyay in Madaxwaynaha Somaliya sheegay inay Somaliland kala hadlayaan Midnimo dambe, ayaa ku jawaabay “Madax-banaanidu waa mid ku salaysan rabitaanka shacbiga, Somaliyana arintaasi waa inay garowshiiyo ka bixisaa”ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey “Midnimadu maaha mid jujuub ah, maaha arin khasab ku timid markii hore, imikana ku imanaysa, mowqifka Somaliland maaha mid isbedal ku yimid, taasina suurto-gal maaha”

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu tilmaamay in aanay hadda furnayn dood laga yeesho Midnimo dhex marta labada dal “Arintaasina (Midnimo) maaha mid hadda doodeedu furan tahay, laakiin wax wada qabsi iyo laba wadan oo jaar ah loo heli lahaa weeyaan”ayuu yidhi.”

Garbodadar/Hargeysa/Somaliland

Categories: Uncategorized

Dawlada Kenya Oo Shiikh Shariif Ku Eedeysay Inuu Maleegay Qaraxyadii Lagu Weeraray Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya.

Nairobi-(GRN) Wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Kenya Sam Ongeri ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee DKMG aheyd ee Somalia Shariif Shiikh Axmed inuu ka dambeeyey qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee maalmo ka hor ka dhacay Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa madaxweynaha cusub ee Somalia.

Sam Ongeri wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Kenya ayaa sheegay in Shiikh Shariif ay weli u cuntami la’dahay guuldaradii ka soo gaartay tartanka looga guuleystay ee madaxtinimada Somalia uuna isku dayayo inuu carqaladeeyo madaxweynaha cusub.

“Doorashada ka hor Shiikh Shariif waa ila soo xiriiray, wuxuuna iga codsaday in Kenya ay gacan ku siiso sidii uu mar kale ugu soo bixi lahaa doorashada maadaxweynaha Somalia, hase ahaatee waxaan ugu jawaabay in Kenya aysan shaqsi taageereynin shaqsi balse ay taageereyso madaxaweyne kasta oo Baarlamanka Somaliyed uu soo doorto” ayuu intaa ku daray Sam Ongeri.

Wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Kenya Sam Ongeri ayaa intaa ku daray in Shiikh Shariif uu soo gaaray hotelka Jasiira wax yar ka dib markii ay qaraxyadu dhaceen isagoo aysan ka muuqan wax naxdin iyo tiiraanyo ah taasoo uu sheegay iney cadeyn u tahay qaraxyada halkaas ka dhacay inuu wax ka ogaa.

Hadalka Wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Kenya Sam Ongeri ayaa ku soo aadaya xili Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia ay sheegatay masuuliyada qaraxyadii lagu weeraray hotelka Jasiira ee uu degenaa madaxweynaha Somalia, waxaana xusid mudan in xiriirka ka dhexeeyay madaxweynuihii hore ee dowlada Kenya uusan fiicneyn.”

Garbodadar/Nairobi-Kenya

Categories: Uncategorized

Lughaya-(GRN) Labaatan sano ka badan kadib markii burbur xoogan kasoo gaadhay dagaalkii sokeeye dowladii somaliyeed ay kana soo gaadheen burbur xoogan  iyadoo  dawladihii somaliland ee isbabadalay marka laga soo bilaabo dowladii tuur iyo tii cigaal iyo tii kadan baysay ee daahir riyaale aan wax hawl ah habayaraatee ama  shaqo ah aanay kaqaban .

Nasiib wanaag ma helin wax dayactir ah oo loo sameeyay dhaqtarkaasi  deg.lughaya .dadka deegaankaasi ku dhaqan waxay cabasho in badan ka muujiyeen dhaqtar la,aanta haysata iyadoo ayjiraan dhibaatoonika haysta hooyada uurkaleh iyo dadka xanuunada kaladuwan  ka cabanaya oo aan waxba aan laga qaban karin deg-gudeheeda ilaa looqaado magaalooyinka waaween oo uu qarash farabadan kaga baxo  mana haystaan gaadiidka ambalaaska si gumad deg deg ah luugu sameeyo .

Hadaba maanta isbitaalkii waxa uu helahay gabdho qurbajoog ah oo iyagu la tacaalaya  dib udhiska isbitaalkan si bulshadu u hesho isbitaal wax uqabta bukaanada kala duwan ee ladaalaadhacaya xanuunada  ku dhaca bulshada kaladuwan ee ku nool  deg-lughaya. Dhismaha isbitalka ayaa imika meel wanaagsan  maraya . hadaba  waxaa  bulshada kunool gudaha iyo dibada iyo cid walba oo danaynaysa sidii ay uheli lahaayeen isbitaal dadwaynahaasi  ku dhaqan deegaanka lughaya  waa in ay  gacan ay ka gaystaan  sawirada dhaqtarka aan idiinka soo qaadnay waaka maqaalka lasocda

undefinedundefined

Garbodadarnews/Boorama /Somaliland

 

Categories: Uncategorized

War-Deg-Dega:Madaxwaynaha Dawlada Federalka Soomaaliya Oo Uu Si Mug Leh Ugu Guulaystay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud..

Muqdisho-(GRN) Waxaa iminka uun lagu dhawaaqay natiijada doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo uu si rasmiya ugu guulaystay Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud oo helay cod aqlabiyada oo dhan 190 Cod halka ninkii isaga la tartamayay ee sheekh shariif helay 79 Cod waxaana halkaas gudoomiyaha Baarlamaanku ka akhriyay in caawa laga bilaabo Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Uu Yahay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Giriyaadnews/Muqdisho/Soomaaliya

Categories: Uncategorized

Madaxwaynaha Lagaga Adkaaday Doorashada Soomaaliya Sheekh Shariif Muxuu Ka Yidhi Guuldarada Ku Habsatay Ee Lagaga Guulaystay Kursi Uu Lacag Badan Ku Bixiyay.

Muqdisho-(GRN)-Madaxweynihii Dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhaw Khudbad ka jeediyay Madasha ay ka dhaceysay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee caawa looga guuleestay.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ay ku qanacasn yahay Doorashadii dhacady iyo sidii codadka loo dhiibay uuna u hogaansan yahay Doorashada meesha ka dhacay uuna al shaqeyn doono Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in wax lagu farxo tahay in 42-sano kadib Gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho lagu qabto Doorasho xur ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu umada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagan Madaxweynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud isagana uu garab taagnaan doono talo iyo Tusaale.

Waxa uuan Madaxweynihii hore Soomaaliya Taliyaasha kala duwan ee Ciidanka Qalabka siday ku amray in waxii hada kadib talada ka qaataan Madaxweynaha Soomaaliya si uusan u dhicin dal dalool dhinaca amanaka.

Garbodadarnews/Muqdisho/Soomaaliya

Categories: Uncategorized

Amin-Arts:::Sawir Gacmeedka Maanta Iyo Doorashada Madaxtinimo Ee Ay Maanta Galeen Golaha Wakiilada Soomaaliya Ka Hor Intii Uunan Xasan Sheekh Maxamuud Ku Guulaysan Kursiga.kkkkkkkkkk.

Amin-Arts:::Sawir Gacmeedka Maanta Iyo Doorashada Madaxtinimo Ee Ay Maanta Galeen Golaha Wakiilada Soomaaliya Ka Hor Intii Uunan Xasan Sheekh Maxamuud Ku Guulaysan Kursiga.kkkkkkkkkk.

undefined

Categories: Uncategorized

BOORAMA: Dahabshiil Group & Wacdarihii Xafladdii Qallin jabinta Ee Dufcadda 11-Aad Ee Jaamacadda Camuud.

Boorama-(GRN) Shirkadda Dahabshiil Group ayaa wacadaro ka dhigtey xafladii qallinjabinta dufcadda 11-aad Ee Jaamacadda Camuud oo uu ka soo Qayb galleen Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.”

Dahabshiil Group oo ka kooban afar qaybood oo kalla ah qaybta Xawaalada oo ah Hooya dhashey seddexda qaybood ee kalle oo kala ah SOMTEL,Ganacsiga Iyo Qaybta Islamic Bank Caalamiga ah ee Dahabshiil.

Xafladan qallinjabinta oo badankeeda ay maalgelisey Dahabshiil Group waxa sidoo kalle kulamaanaa shahaado sharaf ay shirkadda Dahabshiil Group ay gudoonsiiyeen Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan.

Sidoo kalle Jaamacadda Camuud ayaa waxay gudoonsiisey Dahabshiil Group Shahaado sharaf ay ku maamuustey iyada oo dhistey hool qaadaaya in ku dhaw 3000 oo qof.

Sidoo kale Dahasbhiil Group oo ay madasha xafladda ku sugnaayeen Madaxda Shirkadda SOMTEL oo uu ka mid ahaa Caynaanshe oo ah Mareeye ku xigeenka Shirkadda SOMTEL, Madaxa iibka iyo suuqeynta . Iid Muuse, Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha, Naasir Cawad,Gudoomiyaha Gobolada Awdal/Selel Ee Shirkada Xawaalada Dahabshiil Xaaji Ismaaciil Cabdi Riirash ,Guddoomiyaha gobolada Galbeedka Somaliland ee shirkada Somtel Xaaji Saleebaan Sheekh C/laahi Muuse. ayaa waxaa madashii ay xafladdu ka socotey dadweynii ka soo qayb halley u riyaaqeen adeegyadda hufan ee shirkadda iyo sidoo kalle halkaa aadka u qiimaha badan ee ay shirkaddu maalgelisey.

M/kuxigeenka Somaliland Md C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Saylici ayaa  waxaa si Rasmi ah xadhiga uga jarey Halka ay Shirkadda Dahabshiil Group ay ka hirgelisey Jaamacadda Camuud.Mr Caynaanshe oo ka hadlayey xafladii qallinjabinta ayaa ku nuux-nuuxsadey Shirkadda Dahabshiil Group adeegyadda kala duwan ee ay siiso Jaamacadda Camuud waxaanu xusey iney ka mid tahey adeega Internet-ka oo ah mid ay sigaara ah Taawar-koodu ku yaala buurta la jaarka ah Jaamacadda Camuud.

Waxaa uu Masuulku xusey in Dahabshiil Group ay sidoo kale Jaamacadda Camuud ka hirgelisey hool aad u weyn oo qaaadaya dadku dhaw 2000 oo qof waxaanu xusey in Dahabshiil ay ka qaybqaadato dhamaan adeegyadda kala duwan ee bulshadda.

Madaxdii kalla duwanaa ee madasha xafllada ka hadley oo uu ugu horeeyo M/xkuxigeen, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud iyo Madaxdii Kalle ee madasha kusgnaa waxay iskuraaceen adeegyadda hufan ee shirkadda dahabshiil group ay ka hirgelisey Jaamacadda Camuud.

Dhanka kale waxaa iyagna shahaado sharaf ay jaamacadda Camuud siisay shirkadii Qandaraaska ku dhistay Hoolka oo ka socday Shirkada Dhidar Xaaji Axmed Xuseen Shaafici.

Sidoo kalle Shirkkada SOMTEL ayaa ku wareejisey Masuuliyiinta Jaamacadda Camuud hadiyyado kalla duwan oo ay ugu talla galeen Ardeyda ugu sareysay kulliyadaha kalla duwan ee jaamacadda Camuud.”

Garbodadarnews/Boorama/Somaliland

Categories: Uncategorized

Garbodadar Kalasoco Wararka Caalamka Iyo Wararka Dalkaaga Hooyo Fadlan Si Aad u Hesho Sararka oo Suga Dawashana Ah Fur Video U Horeeya Markasta balanteenu waa Gaarbodadar TV

Categories: Uncategorized

Garbadadarnews kadaawo warkii caalamka iyo Garbodadar TV

Categories: Uncategorized

Professor Samatar leaves ivory tower to run for president of Somalia, By Laura Yuen

undefinedST. PAUL, Minn. — Ahmed Samatar has been thinking about Somalia for more than 35 years, ever since he left the country to attend the University of Wisconsin-La Crosse in his 20s.

A leading scholar on Somalia, he’s written five books and dozens of articles about the affairs of his homeland, often with a critical eye toward its government.

After spending so much time thinking, Samatar has decided to act, leaving the ivory tower for an unusual assignment: He’s running for president.

Samatar has taken a sabbatical to play a part in a new era as Somalia lays the groundwork for what many hope will be a lasting stable government.

“Thinking and doing have always been part of each other,” he said from the capital city of Mogadishu. “The moment has arrived in which I, too, would like to see if my own ideas can be planted on the soil of Somali politics, and might be therefore able to have the Somali community move beyond war, chaos, famine, and corruption.”

Samatar is widely seen as one of the most serious contenders in the presidential race. But his political ambitions surprised his own peers, including his younger brother Abdi Samatar, a professor at the University of Minnesota.

Professor leaves ivory tower to run for president of Somalia (feature audio)

Earlier this month, the elder Samatar, the former Macalester dean of the Institute for Global Citizenship, was sworn into Somalia’s new federal parliament. That same parliament will select a new president in the coming weeks. But the process has been rife with allegations of vote-buying and other signs of corruption.

“The Somalis are like bees… When they smell honey, or flowers, everybody comes.”– Ahmed Samatar

Meanwhile, the field of candidates has grown to more than 60.

“The Somalis are like bees,” Samatar said. “When they smell honey, or flowers, everybody comes.”

The Somali people will have no direct say in who becomes the next president, in part because the country is still mired in a decades-long civil war. The nation hasn’t had a functioning government since 1991, and some doubt that the current political changes will lead to any kind of lasting peace.

“The last 25 years have given the rest of the world, and many Somalis, [a sense] that maybe history is written forever for the Somalis — and the best they can hope for is to become the Haiti of Africa,” Samatar said. “But there is the other side that says that there is nothing eternal about this condition, and that if Somalis are getting new leadership that is ethical and legitimate — and competent — then I think a new dawn will probably come.”

If elected, Samatar plans to harness his connections in Minnesota and the rest of the United States to bridge the gap between Somalia and the West. He said Minnesota is home to nonprofits, colleges, talent, and an abundance of collective goodwill that can help bring Somalis out of poverty and chaos.

Samatar said people inside Mogadishu have heard all about Minnesota, and the success of the Somali-American community here.

“When I tell people I’ve been living in the United States, and that I’m from Minneapolis-St. Paul, there’s a certain glow in the faces of the people,” he said. “There’s a sense of fate, that the Twin Cities are directly connected to Somali society. And it’s helped me gain better access to the communities and families in Somalia.”

While Samatar is considered a top candidate, many observers think the election will go toward either the incumbent president or prime minister.

Like Samatar, most of the presidential candidates are Somalis who have spent the past several years living outside the nation’s borders, said Abdi Aynte, a Somali-American journalist based in Qatar.

“That’s because people from the diaspora are thought to have better education, better access, and better understanding of the world system, and maybe that’s one way they have better credibility within the country,” he said.

Aynte said Samatar is an unusual candidate because he’s running on a political party platform. Most other candidates, Aynte said, are appealing to their clans for support, and have failed to articulate a nationalist vision in a way that Samatar has.

Even if Samatar loses the election, Anyte said, the Minnesota professor is still planting the seeds of democracy. He said that as a member of Parliament, Samatar can still bring about important legislation — but only if he sticks around to serve out his four-year term.

“I think Professor Samatar and other civic forces stand at a critical juncture, where if they cut and run away if they don’t make progress in the election, it’s going to be a loss for the Somali people,” Aynte said. “What they need to do is stay in the system, to be advocates from within, and introduce changes and lead the change because they have the capacity, the education, and the ability to convince and win friends.”

For his part, Samatar said he misses Macalester, his Highland Park neighborhood, and the rigors of academic life. Win or lose, he said he’ll one day come back to the classroom and tell his students about his incredible journey. He also plans to write all about it in his next book.

Source: MPR

Categories: Uncategorized

Qaybta Suugaanta Maanta Waxaan Ku Soo Qaadanaynaa Heestii Garboraaxo iyo Awdal Waa Codkii Fanaanka Dada yar ee Codka Dahabiga Ah Ale Ku Manaystay Samater Xasan jaamac Waa Habayntii Iyo Isku Tubaridkii Xafiiska Wargayska Giriyaadnews,,Ee London Iyo Farsamadii Farxaan Maxamed Taani Daawasho Wacan

Qaybta Suugaanta Maanta Waxaan Ku Soo Qaadanaynaa Heestii Garboraaxo iyo Awdal  Waa Codkii Fanaanka Dada yar ee Codka Dahabiga Ah Ale Ku Manaystay Samater Xasan jaamac Waa Habayntii Iyo Isku Tubaridkii Xafiiska Wargayska Giriyaadnews,,Ee London Iyo Farsamadii Farxaan Maxamed Taani  Daawasho Wacan

Categories: Uncategorized

Daawo Ciyaaraha H/Dhaqanka Ee Lagu Soo Bandhigay Caleemasaarkii Sul. Sh. Ibraahim

Categories: Uncategorized

Xildhibaano Ka Hadlay Shirwaynahii ARDAA Ee Boorama Ka Dhacay

Categories: Uncategorized

Cabdi Jaamac Caamir Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Sharaxanyahay Xisbiga Kulmiye Doorashooyinka G/Deegaanka Ee Borama.

 
Categories: Uncategorized

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Eng. Saylici Oo Safar 3 Maalmood Ah Ku Tagay Degaanada Abaaraha

 
Categories: Uncategorized

Blog at WordPress.com.