History

Daawo Deg. Garbodadar Oo Si Wayn Looga Dabaaldagay Xuska 18 May

Posted in May 23rd, 2011
by giriyaadnews

MAXAA ASAL U AH ISMAANDHAAFKA BULSHADA KU

 

DHAQAN

 

G/WAQOOYI Q-2

 

Hadaan Laka la’roonaan Roob Mada’o Waa Hadal Waayeel’ Waxaanu Halkii Ka Sii Amba Qaadaynaa Qaybtii Labaad ee Qormadeena Hadaba Sooyaalka Taariikheed ee Geeska Afrika ( Africa ) Waxaa Meelo Badan Lagu Xusay in Dadyowga Soomaaliyeed ay Halkaa Deganaayeen Mudo aad Ufog. Waxaa Kale oo Deegaanka Soomaalida iyo Dhulweynaha Geeska Afrikaba Lagu Tirtirsiiyaa Inay ka Mid Ahayd Goobaha  ay Ka Dhaceen Gulufyo Dagaal ( Patal Field ) kuwoogii Ugu Dhiigbax iyo Dhimasho Badnaa Taariikhda Aadamaha. Waxaa Iska Horyimid oo Misna Ku Hardamay Halkaa Saddexda Diimood ee Samaawiga ah Iyadoo Ummadihii Halkaa ku Dhaqnaa ay Saamayn Weyn Ku Yeesheen Dagaaladaa Inta Badan Ku Salaysnaa Diimaha iyo Dhul-kala riixashada:

Talaabo Xadiddan Hadaan Hoos Usoo Yara Dhaadhaco Anigoo Dib u Jaleecaya Hab Nololeedkii Qoomiyadda Soomaaliyeed ee Caro Edeg ayaa ah Mid aad Ka Dhadhansan Karayso Gabayada Xambaadhsan Dhiilada iyo Colaaddaha ku Salaysan Isriix Riixa Isirreed iyo ku Dhaadashada Magaca Qabiileed Waxaana Kuu Muuqanaysa Mararka Qaadhkood Inayba Ka Ilays Fogayd Oogta Waabari’ ( Sun Rise )
Waxaa iyana Xusid Mudan Sida La’isaga Dhaxlay Sheekooyinka ku Salaysan Oday Ka Sheekee iyo Ab-laga Soo Gaadhka Waana Badweynta Hadalo Isku Soohan Labayntiisuna ay Tahay Faan iyo Botorin, Waa Odhaahyo Xambaadhsan Xasuus iyo Murugooyin Ku Salaysan Marxalado Qalafsan kana Qadhaadh Dacarta, Waxayna Safka Hore Kaga Jireen Hawl Maalmeedka ay Qaban Jireen Dadkeenii Hore ee Waayo Qaadhkood Ku Dakayn Jirdhay Dhulkaan Dushiisa:

Waxaa Arrimaha Lala Ashqarraaro Ka Mid ahaa Sida ay Geerida iyo Nolashu u Kala Qiimaysnaayeen Qof Waliba oo Ka Mida Bulshada Waxaa uu Ahaa Geeri u Joog Xabaasha iyo Ninkeedana Lama kala Qarinayn Waxayna ahaayeen kuwo Goor Waliba is eeganaya Gabal Dhacay iyo Waa Afgaduudan, Geesiga Waxaa uu Ka Dhex Muuqday Gabi Ahaan Howlaha ku Arroora Adeegyadda Bulshada Isagoon Marnaba Laga Filayn Basanbaas( Habsaamid )  iyo Bihinbih ( Jiljileec )  Midkoodna. Waxaa uu Qayb ka Ahaa Kicinta iyo Abaabulka Ummada, Hogaaminta Gulufyada Colaadeed, Abaan-duulayaasha, Tababarida Ciidamada Qalabka Sida Sida- Ciidanka Fardooleeyda, Falaadhlaydda, Waranlayaasha, iyo Gaadayaasha. Geesiga Waxaa Kale oo aan Looga Maarmin Meelmarinta iyo Fulinta Amuuraha ay Soo Gooyaan Xeerbeegtida Lafaruuga ah:

Hadaanu Halkaa Kaga Baxno Arraarteena maanta Waxaynu Qaybtaan Labaad Ku Eegaynaa Sooyaalkii Ummada Ku Abtirsata Deegaanadaa SSC WaxaanU is Dultaagaynaa Qayb Ka Mida Halgankii Dheeraa ee Daraawiishta oo uu Hormuudka ka Ahaa Maxamed Cabdile Xasan AUN 1890-1921kii Waana Sidan Taariikhdu Markay ahayd 1900kii wuxuu Gumaysiga Ingiriisku Soo Qalqaaliyay Col Laxaad leh kaa soo Looga Danlahaa In Lagu Damiyo Dabkuu Sayidku Huriyay Xabaddii Maalintkaa Shanqadheedu Waxay Socotay 20 Gu’ Inta La Hubo Waxay Ciidamadda Daraawiishta iyo Gumaysigii Ingiriiska Fooda is Dareen ilaa 41 Goobood. Haddaba Goobaha ugu Caansan ee Faraha La’iskula Tegay iyo Xiliyadey Dhaceenba Waxay Ahaayeen:

  1. Dagaalkii Afbakayle                             03-05-1901
  2. Dagaalkii Fardhidin                              16-07-1901
  3. Dagaalkii Beerdhiga                             10-08-1902
  4. Dagaalkii Cagaarweyne                        17-04-1903
  5. Dagaalkii Daratoole                             18-04-1903
  6. Dagaalkii Jidbaale                               10-01-1904
  7. Dagaalkii Ruuga                                  09-10-1913
  8. Dagaalkii Dayuuradaha ee Taleex         10-01-1920

Gumaysigii Ingiriisku Waxaa uu Damcay inuu Awood Ciidan iyo Xeel Dagaal oo Dhan Isticmaalo Waxaa Kale oo Khiddadiisu ahayd Seddex Duulaan oo Midkiiba Socday Dhowr Gu’ oo Xidhiidh ah Sayidka iyo Daraawiish Wixii Ugu Badnaa ee Caawiyay Waxay Ahaayeen Aqoonta Dhulkooda, Samirka iyo Caqiidadii ay aamin sanaayeen Taasoo Keentay in Meelo Badan Ingiriisku Murugo iyo Walbahaar Kala Luudo. Hadaba Waxaa Wadanka Soomaalida Docdiisa Waqooyi La Soo Dhoobay’

  • 6 Markab oo Dagaal oo ah Xulkii Maraakiibta Dagaalka oo markaa Dowladii Gumaysigu ay ku Dhaadan Jirtay.
  • 12 Diyaaradood oo ah kuwii ka soo Qayb Qaatay Dagaalkii 1aad oo markaas u Dhignaa B52 Maraykanka ee maanta.
  • Waxaa La’soo Diyaariyay 3 Batalyan ooah Ciidankii La’odhan jiray ” King African Rifles” oo Qiyaastii 2400 N in ka koobnaa.
  • 2 Batalyan oo Hindi ah Gaadh ahaan Siikh kana koobnaa 1600 oo Nin.
  • 1 Batalyan oo Fardoolay ah oo iyana Hindi ah kana koobnaa 800 oo nin.
  • 2000 oo Askari oo Isugu Jiray ” Levy” iyo Ilaalo.
  • 1000 Nin oo Rakuublay ah ” Camel Corps ”.
  • Ciidan Dhawr Boqol ah oo ahaa Kuwa Miinada
  • Iyo Ciidan aad u badan oo La Hubeeyay kana koobnaa Qabaa’iladii Ingiriiska ku Hoos noolaa Looguna Talagalay Inay Gacanta Ku Dhigaan Wixii Fidhxad ah Inay Israacshaan kii Dhaawac ah Kufsadaanna Dumarka Dhacana Xoolaha Wixii Ka Soo Horbaxa.
  • Waxaa Iyana La Shaqaaleeyay Dhowr Boqol oo Soomaali ah oo Loogu Tala Galay Inay Noqdaan Basaasiin, Waxaa loo Diyaariyay ” Khariirad ay Raacaan.
  • Dhinaca Bari iyo W/Bari Waxaa iyana laga Diyaariyay Ciidamadii Seddexdii Boqor ee Deegaamadaas Markaa Ka Talin Jiray, Si’aanay Soo Dhaweyn uga helin Loona Badbaadin Daraawiishta Dhinacaas u Baxsata ama u Guurta.
  • Dhinaca Koonfurta Waxaa ka Diyaar garoobay Ciidamadii Talyaaniga, Talyaanigu Wuxuu isla Markaa Ogolaaday in Ciidamada Ingiriiska iyo Cawaankiisu ay Soo Galaan Xuduudka Talyaanigu Xukumayay Si Wixii Soo Gala Looga Daba Yimaado.
  • 5000 oo Askari oo Xabashi ah Ayaa Laga Diyaarshay Docda Galbeedka Taasoo Looga Dan’lahaa in Ninkii Maanta ka Nabad gala Xabad Cir iyo Dhulkaba Ka Imanaysa in aysan Gaadhin ama ku Nabad Galin Dhulka Soomaalida ee ay Xabashidu Haysato:
Isha: Tixraaca Muliyooy Saa See
Habayntii: Suxufi Abroone
Camuudnew: History
Chief: Editor
Allaa Mahada Leh                  

This post has been viewed 5 times.

Short URL: http://camuudnews.com/?p=14929

 

Leave a comment

Leave a comment

Blog at WordPress.com.