Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Fadhigoodii Cod Aqlabiyada Ku Meel Mariyay In Dooraashoyinka Lagu Galo Astaamo Muujinaya Musharaxa Tartamaya

Hargeysa-(Garbonews) Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta Cod  aqlabiyad  ah ku meel mariyay in doorashooyinka golaha deegaanka lagu galo astaamo Muujinaya in lagu garto Musharax Tartamaya.

Fadhigaaasi oo uu shir guddoominayay Guddomiye Ku-xigeenka Kowaad Sheekh Axmed Sheekh Nuux  ayaa waxa ka soo xaadiray 45 mudane, waxaana cod loo qaaday wax ka bedelka Xeerka Doorashooyinka golaha deegaanka in lagu galo astaamo ogolaaday 40 mudane, waxa diiday 2 mudane, halka uu ka aamusay 1 mudane guddoomiyuhuna ma codaynin.

Xeerkan ayay hore u soo ansixiyeen mudaneyaasha golaha wakiiladdu, iyaga oo Cod Aqlabiyad ah ku soo Ansixiyey in doorashooyinka golaha deegaanka Numbaro lagu gallo, Balse Golaha Guurtida ayaa maanta dib ugu celiyey.”

Garbonews/Hargeysa/Somaliland/

Categories: Uncategorized

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: