Halkan Ka Daawo Sawirada Qaybtii Labaad Xafladii Caleemo Saarka Suldaanka Guud Ee Beelwaynta Reer Maxamed(Maxamed Case ) +Nuxurka Qaar Ka Mid Ah Salaadiintii Ka Soo Qaybgashay+Video

Baki-(Garbodadarnews)Munaasabad balaadhan oo lagu caleema saarayay Suldaanka Guud ee Beelwaynta Reer Maxamed (Maxamed Case) ayaa maanta ka dhacday Degmada Baki Ee Gobolka Awdal.

Munaasabadan caleemo saarka oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay, Oday Dhaqameedyo, Indheer garad,raxan wasiiro ah oo ka socday xukuumada Somaliland ,iyo saraakiil sarsare oo ka kala socday Ururada ARDAA,ASARDA,TELESOM,Iyo qurba joog ka soo jeeda beeshan maanta caleemo saaranaysay suldaanka.

Ugu horeyn munaasabadan ayaa waxaa la caleemo saaray Suldaanka Guud ee Beelwayntan Reer Maxamed Suldaan Sheekh Ibraahim Cabdi Riiraash kuwaas oo ay caleemo saareen todobo oday oo ka soo jeeda Beeshan Reer Maxamed Ee maanta caleemasaaranaysa Suldaankooda Mustaqbalka,caleemo saarka ka dib waxaa halkaas duco aad u badan ka soo jeediyay isla todobadaa caleemo saartay kuwaasoo ay alle u rajeeyeenka Suldaanak cusub in uu xilka u fududeeyo.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas hadalo dardaaran iyo duco ka soo jeediyay Salaadiinta , Iyo Sheekhul Baladka Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley iyo oday dhaqameedyo kale oo ka yimid magaalada Hargeysa oo uu hogaaminayay Boqor Raabi Cismaan waxa ayna alle uga baryeen in uu xilka maanta la saaray u fudeeyo waxa sidoo kale ay kula dardaarmeen Suldaanka in ay soo mari doontaan dadka ugu xunxun loona baahan yahay in uu xikmad iyo caqli badan ku maareeyo arimaha noocaasoo kale iyo kuwa kale oo fara badan hadii ay yimaadaan.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa halkaas lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka waxaa sidoo kale xusdi mudnayd oo indhaha dadwaynaha soo jiitay koox da’yar ah oo garaacaysay Baambayda Ciidamada kuwaas oo mar ala marka mas’uul soo galo u tumayay.

Gabogabadii munaasabadan ayaa halkaas mid ka mid ah xidhiidhiyaasha barnaamujkan oo ahaa Dr Buuxane ayaa sheegay in beesha Reer Maxamed Gogol u fidinayso Beelaha kale ee walaalaha ay yihiin ee

 Gadabuursi loo xaliyo khilaafkii dhaqan ee soo kala dhex galay waxaase arinkaas ganafka ku dhuftay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaafka uu sheegay Dr:Buuxane Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Cafaan Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal taas oo uu sheegay in Gadabuursi wax ka dhaxeeya oo ay isku haystaan ayna jirin ayna si wanaagsan oo walaaltinimo ku jirto ay u wada Socdaan xaalad kasta iyo waqti kasta.

Suldaanka maanta la caleemo Saaray ayaa dhashay 1948 waxa uuna ku dhashay degaanka Camuud ee Degmada Boorama halkaas oo uu waxbarashadiisii Quraanka ku soo qaatay isla degaankaas waxa uuna intii ka danbaysay ilaa haatan uu ku nool yahay magaalaa Baki Ee Gobolka Awdal halkaas oo uu macallin quraan in mudo ah ka ahaa.”

Halkan Hoose ka Daawo Qaar Ka Mid AH Salaadiintii Madashaas Ka Soo Qayb Gashay Hadaladoodii

 

Reporter: Jaabir Ali Omer

Boorama/Garbonews/Somaliland

Categories: Uncategorized

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: