Jaamacadda Camuud Oo Maanta Daahfurtay Waxbarashada Master Degree Iyo BHD Sida Uu Sheegay Gudoomiyaha Jaamacaddu Prof:Saleebaan+SAWIRO+VIDEO

Boorama-(Garbodadarnews) Jamaacadda camuud ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ku soo kordhisay qaybo muhiim ah oo ka maqnaa jaamacadda kuwaas oo kala ah waxbarashada Masterta iyo BHD Sida uu sheegay gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed.

Munaasabadan lagu shaacinayay koorasyadan cusub ee ay jaamacaddu la kawsatay ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirada Waxbarashada, Cadaalada, Beeraha,Iyo caafimaadka , Aqoonyahano, waxgarad iyo salaadiin iyo marti sharaf kale oo fara badan.

Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed waxa uuna ka warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacaddanai iyo heerka ay iminka taagan tahay taas oo uu sheegay in ay maanta u fadhiyaan in ay ku dhawaaqaan daahfurka   Qaybaha waxbarashada Master degreega oo lix kuliyadooda  oo 17 Takhasus samayn doono laba kuliyadood uu ka mid ah lixdaa kuliyadoodna waxa uu sheegay Profesorku isaga oo sheegay in uu isku kalsoonyahay in sanadka  soo socda bisha Feberuary ay bilaabi doonaan waxbarashada BHD.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay Wasiirada Beeraha ,Cadaalada,Waxbarashada,Caafimaadka Somaliland waxa ayna dhamaantood sheegeen in ay tahay guul wayn oo u soo hooyatay umada Somaliland meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan umada ku nool goboladan Awdal/Selel ee ay jaamacaddani ku taalo hirgalinta waxbarashadan sare ee ay maanta hirgalinteeda ku dhawaaqeen.

Si kastaba ha ahaatee Jaamacaddan Camuud oo ka mid ah jaamacaddaha Somaliland tii ugu horeysay ee la aasaaso ayaa baryihii u danbeeyay waxaa ka soo yeedhay dhaliilo baahsan oo dhinaca maamulka tanina waxa ay ku soo beegmaysaa xili dhaliilahaas loo soo jeediyay ay yihiin kuwo taagan oo aan waxba laga qaban.

Halkan Hoose Ka Daawo Barnaamujkaas Oo Maqal Iyo Muuqaala

Boorama/Garbodadarnews/Somaliland

Categories: Uncategorized

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: