Dadweynaha Ku Dhaqan Caasimada Somaliland Ee Hargeysa Ayaa Dareeno Kala Duwan Ka Bixiyey Xadhiga Lagu Riday Maanta Boqor Buurmadaw.+Xog Waran Xiisa Badan

Hargeysa -(Garbodadarnews) Dadweynaha ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa dareeno kala duwan ka bixiyey xadhiga lagu riday maanta boqor Buurmadaw.

 Qaar ka mida oo dareenkooda cabiray ayaa ku bilaabay hadalkooda:-

 “Magacaygu waa Yuusuf Nuur, waxaan aad iyo aad uga soo horjeedaa xukunka maanta lagu riday boqor buurmadaw, waana mid sharci daro ah. Sababtoo ah madax dhaqameedka umada hormuudka u ah in sidaas loola dhaqmaa waa sharaf daro”

 “Aniga magacaygu waa Muuse Maxamuud, waxaa ayaan daro ah in sida uu sheegay Yuusuf in sidaas loola dhaqmo dadka umada hormuudka u ah. Waxaan xukumada siilaanyo u soo jeedinayaa inay ka waantawdo dhaqanka xun ee ay kula dhaqmayso madax dhaqameedka”

 “Shaqsiyan magacayga sheegi maayo, waxaan u arkaa inay tahay sharci daro midi ugu xumayad ee abid soo marta Somaliland, madaxweynaha iyo dadka la jiraaba taas oo kale ayaa sugaysa markla ay xukunka ka dhadhacaan”

 Dadweynaha dareenkooda ayaa kala duwan, waxaanu idiin soo gudbin doonaa barnaamij kale oo la xidhiidha dareenak shacabka ee ku qotoma xukunka Boqor Buurmadaw

Reporter: C/risaaq Sh/Cilmi Mixile

Hargeysa/Garbodadarnews/Somaliland

Categories: Uncategorized

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: