Daawo Sawirada U Diyaargorowga Iyo Anbabaxa Caleema Saarka Suldaanka Guud Ee Beesha Reer Maxamed (Maxamed Case) Oo Si Wayn Magaalada Boorama Looga Dareemayo

Marka aan hadaba yara jaleecno goobaha laga raaco gaadiidka u baxo degmada Baki ayaa ah kuwo aad saxmad badan galinkii danbe ee maanta kuwaas oo lagu arki karayay gaadiid iyo dad tiro badan oo isku diyaarinayo in ay ka qayb galaan caleemo saarka Suldaanka Guud Ee Beesha Reer Maxamed (Maxamed Case)

Si kastaba ha ahaatee munaasabadan la filayo in ay bari ka dhacdo magaalada Baki ee Degmada Baki ayaa ah mid  si wayn looga sii shaqeeyay waxaana la filayaa in si qurux badan ay hawshaasi u dhacdo maalinta Barri ah taas oo ay dad badan u dhug taagayaan waxa ka soo baxa go’aano shirkaas Tafwiiq ee mudooyinkii u danbeeyay ka socda Degaanka Degmada Baki Ee Gobolka Awdal.

undefined

Reporter: Liibaan Maxamed Axmed (Liibaan Liimo)

Boorama/Garbadadarnews/Somaliland

Categories: Uncategorized

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: