Mahadnaq iyo Hambalyo ku socota Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti ee sharafta leh


Dhawr email oo naga soo kala gaadhay dalalka UK, Sweden iyo Holland ayaa waxay hambalyo u dirayaan dhammaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti iyo nin katstoo wax ku darsadaygargaarka abaaraha, sida deeqsinimada leh ee ay uga jawaabeen baahida abaaraha ka taagan Gobolada Awdal iyo Salal.

“Ninkaan dadka u mahadnaqini Ilaahayna uma mahadnaqo ee haddaan nahay reer Adal waan ka mahadnaqaynaa deeqdaa an badhaxa lahayn ee dawladayada iyo dadkayaga reer Djibouti ay walaalahood ugu deeqeen.” sidaa waxa yidhi reer Holland.

waxanay Ilaahay uga baryayaan Madaxweynaha iyo shacabka reer Djibouti ee walaalahooda iyo qofkasta oo gurmadka abaaraha ka qaybqaatay inu Ilaahay ka jazaa’i siiyo xasanaadkoogana u labalaabo

Aamiin Aamiin

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: