Xukuumada Somaliland Ayaa Maanta Mar Labaad Sheegtay In Aysan Ka Qayb Galayn Shirka Soomaalida Ee Ka Dhici Doona Wadanka Turkiga Caasimadiisa Istanbul

Hargeysa-(Garbodadarnews) Xukuumada Somaliland ayaa maanta mar labaad ka hadashay ka qaybgalka shirka Soomaalida loogu qabanayo dhawaan wadanka Turkiga oo horey loo qorsheeyay in Maamulka Somaliland ay ka soo qayb gasho.

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed C/laahi oo maanta u waramayay laanta Afsoomaliga BBCda ayaa sheegay inaysan sinaba uga qaybgalayn shirka Wadatashiga Soomaalida ee ka dhacaya dhawaan wadanka Turkiga kaas oo uu sheegay in aysanba khusayn ajandayaasha laga hadlayo.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ay shalay soo gaadhay casuumada rasmiga ah ee ka qaybgalka shirkaas waxa uuna sheegay sida ay u dhigantahay iyo waxyaalaha lagaga doodayo shirkaasi waxa uu sheegay in ay tahay arimo ku saabsan Roadmabka oo uu sheegay in ay khusayso Soomaaliya.

Wasiirka oo mar wax laga waydiiyay oday dhaqameedyo Somaliland ka soo jeeda ee ka qayb galaya shirka Oday dhaqameedyda Soomaalida ee lagu ansixinayo Dastuurka, ayaa wasiirku ka gaws adeegay in uu si toos ah uga jawaabo isaga oo sheegay in wadanku sharci iyo kala danbayn leeyahay ,cida qudha ee wadahadal iyo madal Soomaalida lala fadhiisanayo loo ogolyahay ay tahay xukuumada Somaliland  wixii intaas laga reebayna waxa uu ku tilmaamay sharci daro.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in shirkaas tagidiisu ay wali laalantahay Somaliland ayna ka qaybgalidoonin ilaa inta la saxayo arimaha Somaliland ay ku doodayso in wax laga badalo.”

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii xukuumada Somaliland ay qaadacday in ay ka qayb gasho kulanka gogolxaadhka Shirka Turkiga oo ka dhici rabay wadanka Ingiriiska tanaina waxa ay noqonaysaa talaabadii labaad ee xukuumada Somaliland ku qaadacayso arimaha Soomaaliya Iyo Somaliland.”

Garbodadarnews/Hargeysa/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: