Madaxwayne Siilaanyo Oo Maanta Digreeto Madaxwayne Xilkii Kaga Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Selel Magacaabayna Gudoomiye Cusub

Hargeysa-(Garbodadarnews) War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Mudane, Maxamed Muuse Bucul.

Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1081/052012 ku magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Salal.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Salal;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku Qancay: In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XILKA QAADIS

Mudane,

Maxamed Muuse Bucul.

Aniga oo kaga mahad celinayaa mudadii aad Xilka Gudoomiye-nimada ee Gobolka Salal aad soo waday hawshiisa, waxa aan Go’aansaday laga Bilaabo Taariikhda ku Cad Digreetadan in aan kaa qaado Xilkii Gudoomiyaha Gobolka Salal.

Iyada oo sunaha Dawladnimo ay tahay Dabcigiisa in xilku yahay meerto, sidaa awgeed waxa aan ku farayaa in aad Sida ugu haboon xilkii ugu wareejiso Masuulka Cusub ee aan u igmaday in uu xilkaasi ka sii amba qaado halkaa.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: