Booliska Dalkaasi Zambia Oo Maanta Albaabada U Giijiyay Safaaradii Soomaaliya Dalkaasi Ku Lahayd Iyada Oo Ayna War Ka Soo Bixin Xukuumada Zambia+SAWIRO

Lusaka-(Garbadadarnews) Xiritaanka safaarada ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib is qabqabsi xoogan uu mudooyinkii la soo dhaafay uu ka taagnaa Maamulka sarre ee Safaarada, taasi oo ugu danbayntii keentay inay soo fara galiso Dowlada wadanka Zambia.

Murankan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha dibada ay laba qunsul oo kala duwanu soo magacawday Safaarada,

Shirwac Ibraahim oo ah Qunsulka hada joogo safaarada ayaa eryay qunsulkii la soo magacaabay ee doonayay inuu jagadiisa la wareego.

Muran ka dhashay labada qunsul ayaa keenay in police ka Zaambiya Ay Safaarada Albaabada u xiraan.

Waxaa kaloo xusid mudan in labada qunsulba ay wataa aqoonsiyo sax ah oo ka soo wada baxay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arimaha dibada, waxayna labaduba Booliska Zambia u sheegeen in Madaxweyne Shariif uu aqoonsan yahay.

Afhayeen Booliska Zambia Elizabeth Kanjela ayaa sheegtay in la joojiyo shaqadii safaarada inta ay la xiriirayaan Dowlada Soomaaliya, waxayna sheegtay Dowladu inay arintan u sameeyeen ka dib markii ay ka baqeen inuu yimaado isku dhac intan ka badan.

Maanta wixii ka danbeeyana eey wasaarada arimaha dibada Zambia eey ayada gacanta ku heyso ayada oo sheegtay in xitaa taleefanada eey ku xireen answer machine

Dhismaha safaarada oo ah mid aad u wayn kuna fadhiya dhul baaxad leh kana kooban xafiisyada safaarada iyo guryaha ay dagi lahaayeen shaqaalaha safaarada ayaa waxaa gaday Dowladii hore ee Kacaanka Soomaaliya wuxuuna ku yaalaa meel muhiim ah oo aan ka fogay Aqalka looga arimiyo wadankan Zambia ee Madaxtooyada ama (State House-ka)

Wasaarada Arimaha dibada Soomaliya ayaa ilaa hada wax war ah ka soo saarin isqabqabsiga labadan masuul oo midwalba sheeganayo inuu yahay qunsul heestana waraaqo cadeeynayo .”

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: