Xukuumada Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Talaabo Ay Maalintii Khamiistii Wafti Ka Socday Dalka Jabuuti Inay Somaliland Soo Galaan

Hargeysa-(Garbodadarnews) Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay talaabo ay khamiistii Doraad wefti ka socda dawlada jabuuti kaga joojisay inay dalkeeda soo galaan oo laga celiyay xuduuda u dhaxaysa labada wadan ee Gobolka Selal.’

Wasiirka arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr.Maxamed C/lahi Cumar oo xalay Khadka Taleefoonka ugu waramay Wargeyska WHN isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaanay dawlada Somaliland wax war ah ka ahayn weftiga reer Jabuuti ee dalkeeda soo gelaya, hase yeeshee dhacdada celinta ah ee lagu joojiyay weftigaasi  ka dhalatay isfaham la’aan  dhex maray Maamulka Gobolka Selal ee Somaliland iyo Masuuliyiinta weftiga reer  jabuuti ka socday ee dib loo celiyay , arintaana markii xukuumaddu ogaatay xal deg-dega laga gaadhay.

Dr. Maxamed C/lahi waxa kale oo uu sheegay inaanay dawlada Somaliland iyo Jabuuti wax qorshe ah oo ay isla ogyihiin ka lahayn dib dhis lagu samaynayo Dekeda Saylac iyo Mashaariic kale oo ay dawlad Jabuuti sida la sheegay ka fulinayso  Saylac, hase yeeshee ay jiraan hawlo ka dhexeeya Maamulka Gobolkaasi ee Somaliland iyo Jabuuti oo aanay dawlada dhexe ee Somaliland ogayn, taasina ay keentay inay wax badan ka ogaan waydo xukuumaddu dhaqdhaqaaqyada dhinaca xuduuda ee dhacdadii doraad ka dambeysay.

Ugu horayna wasiirku isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay arintaasi oo ahayd aragtida ay xukuumaddu ka qabto talaabadaasi wasiirkeedu ku celiyay weftiga Jabuuti waxa uu yidhi “Arintaasi runtii maaha arin way nee waxay ahayd is-fahami waa ka dhex dhacay Masuuliyiinta Somaliland gobolkaasi u jooga iyo dad dhinaca jabuuti ka soo galay xuduudka ee may ahayn arin labada dawladood ee dhexe ka war qabeen, waana arin iminka dhamaatay oo aanu ka wada hadalnay mana filayo inay hada miisaan ku leedahay leedahay labada dawladood, waxaana muujinaysa runtii sidaa aanay cidina uga hadlin waayo arin weyn oo runtii siyaasad weyn laga soo qaado oo weyn maaha, laakiin waa arin dhacday oo u dhaxaysay uun masuuliyiinta xuduudka ee Somaliland dad reer jabuuti ah oo dhinaca xuduudka ka soo galay.

S: Wasiir bal halkaa noo jilci oo maadaama oo raga la celiyay ay ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dawlada jabuuti, sababta keentay isfaham waaga maxay tahay, miyaanay idinku soo war-gelin inay dhinaca Somaliland u soo gudbayaan hadiiba ay isfahmi waayeen maamulkiinii deegaankaasi?

J: runtii waxa weeye dawlada Somaliland kamay war ahayn horena umaanaan ogayn in masuuliyiin ka socota dawlada jabuuti inay xadka ka soo talaabayaan, sida caadiga ahna waxaan filayaa hadii metelan masuuliyiin sare xagaa ka soo talaabayaan dawladu inay  ka war haysa oo wasiirada iyo hay’adaha qaranka hawshaa u qaabilsan baa had iyo jeer ka warhaya oo soo dhaweyntooda iyo waxaas gacan gaysanaya, arintaasina waxa keenay may ahayn  waxaanu ka war qabnay.

S: Wasiir Masuuliyiintan aad iminka celiseen mashaariic badanbay ka fuliyeen deegaamada gobolka Selel oo ay ka mid yihiin Biyihii dhinaca bada kaga soo rogman jiray Saylac oo laga moosay iyo mashaariic kale, markaa markii hore ee ay iman jireen ma sidan uunbay ku soo geli jireen mise way idinla soo socodsiin jireen idinka?

J: maya ee hawlahaa aadbaanu ula socon jirnay oo labada dal waxa ka dhexeeya iskaashi haday tahay xaga Kaluunka iyo xaga beriga iyo arimo kale oo labada dal u dhexeeya ayaa jira, laakiin hawshan iminka shalay halkan lagu yimi may ahayn arin Somaliland ka war haysay waayo arimahaa gacanbaanu ka geysan lahayn soo dhaweynta masuuliyiinta iyo gacan siintoodaba, markaa arintaa lamaanaan socon.

S:Wasiir sida doraad wargeyska Waaheen ku soo baxday waa la ogaa weftiga Jabuuti inay halkaa imanayaan, ka dib wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sida la sheegay Badhasaabka iyo Taliyaha Booliska ee Gobolkaa ku amray inay celiyaan weftigaasi, markaa hadii warka weftiga sidaa loo ogaa idinku sidaad u ogaan waydaan?

J: anigu waxaan ogahay wefti ilaa heerkaad aad sheegtay ah oo Somaliland hawl u imanayay aanay jirin waayo hadaanu ka war hayno gacan baanu ka geysan lahayn fududaynta hawsha ay halkaa u imanayaan.

S; laakiin Wasiirka arrimaha guduhu intii uu celinayay si kale inaad ula macaamishaan miyaanay ka wanaagsanayn Wasiir?

J: intii hore waa sidaa aan kuu sheegay oo runtii kamanaan war ahayn laakiin arintu markii ay dhacday ee aanu ogaanay waanu la xidhiidhnay oo waanu hubsanay arimuhu siday ahaayeen,waxaanan uun jecelnahay wixii ka dambeeya inay labada dawladood ee dhexe ka war qabaan dhaqdhaqaaqyada xaga xadka ee labada dawladood isaga talaabayaan si aanu isaga  kaashano wixii hawlo ah ee jira.

S: markaa maadaama oo ay arintani dhacday ma ka dalbateen dawlada jabuuti inaanay talaabo caynkaasoo kale ah qaadin iyagoon idin soo ogaysiin?

J: labada dawladood way ka wada hadleen inay arintani ku dhacday isfahmi-waa mana filayno inay arimahan oo kale dib u dhacaan ee waxaanu jecelnahay inay labada dawladood ka wada hadlaan marka ay isku safrayaan.

S: Wasiir Mashaariicda ay dawlada jabuuti fulisay ee ay iminka doonayeen inay furan masuuliyiintani iyo kuwo kale oo ay bilaabayaan oo ay ka mid tahay Dekeda Saylac oo degtay, isla markaana ay Jabuuti dib u dhis ku samaynayso maxaa sababay in Somaliland fulin kari waydo?

J: waxaan filayaa inaanu jirin qorshe labada dal ay ka wada hadleen oo ku wajahan in dekeda Saylac Somaliland iyo Jabuuti ay ka wada hawl-galaan dhismaheeda  xataa iskaashiba haku timaadee, arintaasi maaha arin labada dal ay ka wada hadleen.

S: markaa wasiir maxaynu ku fasiri karnaa mashaariicdan ay fuliyeen, maadaama sida warku nagu soo gaadhay labada wefti ee la celiyay ay ahaayeen laba dhinac oo kala socda oo mid uu hogaaminayay Maareeyaha dekeda jabuuti oo u dhashay Beesha Ciise ee Gobolkaasi degta, halka wasiirka wefti kale hogaaminayay u dhashay Beesha Samaroon oo isla gobolkaasi degta, markaa ma loo fasiri karaa  inay qaab beelaysan hawlahooda u fulinayeen oo aanay ku socon qorshe dawladeed ?

J: arintani waxay muujinaysaa in Guddoomiyaha Gobolka selal hab-dhaqankiisa ay ku  jireen hawlo aanu la socodsiin masuuliyiinta ka saraysa ee qaranka iyo mashaariicda horumarineed ee halkaa ka socday, markaa inkasta oo xukuumad ahaan aanu soo dhawaynayno  wixii horumar ah, hadana iskaashiyada caynkaasi ahi waxay ku yimaadaan in labada dawladood ee dhexe iska kaashadaan oo iyagu marka hore ay gun-dhig u noqdaan dabadeed masuuliyiinta gobolka iyo degmadu ka qayb galaan fulinteeda iyo kobcinteeda,markaa halkaa waxa ka muuqata in Guddoomiyaha Gobolku hawl-galo aanu awaamiir uga haysan masuuliyiinta qaranka ee ka saraysa inuu halkaa ka bilaabay, laakiin labada dal waxa ka dhexeeya iskaashiyo runtii waaweyn oo xaga Badda iyo Ganacsigaba leh oo aanu filayno inay dhawaan hir-galaan.

S: dhacdaa shalay ka dib isla-maantaba (shalay) Wasiirka arrimaha gudaha oo amarka weftiga lagu celiyay lahaa ayaa Jabuuti tegay, markaa maxaa sababay in safar noocaas ah oo deg- deg ah Somaliland kaga jawaabto dhacdadii shalay dhacday idiinkoo aan wax Jawaab ah ka bixin?

J: Safarka Wasiirka Daakhilugu ku tegay jabuuti waa Safar Khaasa oo shakhsi ah, lamana xidhiidho arinta dhacday, waxaanu ahaa safar hore u qorshaysan oo aniguba aan ka war hayay, markaa arimo kale ayuu u tegay, hase yeeshee waa markii ugu horaysay ee xukuumadda Somaliland arintan ka hadasho, waxaanan u aragnaa inaanay ahayn arin Wasiir u tago Jabuuti waana arin dhacay oo markiiba  aanu xal u helnay, kana wada hadleen labada dawladood sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen arimaha caynkaas ah, markaa maaha arintani arin halkaa gaadhsiisan.

S: Su’aasha ugu dambaysa ee aan wasiir ku waydiinayaa waxay tahay diyaar ma u tihiin inaad dadka deegaanadaasi adeegyada ay u baahanyihiin u qabataan si aanay dad shisheeye ahi u soo faro-gelin dalka?

J: siyaasada dawlada ayay ka mid tahay inay dawladu wax qabato oo ay ka caawiso dadka adeegyada aasaasiga ah, haday tahay Biyaha iyo haday tahay dhinacyada kaleba, waxaana laga war hayaa inaanu qaadanay go’aan  tacliinta aasaasiga ah ka dhigaya bilaa lacag, dhinaca biyahana waanu ku talo jirnaa inaanu dalka oo dhan wada gaadhsiino inkasta oo ay tahay arin farsamo badan iyo dhaqaale u baahan, waxaana naga caawinaysa midawga yurub, markaa haa dawladu diyaarbay u tahay inay dadka adeegyada wada gaadhsiiso intii karaankeed ah.”

Giriyaadnews/Hargeysa/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

One thought on “Xukuumada Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Talaabo Ay Maalintii Khamiistii Wafti Ka Socday Dalka Jabuuti Inay Somaliland Soo Galaan

  1. Reblogged this on giriyaad.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: