Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland”Duur” Oo Si Kadis Ah Ugu Duulay Wadanka Jabuuti Iyo Xaalada Dublamaasi Ee Labada Dal Oo Aad U Cakiran Ka Dib Markii Shalay…

undefined

Hargeysa-(Garbodadarnews) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraall Duur ayaa maanta Duhurnimadii u duulay dalka Jabuuti si uu wadahadalo ugala yeesho wefti Reer Jabuuti ah oo uu shalay Somaliland ka celiyay, kaasoo ay Dawladda Jabuuti ka cadhootay.

Inkasta oo aanay ilaa hada labada Dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti midkoodna aanu ka hadalay dhacdadii shalay Somaliland ku Celisay Wefti Heer Wasiir ah oo uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ka celiyay xuduuda labada Dale e Lawyacado, hadana socdaalka Wasiir Duur ee maantu waxa uu hordhac u yahay khilaaf Dublamaasiyadeed oo labada Dal soo kala dhex galay.

Si cad looma oga socdaalka Wasiir Duur inuu yahay mid ay Xukuumadda Somaliland dalbatay si ay uga qanciso DawladdaJabuuti dhacdadaas ay ku celisay Weftiga Jabuuti iyo in Jabuuti dalbatay Imaanshihiisa si ay Somaliland uga dalbato inay tafaasiil ka siiso sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee sida ay muujinayso talaabada uu Wasiir Duur ku qaatay Go’aanka ah in uu weftigaas celiyo ayaa ka dhalatay Dawladda Jabuuti oo aan waxba kala socodsiin Somaliland weftiga dalkeeda ee ka soo talaabaya dhinaca Xuduuda labada dal.

Hadii ay dhab tahay talaabada Duur ka qaaday arrintaas oo aanay Jabuuti la soo socodsiinin waxay ahayd Somaliland inaanay tagin Jabuuti ilaa ay Xukuumadda Jabuuti War cad ka soo saarayso arrintaas maadaama iyadu qaladka samaysay, waxaanu socdaalka Duur ee xiligani muujinayaa Daciifnimo siyaasadeed oo uu ku deg degay.

Haddiise ay Jabuuti la soo socodsiisay Somaliland inay weftigaasi dalkeeda imanayaan waa dhacdo Dublamaasiyadeed oo fool xun oo uu Wasiir Duur ku deg degay waana ta keentay inuu si dhakhso ah dalkaasi ugu duulo si uu uga raaligeliyo dhacdadaasi.

Si kasta ha ahaatee dhacdadani waxay isku bedeshay mid dublamaasiyadeed oo Arrimo dibadeed waxaanay ahayd haddiiba ay labada dal ka wadahadlyaan arrintaasi in Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland iyo dhigiisa Jabuuti ka wadahadlaan, inkastoo Wasiir Duur talaabada hore xaq u lahaa oo ay weftiga Jabuuti gudaha dalka Somaliland soo galayeen.”

Garbodadarnews/Hargeysa/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: