Mashruuc Dabdhalineed Oo Cadceeda Laga Dhalinayo Oo Laga Hirgaliyay Degaanka Gar-gaara Ee Degmada Lughaya Oo Ay Fuliyeen Ururada Sohura Iyo ADRA+SAWIRO

Gar-gaara-(Garbodadarnews) Mashruuc looga faa’iidaysanayo tamarta dabiiciga ah ee uu alla inagu manaystay ee Cadceeda Dabka lagaga dhalinayo iyada oo loo adeegsanayo Solarka oo ay wada fulinayeen Ururada SOHURA IYO ADRA ayna maalgalinaysay midawga reer Yurub ayaa laga hirgaliyay degaanka Gargaara ee degmada Lughaya.

Hadaba kulan hal maalina oo loogu tababaray bulshada ku dhaqan degaankaas oo ay soo agaasintay Ururka wadaniga ah ee SOHURA ayaa lagu qabtay mid ka mid ah dugisiyada ku yaala magaalada Gargaara taas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah bulshada noocyadeeda kala duwan.

Gabogabadii kulankan oo ay ka hadleen laba sarkaal oo ka socday ururka SOHURA ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto qalabka aadka u muhiimka ah ee dab dhaliyaha dabiiciga kaas oo ay sheegeen in ay ka faa’iidaysan doonaan xarumaha caafimaad ee degaankan gargaara oo ay haysatay dhibaato dhinaca laydhka ah.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah bulshadii halkaas iskugu timid iyaga oo dhamaantood sheegay in ay soo dhawaynayaan ururadan u keenayn qalabkan muhiimka u ahaa degaankan Gargaara oo ay sugayeen mudooyinkii u danbeeyay.

Si kastaba ha ahaatee qalabkan Soolarka cadceeda ku shaqaynaya ee dhalinaya korontada ayaanan ahayn degaankii ugu horeeyay ee laga hirgaliayo mashruuc noocanoo kale ah ayse jirto degaano badan oo ka faa’iidaystay mashruucan dabdhalinta dabiiciga oo ka tirsan Gobolada Awdal/Selel.

undefinedundefined

Garbodadarnews/Boorama/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: