Daawo Sawirada Furitaankii Shirka Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho+Warbixn Xiisa Badan

 

Muqdisho-(Garbodadarnews) Waxaa Maanta si rasmi ah u Furmay Magaalada Muqdisho Shirkii Odayaasha Dhaqanka ee Ansixin lahaa Dastuurka Qabyada ah ee loo qoray Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Furitaanka Shirkan Dhamaan Madaxda ugu Sareysa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.Shirkaan oo ku billowday Sidii ay qorsheysay Dowladda KMG ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan Odayaashii lagu Casumay, Wasiirro, Xildhibaano iyo seddexda Masuul ee ugu sareysa Dowladda KMG ah.Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Jaah Weyn ayaa furay Shirka, isagoo uga mahad celiyay dhamaan Odayaasha kasoo qeyb galay Shirkaan, isagoo tilmaamay in ay tahay Maanta waxa loo fadhiyo Masiirka Umadda Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh. Axmed oo qudbad dheer ka jeediyay Shirkan ayaa ku dheeraaday Muhimadda ay leedahay in laga hadlo Masiirka umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo Xaaladda Kumeel gaarka ah ee uu wadanka ku jiro.

Isagoo ka hadlaayay Dastuurka iyo Muhimadda uu leeyahay ayu yiri“ majirto umad noolaan karta Dastuur La’aan lagasoo bilaabo markii aynu xurnimada qaadanay ilaa hadana aan raadineyno,qabyo qoraalka Dastuurkana sida Ra’isulwasaaruhu sheegay hada ayaa nalasoo gaarsiiyey sidaasi darteed waxaan gaarsiin doonnaa guud ahaanba Shacabka dhinac walbo”

Reysal Wasaare C/wali Max’ed Cali oo isagana ka hadlay Furitaanka Shirkan ayaa ku booriyay Odayaasha dhaqanka in ay faraha ku haayaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed, isla markaana Xilligan ay tahay Xilligii laga gudbi lahaa Nidaam la’aanta, umaddana ay yeelan laheyd Dastuur.

“Waxaan maanta joognaa marxalad cusub oo aayaha dalkeenna aan si nabad ah Muqdisho uga hadleyno,Sptember 06 ayey aheyd markii madaxda Soomaalidu ay saxiixeen in aayaha dalka loo furo dhabo cusub waana farxad weyn in aan maanta Muqdisho isugu nimid sidii uu dalku u yeelan lahaa Dowlad Cusub”ayuu yiri Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas.

Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh Aadan ayaa isna ku baaqay in loo baahan yahay in la helo Dastuur kala haga Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna ugu baaqay Odayaasha iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan sidii loo ansixin lahaa Dastuurkan.

Sidoo kale Waxaa Munaasabaddan ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Beeraha, Caafimaadka iyo Dastuurka, iyagoo dhamaantood Codkooda ku biiriyay sida ay muhiim u tahay in looga gudbo Xaaladda KMG ah ee uu Wadanka ku jiray 12-kii Sano ee u dmabeysay.

Waxaa kaloo Munaasabadda ka hadlay qaar ka mid ah Odayaashii Shirkaan loo furay, waxaana ka mid ahaa Suldaan Xasan Xaaji Max’ed Guul-Wade, Ugaas C/laahi Ugaas Faarax, Suldaan Siciid Suldaan C/salaam Cali Shire, Suldaan Warsame Ibraahim Caliyoow Yaroow, Suldaan Axmed Jaamac, Suldaan Ibraahim Suldaan Cali iyo Imaam Max’ed yuusuf.

Sidoo kale qeybo ka mid ah Bulshada Rayidka ayaa munaasabaddan ka hadlay, waxaana ka muuqatay dhamaan dadkii hadlay Furitaanka Shirkaan sida ay ugu qanacsanyihiin Ansixinta Dastuurka Qabyada.

Dhanka kale waxaa Munaasabaddan qeyb ka ahaa Madadaalo isugu jirtay Heeso, gabayo iyo Baraaburo Wadani ahaa.













Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: