Siilaanyooy Hadii Aad Isleedahay Xabbad Baa Lagaaga Baqayaa Ama SPU Iyo RRU Ayaad Ku Cabsi Galinaysaa…Nagu Cabsi Galin Maysid Meesha Sii Fadhimaysid,Xildhibaan U Hanjabay Siilaanyo

“Hargaysa(Giriyaadnews)Siilaanyooy Haddii aad isleedahay xabbad baa laga baqayaa ama SPU iyo RRU ayaad ku cabsi gelinaysaa…Nagu cabsi gelin maysid meeshana sii fadhiyi maysid.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo ka tirsan urur-siyaasadeedka UDHIS, oo uu warranayay Telefeshanka Madaxbannaan ee Somaliland Space  Channel.

 Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud waxa uu hadalayaa qaar ka mid ah ballanqaadyadii Madaxweyne Silaanyo: “Mudane Axmed Siilaanyo waxaad ahayd ninka qudha ee lahaa dadka halla-daayo oo yaan dadka la cabbudhinnin. Waadigii adiga oo socda keligaa oo muddaharaad dhigaya lagu toogan gaadhay oo cidina xabbad ka biqi mayso oo waynu ognayahay oo dadkani wax walba way soo mareen.” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud.

 Waxa uu weliba intaa ku ladhay oo uu yidhi: “Madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahay haddii aad adigu isleedahay xabbad baa laga baqayaa ama SPU iyo RRU oo waxa loogu talo-galay aynu ognahay oo aan loogu talo-gelin dalka gudihiisa ayaad nagu cabsi gelinaysaa. Nagu cabsi gelin maysid, meeshana sii fadhiyi maysid oo meesha waxaad ku fadhiyeysaa markaad Madaxweyne wanaagsan tahay oo ay dadkiisu raalli kaa yihiin.”

 Waxa uu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo af-meeray oo uu ydihi: “Laakiin marka aad dadkaaga ku noqoto ee aad layso ee aad sidaad doontid-ba yeesho adiguna joogii maysid, adiguna ballan ayaanu ku qaadnay oo ILLAAHAY-na wuu innoo dhexeeyaa.”  

Giriyaadnews/Hargaysa/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: