Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Maanta Markii Saddexaad La Keenay Mas’uuliyiintii U Xidh-Xidhnaa Eedaymaha Musuqmaasuqa

Hargeysa-(Giriyaadnews) Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta mar saddexaad la horkeenay masuuliyiintii u xidh-xidhnaa eedaymaha musuqmaasuq oo dacwadoodu maxkamada hore uga bilaabantay.

Masuuliyiintan eedaymaha musuqmaasuq u xidhan oo kala ah badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), agaasimihii guud ee wasaarada dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac, oo baadhitaanka kiiskoodu dabo-dheeraaday, ayaa maxkamadu maanta dhageysatay wejigii saddexaad ee dacwadooda.

Maxkamada gobolka Hargeysa oo maanta amaankeeda aad loo adkeeyay isla-markaana la hor dhoobay ciidamo badan oo boolis ah, lana diiday inay saxaafadu ka qayb-gasho dhageysiga dacwadooda, ayaa waxa xeer ilaalintu maanta maxkamada horkeentay saddex markhaati oo ay ku jiraan dad ganacsato ah, kuwaasi oo xeer ilaalintu maxkamada horteeda u keentay inay cadeeyaan waxa ay ka ogyihiin dambiga loo haysto saddexda masuul.

Maxkamada oo ay goob-joog ka ahaayeen qareenada difaacaya saddexdan masuul ee isku kiiska ah, ayaa waxa maxkamadu dhageysatay markhaatiyada xeer ilaalintu maxkamada keentay, iyadda oo dadkii ka qayb-galay dhageysiga dacwadaasi oo aanu la kulanay sheegeen in markhaatiyadu cadeeyeen in masuuliyiintan loo haysto raashinkii la leexsaday aanay la kulmin intii bay yidhaahdeen ay socdeen dhaqdhaqaaqyada raashinkaasi loogu leexsaday, iyadda oo qaarkood tilmaameen in badhasaabkii hore ee Maroodi-jeex ay wejigiisa ka arkeen warbaahinta oo kaliya, balse aanay arag isaga oo wax raashin ah dhiganaya bakhaar ama meel kale.

Dhageysiga dacwadan oo amaankeeda aad loo adkeeyay, ayaa waxa looga dhaartay inay warbaahintu ka soo ag-wareegaan maxkamada, iyadda oo loogu hanjabay warbaahinta in la xidhi doono suxufiga lagu arko isaga oo ku wareegaya agagaarka maxkamada gobolka Hargeysa.

Giriyaadnews/Hargeysa/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: