“Maayorka Magaalada Boorama C/raxmaan Shide Bile Oo Ka Waramay Arimo Badan, Sheegayna In Ayna Waxba Ka Jirin Cadaadis La Sheegay In W/Arimaha Gudaha Somaliland Ku Saartay In Uu Is Casilo.

Boorama-(Giriyaadnews) Sida aan la wada socono waxa baryihii u danbeeyay ka jiray Maamulka Dawlada Hoose ee Boorama is qabqabsi dhinaca sharciga ah kaas ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha degaanka Degmada Boorama ay xilka ka qaadeen Maayorka Magaalada Boorama C/raxmaan Shide Bile,ka qaadistaas oo markii danbe wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ay ku tilmaamtay in ay ahayd mid sharciga Baal marsan ayna sheegtay in Maayorka Xilka qaadista lagu sameeyay uu yahay Maayorka ay wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland iyo xukuumada dhexe ay aqoonsantahay, Xildhibaanadii golaha degaanka ee maamus ka xayuubinta ku sameeyayna ku amartay in ay soo  maraan dariiqa iyo sifada sharciga ah ee loo maro xil ka qaadista iyo maamus ka xayuubinta.

Wixii intaas ka danbeeyay waxaa si habsamiya u socda hawlihii iyo shaqooyinkii Dawlada hoose ee dhinacyada Cashuur qaadista guryaha, meheradaha iyo dhismayaasha guryaha.

Hadaba maayorka magaalada Boorama C/raxmaan Shide Bile Ayaa maalmihii u danbeeyay waxa uu ku guda jiray sidii uu u dhamaystiri lahaa wadooyin muhiim ah oo halbawla u ah isku socodka magaalada Boorama oo dhan Afar wado taas oo uu gabi ahaantii ka dhigayo Wadooyin Laamiya, iskana kaashadeen Maamulka Dawlada Hoose Ee Boorama Iyo Dadwaynaha ku dhaqan xaafadahaas ay wadooyinkaasi dhex marayso.

Gudoomiyaha Degmada Ayaa Sida uu xalay khadka Telefoonka Shabakada Wararka Ee Booramaonline ugu sheegay in uu hawlo shaqo oo dhinaca wadooyinkan uu dhamaystirayo u joogo magaalada Hargeysa iyo kabkii dawlada dhexe ay Dawlada hoose ay sii jirtay Dawladaha Hoose ee Dalka oo ay Booramana Ku Jirto sida uu sheegay si loogu dhamaytiro arimaha horumarineed ee wadooyinku ugu horeeyaan ee ka socda Magaalada Boorama iyo nawaaxigeeda.

Maayorka oo aan wax ka waydiinay arimo dhawaan ay qorayeen qaar ka  mid ah warbaahinta maxaliga ee ka hawlgala Gobolka Awdal in wasaarada arimaha Guduhu ku qasabtay in uu is casilo?Ayaa waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur iyo kuturikeena oo ay la mid tahay shirqooladii hore u dhacay ,waxa uuna sheegay in uu xilka gudoomiyanimada uu wareejin karo sifo sharciya iyo doorasho.”

Si kastaba ha ahaatee hawlaha iyo habsami u socodka maamulka Dawlada hoose ayaa ah mid si caadiya u socda iyaga oo ay dadwaynuhu ka daaleen wararkii been abuurka ahaa ee lagu jaahwareeriyay mudooyinkii u danbeeyay guud ahaan Magaalada Boorama ee ahaa in Maayor C/raxmaan uu lunsaday lacag taas oo ugu danbayntii ku soo biyo shubantay wax aan waxba ka jirin oo ahaa oo qudha Shirqool siyaasadeed oo la rabay in laga horjoogsado horumarka dhinaca wadooyinka ee uu Maayor C/raxmaan Shide ku talaabsaday.”

Giriyaadnews/Boorama/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: