Hawlaha Dar-Dar Galinta Iyo Taabagalinta Jid Weyn Oo Laamiya Oo Ah Halbawlaha Iyo Bilicda Magaalada Boorama Oo Meel Wanaagsan Maraya Iyo Gudi Iskood Isku Xilqaamay Oo Hawlahadooda Meel Fiican Marinaya

Boorama-(Giriyaadnews) Iyada oo dhawaan Jaamacadda Camuud soo afmeertay wajigii koowaad ee wado laamiya oo dhererkeedu dhanaa Laba Km ,taas oo ka soo bilaabmaysa afaafka hore ee Jaamacadda soona gaadhaysay Meel uun inyar ka saraysa Dooxa caanka ah ee Qoorgaab,ayaa hadaga gudi ka kooban ganacsato, aqoonyahano, iyo culumada Magaalada Boorama oo horey isku xilqaamay ayaa waxa ay wadaan qorshe wanaagsan oo laamiga laga soo qaadayo dooxa Qoor-gaab lana soo gaadhsiinayo magaalada Boorama dhexdeeda iyada oo sida ay sheegeen soo gaadhsiin doona saylada Xoolaha Boorama.

Gudigan oo ah kuwo iyagu iskood isku xilqaamay kana kooban dhawr xubnood ayaa kala ah, Sheekh Xasan Khayre Dirir, Sheekh Xasan Daheeye Axmed, Sheekh Maxamed Daahir Dhawal,Prof:Muuse Galde,Ganacsade:Xaaji Cabdi Cismaan Dhagawyne Iyo Xubno Kale.

Gudigan oo aan kula kulanay iyaga oo ku guda jiro hawl maalmoodkoodii caadiga ahaa ee ay dadwaynaha ku dhexmarayeen kagana ururinayeen qaadhaanka wadadaas laamiga ah ee halbawlaha iyo bilicda magaalada Boorama noqon doonta ayaa waxa ay noo sheegeen in meel wanaagsan ay u marayso abaabulka wadan dadwanuhuna ay soo dhaweeyeen sheegayna in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

Gudigan oo aan waydiinay ilaa haatan dhinacyada kale ee hawshan la wada ayaa waxa ay sheegeen in ay iyaga uun iminka ay tahay laakiinse Jaamacadda Camuud Iyo Dawlada Hoosena ay Bilowga wadadan sida ay sheegeen ku soo biiri doonaan kana mid noqon doonaan dhismaha wadadan laamiga ah ee dhex maraysa Magaaalada Boorama.

Si kastaba ha ahaatee gudigan iskood isku xilqaamay ayaa noqonaya gudi dheeli tiran oo ay ka wada dhex muuqdaan bulshada noocyadeedii kala duwanaa kuwaas oo u istaagay sidii ay bilicda iyo quruxda magaalada uga qayb qaadan lahaayeen taas oo dhiirigalin iyo ku dayasho u noqon doonta bulshada inteeda kale.”

Giriyaadnews/Boorama/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: