Gudiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Maanta Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ay Ka Mid Tahay Doorashada Golayaasha Degaanka Iyo Liiska Urur Siyaasadeedyada Cusub

Hargeysa-(Giriyaadnews) Af hayeenka Gudida Doorshooyinka Qaran ka Md Maxamed Xirsi Geele Oo saxaafada kula hadlayay Xarunta Gudida Doorshooyinka Qaran ka  ayaa waxaa uu sheegay in si rasmiya ay usoo gudbiyeen Gudida Diwaan galinta iyo ansixnta Liiska  Magacyada  Ururada Siyaasada ee soo baxay waxay no soo gudbiyeen 6 da Urur ee ku guulaystay tartankii kala reebida ururada ee u tartamay Doorshada Dowladaha Hoose ee aanu in mudda aba sugaynay.

Bisha labaatan keedii ayay soo Baxday markaa shalay bay na soo gaadhay Waxaa jiray dorshada si aanu u qorshayno nidaamkeeda in aanu ogaano inta urur ee ku tartamaya Doorshada Dawladaha Hoose.

“Isla markaan xeerku wuxuu ina faray inaanu ku shaqayno wixii ay inoo soo gudbiyaan  Gudida Diwaan galinta Ururda Siyaasada”.

“Kadib waxanu shalay la kulanay  6 urur ee soo baxay iyo 3 Xisbi Qaran ee hore u jiray Waxanu kala hadlayna u diyaar garawga Doorashooyinka  iyo qaabkeeda”.

“Anaga qorshahaygii  waxaa uu ku dhisnaa xeerkii hore ee 2002 lagu galay doorashada  ee ahaa in loo codeeyo urur laakiin maanta  waa xeer ka duwan kii oo ah in qofka loo codeeyo taasina  farsamo ahaan waxay keenaysaa arin baaxad wayn ku leh oo dadka badhkiisa u muuqan  oo culays farabadan leh bay keentay”.

“Markaa taasi ayaanu isla meel marinaynay iyo qaabka ay u dhacayaan  ayaanu kala hadlaynay Ururad iyo Asxaabta. Waananu isla afgaranay  kadibna imika  waxaanu  Qorshaysanay  Qorshihii iyo Nidaamkii Oo ay ugu horayso in la helo  miisaaniyadii lagu hawl gali lahaa”.

“Taa sidaad u og tihiin oo ay bixiso dadka aanu saaxibada nahay ee qaadhaan bixiyayaasha taana diyaar ayay xukuumadu u tahay oo marka loo baahdo lagu soo shubayo xisaabta Komishanka isla markaana  waxaa loo baahan yahay  inaanu  wada tashi la soo samayno Saaxiibada  Qaadhaan bixixyayaasha  oo Nairobi  saldhigoodu yahay  kadibna aanu galno Qorshaha Doorashooyinka.”

Giriyaadnews/Hargeysa/Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: