BREAKING NEWS

War iminka ku soo dhacay warqabadka DHM Radio ee Muqdisho ayaa sheegaaya in diyaarad ah nooca yar yar ee wax basaasa isla markaana aan duuliyaha lahayn taasi la oo Maraykanku leeyahay ay kusoo dhacday qaybo Muqdisho.

Ilaa iyo iminka lama shaacin goobta ay kusoo dhacday, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in diyaaraddu ahayd nooca aadka u yar ee wax basaasa ee aan duuliyaha lahayn.

Meesha ay diyaaraddu kusoo dhacday ilaa iyo hadda meel ay Muqdisho ka tahay lama xaqiijin inkastoo wararku sheegaayaan in ay tahay nawaaxiga Airport-ka Muqdisho ilaa Isgosyka Soobe, inkastoo wararkaan ay yihiin kuwo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in diyaaradda ay meesha ka qaadeen Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u joogaa Soomaaliya.

Waxay sidoo kale wararku sheegaayaan in diyaaradda marka laga reebo bur burka soo gaaray uusan jirin khasaare ka dhashay meesha ay ku dhacday.

Warar kale ayaa sheegaaya in qaar kamid ah dadka rayidka ah ee ka agdhowaa goobta ay kusoo dhacday ay isku dayeen in ay fur furtaan, hase yeeshee ay ka hor istaageen Ciidamada AMISOM.

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: