ruugcadadigu soo rogaalceli kalasoco warkii u danbeeyay garbodadarnews

nala daawo sheekadani cajibka ah waxan maqaluun juxa wal ximaar malaha waa isagii dawo video

Posted by giriyaadnews on August 20, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

waxa saxaafad english ah ay soo bandhigtay naagta aduunka ugu naasaha wayn daawo video

Posted by giriyaadnews on August 20, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

somali history waa dagaalkii sayid maxamed cabdile xasan uu la galay gumaysigii dalka soo maaliya gumaysani jiray daawo video

Posted by giriyaadnews on August 20, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

aqristayaasha giriyaadnews nala dhagaysta gabaygani oo la yidhaaho silanyaa gabyoo yidhi oo la sameeyay markii uu ku gulaystay madax nimada somaliland waa qaybtii 1aad

Posted by giriyaadnews on August 20, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

aqristayaal ku soo dhawada xadiis ka hadlaya Tiirarka Soonka alaha inagu anfaco ee aqrista waa inoo faa iidee

Posted by giriyaadnews on August 20, 2011

Tiirarka Soonka

Soonku wuxuu leeyahay laba tiir oo uu ku sugnaanayo marka lala yimaaddo, labadaas tiirna waxay kala yihiin:-

1– Iska dhawrista waxyaalaha jabiya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa cadceed(qorrax) dhaca laga gaadhayo, waxaanu caddaynaya hadalkii Eebbe uu ku yidhi:-” Hadda u taga (dumarkiinakana doona wixii Ilaahay idiinka qoray, cuna oo cabbana ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw oo waaga dillaaciisa ah,markaana dhammaystira Soonka ilaa habeenka” Suuradda Al-Baqara aayadda 187aad. Dunta cad iyo dunta madawna waxaa looga jeedaa caddaanka maalinimo iyo madaw habeenkii.

Waxaa kale oo u markhaati ah Xadiiskii ay Bukhaari iyo Muslim soo wariyeen in Cudayyi Binu Xaatim uu yidhi:- Markii ay soo degtay (hadalkii Ilaahay korree oo nasahnaa ee ahaa) “Ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw” ayaa soo qaatay dabar cad iyo mid madaw, markaasaan barkinta hoos gashaday, anigoo habeenka kolba ku eegaya, iyadoo aanay ii kala caddaan, markaasaan markii waagu baryay aan kula kallahay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo arrinkii u sheegay, markaasuu yidhi:-” Arrinkuu sidaas maahayne waa madawga habeenkii iyo caddanka maalinimo“.

2-Niyada oo ah in qofku uu niyaysto inuu Soomayo. Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-” Lamana amrin inay caabudaan Ilaahay mooyaane, iyagoo u gaar yeelaya isaga Diinta“. Iyo hadalkii Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ee ahaa :-”Camal oo dhami waa niyada, qof kastana wuxuu niyaysto ayuu leeyahay“. Niyaduna maaha wax lagu hadlo ee waa qalbiga, markaa qofku hadduu Suxuurto isagoo Soon u jeeda wuu niyaystay, qofka goosta inuu iska joojiyo waxa jabiya Soonka isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wuu niyaystay yaanuba xattaa Suxuuranne.

Culimada badankoodu waxay isku raaceen in Soonka Sunnada (dheeriga) ah waxaa kaaga filan inaad maalinimadaba niyaysato haddii aanu waxba cunin. Caa’isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxay tidhi:- Waxaa ii soo galay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye maalin, markaasuu yidhi:-”Wax ma haysaan (cunto guriga ma taallaa) ?”. Markaasaan ku idhi:-Maya. Markaasuu yidhi:-”Haddaa waan Soomanahay” Muslim baa wariyay

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

wariye reer galbeed ah oo buug ka qoray khidada iyo sida ay u nool yahiin budhcad badeeda somaliyeed dawo video

Posted by giriyaadnews on August 20, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

heesta maanta waa heestii borama oo aw qaadayo fanaankii codka macaanaa waakuma waa xasan wado fanaanka reer djibouti

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

boorama halkuu marayaa tababarkii saxafiyiinta dada yar loo qabtay maxaase natiijo laga gaadhay

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

gabadh soomaaliyeed oo aad u dayar oo ka tiiranyaysan dhibaatada abaaraha rafaadka dhimashada iyo caruurta dhamaatay iyo macaluusha dadka walaalaha soo maaliyeed ku habsaday dawo video

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

daawo soo dhawayntii raisal wasaaraha tukriga ee madaarka muqdisho daawo video

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

raisal wasaaraha dalka tugriga oo kadagay dalka soomaaliya caasimadiisa muqdisho ku sugnaa marka warbixintani ay ka soo duubtay wagayska madaxa banaan ee giriyaadnews hadaba halkan ka daawo video

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamuud Siilaanyo oo dalka dib ugu soo laabtay maanta iyo sawirro

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Hargeysa – (giriyaadnews) – Waftiga uu Horkacayay madaxweynuhu ayaa waxa uu ka koobnaa Oo ku wehelinaayey Safarkiisa Marwada Madaxweynaha, Wasiirada Arimaha Dibada , Beeraha , macdanta iyo biyaha, Madaxtooyada, iyo maareeyaha Dekada Berbara.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Madaarka Hargaysa Intenational Airport waxaa uu ka warmay hawshiisi shaqo ee uu ku maqnaa iyo wixii uga soo qabsoomay waxanuu sheegay in wadaxaajood dheer ka dib ay natiijadii noqotay in Somaliland iyo maalgalshedayaashu ay gadheen heshiin dhinacyo badan leh oo Ay kamid ahayd dekada Berbera oo la balaadhiyo, samaunta Dhuumo isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland , warshado iyo wadooyin.

“Wadaxaajood dheer kadib waxay Maalgashadayaasha iyo Somaliland Wada gaadheen heshiis hordhac ah oo ujeedadiisu tahay in isbadal wayn oo lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka oo ay kow ka tahay balaadhinta Marsada Berbera “


Madaxweynaha ayaa sheegay in Qalinka uu ku soo duugay Samaynta Dhisme Cusub oo Loo adeegsado Safrinta Saliida taas oo noqon doonta Dhuumo Dhulka Hostiisa Mara oo ay inoo samayn doonaan nimankaas Maalqabeenadaha ah ama maalgashadayaasha lagu magacaabo.
“Waxa kale oo aanu isla eegnay in la sameeyo dhisme dhuumo dhulka Hoostiisa mara oo gaasta dabiiciga ah iyo saliida ethiopia lagu geeyolagana safriyo dekada Berbera”
Mar uu ka hadlaayey Madawynuhu Warshada Lagu sii safeeyn doono Gaasta iyo Saliida oo Ku jirta Heshiiskii u qalinta ku soo duugay ayaa waxa uu yidhi
“Sidoo kale waxaa hawshaa ka mid noqon doonta dhismaha Warshad lagu diyaarinaayo gaasta iyo saliida inta aan debada loo iib gaynin”

Heshiisyadan oo Soo galay Madaxweynuhu intaas kumay eekayn ee waxaa ka mid ahaa Mashaariic badan oo ay ka mid tahay Wadada isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland taas oo waayadan ay ahayd waxa ugu hadal haynta badan ee ay mujtamaca reer Somaliland ay ku qadaynayeen kuna quraacanayeen, sidoo kalena qaar ka mid ah ay soo dhaweynayeen Heshiiskaas halka qaar ka mid ah Bulshadu ay u arkayeen Arintii Soo dhawaynaysa in Somaliland Ay noqoto Gobol ka mid ah Dalka Ethiopia Taas oo ay ku macnaynayeen in ay fududaynayso isu gudubaka labada dal.
“Mashaaricda waaweyn ee Somaliland ay doonayso inay samayso waxaa ka mid ah Wada weyn ee isku xidha Berbera iyo Wajaale ay ka mid noqoto waxaanay Somaliland u keeni doontaa faaidooyin Dhaqaale oo aad u balaadhan waxaana ka mid ah faaidooyinkaas Aburitaanka Shaqooyin badan oo muwaadiniinta Reer Somaliland ay ka heli doonaan , sidoo kale waxa uu mashruucani kor u qaadayaa Dakhliga Dawlada oo lagu fulin doono adeegayada bulsho, waxaa iyana ku soo kordhi doona shirkado badan oo dhaqaalaha dalka kor u qaada, sidaa awgeed marka ay hawshani hir gasho waxa uu dalku heli doonaa horumarka ugu wayn ee Soo marta Dalka Somaliland ilaa iminka iyo intii ay ka qaadtay Xornimada Boqor tooyadii Engiriiska 1960, waxaanu kor u qaadi doonaaa doorka ay Somaliland ka qaadatay dhinacyada Nabadgelyada , dhaqaalaha horumarka ,ganacsiga geeska Afrika iyo dunida kaleba”
” Waxaan Shacabka Somaliland ku boorinayaa in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ilaashadaan Nabadgaleyadooda iyo Qaranimadobada sidaas ayey isku ognahay”
Madaxweyne Siiraanyo ayaa waayadan ku maqnaa Safar uu ku tagay Dalka China oo macnihiisu ahaa in uu mashaariic badan ka soo saxeexo taas oo la sheegayey in mashaariicadan ay dabada ka riixaysay dawlada Ethiopia oo iyadu ka dambaysay In Somaliland iyo China ay isku xidhi .

giriyaadnews, Hargeysa

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Beelaha Maxamed Case oo Markale Caddeeyey Mowqifkooda ku Aaddan in la Helo Hoggaan Dhaqameed Gadabuursiga Mideeya

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

BORAMA (giriyaadnews) Beelaha Maxamed Case ayaa markale caddeeyay aragtidooda ku aaddan in la helo ugaas guud oo ay beelaha Samaroon (Gadabuursi) isku raacsanyihiin, waxayna sheegeen inayna mowqifkoodii hore waxba iskabaddelin islamarkaana ay diyaar u yihiin in la helo hoggaan guud oo Samaroon ka dhexeeya haddii arrintaasi loo marayo wada tashi iyo jid dhaqanka waafaqsan.

Golaha dhaqanka Maxamed Case oo soo saaray bayaan ay ku saxeexanyihiin guddoomiyaha iyo xubnaha golahaasi  ayaa si kulul u canbaareeyay waxa uu ku tilmaamay ololaha siyaasadaysan ee loogu taageero raadinayo samaynta haggaan dhaqameed mideeya beelaha Samaroon (Gadabuursi), waxaanu tibaaxay bayaanku in dadka habka campaign-ka wax u wadaaayi ay iyagu burburinayaan wadahadalladii iyo dedaalkii loogu jiray in la helo hoggaan –dhaqameed mideeya beelaha Gadabuursi.

Bayaanka golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case waxa uu u dhignaa sidan:

“Haddii aannu nahay golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case waxaannu halkan ka caddaynaynaa in mowqifkayaga ku aaddan wadahadallada la xidhiidha in la sameeyo ugaas ay beelaha Gadabuursi isku raacsanyihiin ayna habayaraatee waxba iska baddelin, iyada oo uu mowqifkayagu ku caddaa khudbaddii suldaanka guud ee beelaha Maxamad Case, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar ee 6dii bishan barakaysan ee Ramadaan uu ka jeediyay Huteel Rayska Borama kuna tibaaxay lagama maarmaannimada in ay dhammaan beelaha Gadabuursi wadatashi ka yeesheen hoggaankooda dhaqanka islamarkaana la qoro distoorkii iyo xeerarkii dhaqan ahaan lagu maamuli lahaa ummadda.

Haseyeeshee waxa nasiib darro ah inay soo baxayaan tallaabooyin sidii campaign-ka u socda oo ay wadaan xubno hab qarsoodi ah beelaha ugu dhex dhacaya dad gaar ahna haldhabaalaysanaya, arrintaasina waa mid si buuxda u garab marsan dhaqanka una muuqata ololihii xisbiyada iyo siyaasad, aadna u fogaynaysa rajadii laga qabay in ay beelaha Gadabuursi yeeshaan hoggaan dhaqmeed la isku raacsanyahay.

Si kastaba ha ahaatee annagu waxaannu halkan kaga dhawaaqaynaa in mowqifkayagu yahay midkii hore ee soo baxay 6dii Ramadaan, waxaanan caddaynaynaa in aannaan diidanayn balse aannu diyaar u nahay in Gadabuursi yeesho ugaas guud haddii hab dhaqanka waafaqsan loo soo xulayo loogana wadatashanayo.
Ugu danbayn, waxannu caddaynaynaa in dadka arrintan siyaasadaynayaayi ay iyagu gacmahooda ku burburinayaan natiijo la`aanna ku soo afjarayaan wadahadalladii iyo dedaalkii loogu jiray in la helo hoggaan-dhaqameed guud oo ay beelaha Gadabuursi isku raacsanyihiin”.

Waxa bayaankan soo saaray xubnaha golaha dhaqanka  beelaha Maxamad Case oo kala ah:

1.       Sul. Ibraahim Jaamac Samatar (suldaanka guud ahna guddoomiyaha golahan)
2.       Sul. Daahir Cismaan Cilmi
3.       Sul. Muuse Cilmi Dugsiiye
4.       Chief-caaqil Tukaale Riiraash Shirdoon
5.       Chief-caaqil Muuse Xuseen Faatax
6.       Chief-caaqil Cige Ibraahim Cadar
7.       Chief-caaqil Cumar Cali Jibriil
8.       Oday Barkhad Cumar X. Khayre
9.       Caaqil Sh. Maxamuud Caateeye Faahiye
10.   Caaqil Idriis Axmad Buux
11.   Caaqil Cismaan Barkhad Xirsi
12.   Oday  Xuseen Nuur Kooshin (Malow)
13.   Oday Xasan Caynaan Buux
14.   Oday C/Raxmaan Camir Bade
15.   Oday C/Laahi Aadan Maxamad
16.   Oday Muuse Ceelaabe Abaar
17.   Oday C/Laahi Xasan Cali
18.   Oday Muuse Sh. C/Laahi Abaar
19.   Oday Cabdillaahi Xuseen Allaale
20.   Oday Abiib Jaamac  Muxumad
21.   Oday Xuseen Cumar Dhinbiil
22.   Oday Cabdi Samaale Khayre
23.   Oday Xuseen Maxamuud Axmad
24.   Oday Maxamad Cige Madar
25.   Oday Cabdi Cawaale Hande

giriyaadnews maxamed case borama

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

heesta maanta waa heestii afrika iyo codkii dahabiga ahaa ee hibo maxamed hudoon hibo nuura fanaanada wayn ee qaranka adal empire dawasho wacan

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Aqoonsi Raadinti Somaliland Oo Dhaafi La’ Koonfurta Sudan

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Weftigii Somaliland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo ee ay Xukuumaddu sheegtay inay Heshiis sadex geesood ah iyaga iyo Itoobiya ku soo galayaan Dalka Shiinaha oo shalay Addis ababa ku soo noqday ayaa la kulmay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalkii dhawaan madax-banaanida qaatay ee Koonfurta Suudaan Mr: Deng lor inkasta oo aanay labada dhinac wax war murtiyeed ah ka soo saarin kulankooda.

Hasa-ahaate warar uu wargeyska Waaheen ka soo xigtay ilo xogogaal ah waxa ay wada hadleen sidii Somaliya iyo Somaliland wadahadalo loogu furi lahaa lagu kala furdaaminayo oo mid waliba Goonideeda isugu taagi lahayd sida Suudaan oo kale taasoo la sheegay wasiirka Arrimaha Dibeda ee Koonfurta Suudaan Mr: deng lor inuu madaxweyne siilaanyo u fidiyay casuumad oo dalkiisa ugu yimaado bisha Oktoobar kulan hordhac ah oo ay labada dhinac iskula eegi doonaan sidii arrintaas loo sii ambaqaadi lahaa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka aqbalay wasiirka Arrimaha Dibeda ee Koonfurta Suudaan Martiqaadkiisaasi isla markaana dalkaasi u bandhigi doona qadiyadda Somaliland oo ay xogogaal u yihiin sidii ay ugu qancin lahaayeen Somaliya inteeda kale qadiyadooda Madax-banaanina loo siin lahaa.

Wasirrka Arrimaha Dibedda K/S ayaa la sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Dalkiisu Itoobiya u yimaadeen ka mid noqoshaha Dalkoodu uu si rasmi ah uga mid noqonayo Ururka AU-da ee Afrika oo uu fadhigoodu yahay Dalka Itoobiya kaasoo xaflad shalay lagu qabtay xaruntaasi ay Koonfurta Suudaan si rasmi ah ugu biirtay.

koonfurta Suudaan ayaa dhawaan ku balanqaaday inay ciidamo u dirayso Somaliya si ay u xoojiyaan Ciidamadda Midawga Afrika ee taageera Dawladda ku meel gaarka ah ee Somaliya, taasina waxa ay muujinaysaa sida ay durbaba Koonfurta Suudaan u qaaday dhabihii ay Dawladaha Afriki hayeen ee ahayd Midnimadda Somaliya.

Dhinaca kalena Qaramada midoobay iyo ururka Midowga Afrika ayaa wada dedaalo xukuumad Qaran loogu samaynayo Somaliya, waxaana la filayaa in qorshaha Dalalkaasi uu yahay sidii dalka gudihiisa loogu qaban lahaa shir balaaran oo ay dhinacyada somaliya oo dhami ka soo wada qayb gali lahaayeen, iyagoo isla imikaba wada dedaalo hordhac ah oo ay iskaga dab qaadayaan qaybaha Somaliya oo ay Somalind ku jirto. inkasta oo ay Somaliland ku gacansayrtay Hindisayaashaas ay wateen oo ay cadaysay Qaranimadeeda inaanay Gor-gortan galinayn.

Xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaa isla shalay-ba la sheegay inay ugu baaqday labada Dal ee Itoobiya iyo Eratariya inay u furayaan wadahadalo ay ku dhex dhexaadinayaan khilaafka mudada soo jiitamayay ee ku dhex maray dhinaca Xudduuda kaasoo ay labada dal ku muransan yihiin Dhul buuralay ah oo ay qoloba gaarkeeda u sheeganayso.

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

daawo koonfur iyo waqooyi

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Raiisal Wasaaraha Turkiga Oo Soo Gaaray Mogdisho Booqashna ku Tagay Xero Ay Ku Jiraan Barakacayaasha

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Mogadisho- Xigasho Somaliweyn: Wafdigii uu Hogaaminaayay Ra’isulwasaaraha Dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii uu yimid isaga iyo wafdiii uu hogaaminaayay ka soo degeen  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxda Sarre ee dalka oo uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Wafdigani heerka sarre ee ka socda dowlada Turkiga, waxaana sidoo kalena madaxda soo dhaweysay wafdigaasi ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Labada Golle ee dowladda KMG ah.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa waxaa siday ilaa Laba diyaaradood kuwaasi oo ay saaranyihiin xubnaha Wafdigiisa ka mid ah iyo xaasaska Mas’uuliyiinta Wafdigiisa ka mid ah, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyana ay Salaan sharaf Wafdigaasi iyo Madaxda dalkaba siiyeen, iyadoo Ururada Bulshada Rayidka ah ay si weyn iyaguna u soo dhaweeyay.

Ra’isulwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weyhliya Marwadiisa, xubno katirsan golaha Wasiiradda dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka dalka Turkiga,Dhaqaatiir iyo Fanaaniin si aad ah looga yaqaano dalkaasi.

Garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday Munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa  lagu xardhay Sawirka Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale Callamada Labada dal ee Walaalaha ah, iyadoo markii la soo dhoweeyey kaddib uu Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdigiisa ay booqasho ku tageen Xerada Rajjo ama Badbaado Laba ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ku jiraan Kumanaan Qoysas ah oo ay Abaarta dalka Saameeysay darteed uga soo barakacay gobollada dalka.

Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa u kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee xeradaasi ku jira, iyadoo dhaqaatiirta la socotana ay durba bilaabeen inay baaritaanno caafimaad iyo Baxnaaninba u sameeyaan Barakacayaasha taasi oo ay bar bar socoto deeq la siinayo dadka Xeradaasi dadka ku jira.

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

kusoo dhawaada aqristayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow barmaamush keenii an ugu magac daray layabka aduunka oo aan kusoo qadanay manta qiso yaableh

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

wa qayb ka mid ah -Tusaloyin Dagaladii uu Nabiga SCW galay- shaykh Mustafa Xaji Ismail Xafidahu Allah).

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

South Sudan Ready to Join East African Community South Sudan President Salva Kiir has said that the newly created country is ready to become a member of the East African Community

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

halkan kadaawo warshadii ugu waynayd ee rasaasta samaysa ee ay lahaayeen xarakaadkii al shabaab oo ay heleen ciidamada amison

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka ku soo Guryo Noqday kana Waramay Socdaalkoodii

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay socdaal qaatay muddo todobaad iyo dheeraad ah ay ku tageen dalalka Itoobiya Iyo China.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa ugu waramayay saxaafada markii uu soo gaadhay dalka ayaa ku dooday in guulo waaweyni ay ka soo hooyeen socdaalkii ay ku tageen Itoobiya iyo China waxaanu yidhi “Sida laga warqabo waxaannu muddo laba toddobaad ku dhaw ku maqnayn safar dibaddeed,waxaanan jeclaa inaan idiin soo bandhigo wixii dal ahaan inoo soo qabsoomay.Waxaan shacabka reer Somaliland iyo qaybaha kale ee qaranka ugu bushaaraynayaa in safarkaasi ku soo dhammaaday guul, kana soo baxeen tallaabooyin dhaxalgal noqon kara oo dalka iyo dadkaba waxtar u leh.Marka laga bilaabo dalka Itoobiya waxaannu ku yeelanay wadahadalo lagu adkaynayo xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaannu wada hadallo la yeelanay madaxda dalkaas oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha Itoobiya Mr.Girma Wolde-Giorgis iyo Raysal-wasaare Males Zenawi iyo masuuliyiin kale oo Raysal-wasaare-ku-xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ka mid yahay.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa aannu wada hadallo la yeelanay shirkaddo maalgashi oo muddo wada hadallo noo socdeen oo xaruntoodu tahay magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, kuwaas oo khibrad weyn u leh fulinta iyo meelmarinta maalgashiyo badan oo waaweyn. Maalgashiyadaas oo inta badan ay ka sameeyaan waddamada soo koraaya ee Somaliland ka mid tahay, kuwaas oo dawladooda Shiinahana ka haysta kalsooni iyo wada shaqayn. Wada hadalladaasi waxay ahaayeen kuwo ku salaysan inay Somaliland ka haqab baxdo baahida dhaqaale ee dalka ka jirta iyo horumarka shacabku u baahan yahay,waxa kale oo ay ka turjumayeen iskaashiga dhaqaale ee Somaliand doonayso inay la yeelato waddamada Geeska Afrika iyo guud ahaanba bulshada caalamka.” Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiska ay wada gaadheen dalka China waxa uu yidhi “Wada xaajood dheer kadib, waxa wada hadaladaas ka soo baxay in Somaliland iyo maalgashadayaasha dalka Shiinuhu ay gaadheen heshiis hordhac ah oo u-jeeddadiisu tahay in isbeddel weyn lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo ay ka mid tahay ballaadhinta dekedda Berbera, waxa kale oo la iska kaashanayaa dhismaha dhuumo dhulka mara oo qaada gaaska dabiiciga ah iyo saliida Itoobiya lagu geynaayo dekedda Berbera.

Waxa hawshaas ka mid noqon doonta dhismaha warshad lagu diyaarinaayo gaasta iyo saliida inta aan dibadda loo dhoofin.Mashaariicda waaweyn ee Somaliland doonayso waxa ka mid ah dhismaha waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, kuwaas oo Somaliland u keeni doona faa?’iidooyin dhaqaale oo aad u ballaadhan oo ay ka mid yihiin abuuritaanka shaqooyin badan oo muwaadiniinta Somaliland ka heli doonaan meelmarinta mashaariicdan dalka laga hirgelinayo, waxa kale oo mashaariicdani kor-u-qaadaysaa dakhliga dawladda Somaliland, kaas oo sababi doona in adeegyada bulshada lagu dabooli karo.”

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday goleyaasha baarlamaanka. Madaxweynuhu waxa uu madaarka salaan sharaf kaga qaatay cusubyo ka tirsan ciidanka qaranka. Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Beeraha, Macdanta, Maareeyaha dekada berbera iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

giriyaadnews

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Boqor Osman Buurmadow: Madaxweynaha iyo wafdigiisu been ayey dadka u sheegayaan, Chinana waa loo diiday in ay Maddaarka dhaafaa

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

undefinedWaxa maanta  khadka telefonka tiraba saddex jeer aan kuwada xidhiidhnay Boqor Cismaan ( Buurmadow)  oo jooga dalka UAE. Farriintiisuna waxa ay ahayd in uu ii xaqiijiyo, in uu markhaati ka yahay in wafdigii Madaxweyne Ahmed Siilaanyo laga soo celiyey maddaarka oo aanu dawlad iyo shirkado toona arag, taasina ay ku timid qalad saaxiibbadii ay ku sameeyeen oo dhinaca Baasaboorrada iyo Vissa-ha ah.

Dhalliilaha madaxda Siilaanyo la shaqaysana waxa uu ku sheegay in ay jirto ummadduna ogtahay, oo uu run ka sheegayo. Oo uu oday ahaan ka adkaysan kari waayey in uu shaaciyo…wararkan dhinbiisha ku noqday xukuumadda. Laakiin waxa uu ii sheegay in aanu marnaba dhalliilin kartida,iyo aqoonta Siilaanyo. Balse uu saluugsan yahay dadka uu maamulka u xushay,  kana sugayo in uu dawladdiisa ku sameeyo isbeddel fiican. Illaa iyo inta uu taa samaynayana aanu ka joogsanayn wax ka sheegga dawladdiisa.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi,’Lexejeclo ayaan ka qabaa Somaliland,mana doonayo in ay dadka walaalaha ahi godob kala tirsadaan, oo weliba beesha aan ahay ee Habar Jeclo godob loo tiriyo. Haddii aan taa ka hortagi waayana odaynimadayda been ayaan ka sheegayaa. Waxanan aamminsanahay in  aanay dawlaaddani Siilaanyo weligeedba jiri doonin, oo kuwa ka dambeeyaa iman doonaan, laakiin beeluhu ay jiri doonaan, sidaasi daraaddeed aanay habboonayn in ay koox yari ku adeegato qabiilka aan duqa u ahay, dawladnimadiina ay sidaa ku wiiqanto, oo ay dadku meel kasta kaga sheekaystaan Habar Jeclo ayaa is wada siisay wixii ay ummaddu wada lahayd….maya……. maya….. ayaan leehay…waanan ka qayl yayaa…. anigu kama yeelayo. Xataa haddii kuwo kale ka yeelaan.

Mar uu iiga warramayey, boqornimadiisa oo aan qoraalkaygii hore ku sheegay in uu isagu is caleema saaray, waxa uu ii sheegay in beeshiisa Muuse Abokor oo ka mid ah kuwa ugu badan Habar Xubuusheed amma Habar jeclo ay si fiican u caleema saartay, waxana uu iiga ballan qaaday in uu soo bandhigi doono xafladdii caleema saarka oo muuqaal ah. Laakiin waxa uu soo dhaweeyey wax kasta oo ay saxaafaddu ka qorto hadalkiisa iyo fikirkiisa, waxase uu ii sheegay in aanu marnaba taageereyn wixii dhibaato dhalinaya, caddaalad darro u keenaya ummadda iwm.

Mar aan ka warsaday in ay wada hadlaan Madaxweynaha iyo xidhiidhka ay immiga leeyihiinna, waxa uu yidhi, ‘ waan wada hadli karnaa, iskumana xumin, haddii aanay jirin wax aanan ogeyni,  laakiin ma fahmayo waxa na kala dhex yaalla ee la sheeg sheegayo. Malaha sida kuwa ku xeerani ay wax ugu sheegaan ayaa qaldan oo ay dadku dhaga-dhageeyaan. Inta bandanna sida ii muuqata waxa loo wariyaa  war xun. Aniguse diyaar ayaan u ahay in aan wax kala dhegeysanno. Oo aan ahayn wixii godob iyo dhibaato kala dhex dhigaya ummadda.’

Dhinaca Ethopia, waxa uu sheegay in ay xidhiidh fiican leeyihiin, maalin wal amma usbuuc walbana ay madaxdooda wada hadlaan, kana wada hadlaan danaha ummadaha walaalaha ah, laakiin ma ihi buu yidhi, nin nacasnimo dhex dabbaasha, oo aan wadani ahayn. Dalkaygana in aan wanaag u soo jiido mooyee, in aan xumaan u soo hooyo, waa ta aan mar walba ka dagaallamayo. Ee aan xukuumadda Siilaanyana ku maagayo.

Ugu dambayn, waxa uu ii sheegay in uu la xidhiidho xildhibaannada iyo shakhsiyaadka dawladda ugu muhiimsan amma ay shacabku raaliga ka yihiin. Oo aanu kala gabban in uu runta ka sheego, meelaha uu dhalliilaha ku og yahay.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa ayaamahan saxaafadda suuq aad ah u sameeyey, Boqor Cisman oo ah nin hal adag, dooddiisana aan la xajin. Waxanu immiga ku sugan yahay dalka Emaraatka magaalada Dubai. Dalkiina waxa la sheegayaa in uu waaran u yaallo, oo haddii uu tago la xidhi doono. Taasi oo dad badan oo la socdaa ay aad uga biyo diiddan yihiin. Isna uu ii sheegay in aan la xidhi karin, meesha uu doonana uu dalka ka tegi karo.

giriyaadnews

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Gaboose oo iscasilay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo dalka dib ugu soo laabtay

Posted by giriyaadnews on August 19, 2011

giriyaadnews(Hargaysa) 18 Aug, 11–Wasiirkii Wasaaradda Arrimha gudaa somaliland Dr: Maxamed Cabdi Gaboose oo saacado ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo dalka Dib ugu soo laabtay la hadlay Saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

ilaa hada lama garanayo sababta dhabta ah ee uu Gaboose xilka uga tagay inkasta oo uu isagu sheegay sababo la xidhiidha furfurnaanshaha ku yimi siyaasadii Ururada iyo Axsaabta awgeed oo uu u xadhko xidhay inuu Urur samaysyo, hadana warar hoose oo soo baxayay maalmahan-ba ayaa sheegaya inay jiraan isbedel uu madaxweyne Siilaanyo ku samayn doono Golihiisa Wasiiradda marka ay Bisha Barakaysani dhamaato.

wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya Wasiirka Arrimaha gudaha in loo magacaabayo ninka haya xilka lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyadda iyo Doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo beryahanba hayay maamulka Arrimaha Gobolka Sool

Madaxweyne Siilaanyo markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu Saxaafadda siiyay warbixin uu safarkiisii kaga waramayo oo uu sheegay inuu guul ku soo dhamaaday sidii uu ku dhaliili jiray Madaxweynihii ka horeeyay hase yeeshee waxa uu diiday inay saxaafadda su’aalo weydiiso.

sidoo kale waxa uu sheegay inuu soo maray dalka Thailand oo ay markii hore xubnaha Xukuumadiisu dafairanayeen markii ay soo baxeen warar sheegaya inaanu Shiinaha galin ee uu dalkaasi u dhaafay.

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

gabdho iyo wiilal aas aasay ururka dhalmodoonka soomaaliyeed daawo video xiso leh

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

350 milyan oo doolar oo wadanada islaamku ugu yabooheen abaaraha soomaaliya ka dhacay ee dad iyo duunyaba saameeyay dawo video

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Halkan ka dhegayso Prof. Axmad Ismaaciil Samatar oo si qotodheer uga hadlay siyaasadda Somalia waraysi ay la yeelatay Mogadisho Times

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

giriyaadnews  guban oo barwaqa ah oo geelu dhalay iyo garbodadar ma aragteen

ahmed ibraahim gesale

 halkan waxaad ku arkaysiin faras faraskaasi waa faraskii axmad abrayn geesaale oo loo yaqaano ahmed ibraahin qasaali laakiin aan sidaa ahayn oo dadkii waagaa ka midahaa ciidamadiisa oo aan karayn abray ayaa yidhi ibraahin run ahaantiina abrayn marka afcarabi loogu dhawaaqo waa ibraahin geesaalena waa sidaasoo kale oo geesale waa af soomaali marka carabi loogu dhawaaqo waa Qeesale amxaaraduna waxayba ugu dhawaaqaan qaysali markaa soomaalidu waxay raaceen afafkiikale oo axmed ibrahin qasaali uunbay ugu dhawaqaan maaha sidaa waa axmad ibrahim geesale oo ahaa nin reer awdal u dhashay oo anuu aan ku abtirsado markaan abtirsanaayo waan maraa axmed ibraahim geesaale oo axmad guray loo yaqaano ahaana nin soomaaliya oo soomaalinimo u diriraayay guulahii aw soomaali u soo hooyayna lawada ogsoonyayay xaruntiisuna ay ahayd magaalada qadiimiga ah ee taariikhda dheerleh ee saylac oo wali dadkii ka tafiirmay  ay sii daganyahiin hadaan hadalka soo koobo axmed guray waxuu ahaa mujaahid soomaaliya kuna dagaalamaayay soomaalinimo iyo islaam nimo lana dagaalamayay gaalo rabtay inay soomaalida ka qaadato dhulka axmad guray maahayn carab oo somalidu taariikhda axmed guray maraadiyaan oo nama waydiiyaan oo mayidhaahaan dakii ka hadhay aaway ee waxay ku soo koobaan waxuu ahaa carab sidoo kale xabashiduna way sheegataa taariikhdiisa marna inuu islaam ahaa oo uu ladagaalamayay bay sheegaan sidoo kale soomaalida dad aan dagaanka saylac ahayn shaqona ku lahayn baa iska sheegta axmed guray hadaar sii waraysatana magaranayno taariikhdiisa bay ku odhanayaan hadaba anagaa ah tafiirtii ka soo fircantay abtirsiin tayaduna martaaye nikii taariikh uga baahani ha nalasoo xidhiidho oo hanagala soo xidhiidho website kani magaciisa la yidhaaho giriyaadnews anba email; wdawdalstate@gmail.com hadaba tixdani gabayga ah ee gaabana sii milicsada inigoo macnaheeda dhuuxaya

bismilaahi raxmani raxiim

bilawgii qarniga waxan lahayn dawlad loo bogaye

boqol iyo gudoonshuu ahaa baarlamankuna ee

badmareenadaa iman jiroo buugagbaa qorane

bilaash xayte yaw yaan la noqon  baquhu waa ceebe

axmed guray badaa kuma jiree waa bahdaanahaye

waa nimanka buurmadaw dagee boonqas garab yaale

saylac baalaheediyo dilaad booqasho u imane

halkaasaad bayaankiyo ka heli been masheegtada ee

bilaash xayte yaw yaan lanoqon baquhu waaceebe

hayeeshee qarnigu wuu badalay beeshii samaroone

ingiriis waxuu baadhayuu bad uga soo gooshay

balanqaad isaaq buu kahelay barina loo guurye

halkaabaan kusoo gaabinayaa aqristeyaal

gabaygani waxaa iskaleh bada giriyaadnews

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Documentary Video released (The Capture of Jigjiga (Jijiga) in the 1977 War Between Ethiopia and Somalia

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

New Video :”Jabuutida Maanta” Xaflad loo sameeyey Marwo Khadra Xayd Marwada kowaad ee Dalka Jabuuti oo

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

Djibouti (giriyaadnews) Jabuutida Maanta :Hablaha Duriyada Sheekh Isaaq ee dalka Jabuuti ayaa xafladan agaasimay waxanay ka dhacday dalka Jabuuti ee daawaasho wacan

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Baraf aan horey loo arag oo ka da’ay Tuulada Degmo Laqas ee Gobolka Awdal

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

M/weyne Shariif oo gaaray dalka Turkiga

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo wafdi la socda ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Istanbuul kadib markii ay xalay saqdhexe halkaasi gaareen.
M/weynaha ayaa ka qeybgalaya shir dalalka Islaamka “Islamic Conference (OIC)” uga furmaya maanta magaalada Istanbuul kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa xoogga lagu saari doonaa arrimaha abaaraha Soomaaliya, waxaana lagu ururin doonaa dhaqaale lagu daboolo arrimaha abaaraha.

Wafdiga m/weynaha ayaa waxaa qaabilay madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul.
M/weynaha Soomaaliya ayaa hogaaminaya wafdi isuguu jira wasiiro, wasiir xigeeni iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Safarkan Turkiga ee madaxweyne Shariif ayaa ku soo beegmaya xilli berito lagu wado in uu Soomaaliya booqdo ra`iisal wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.    by post  giriyaadnews

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Muqdisho(HWN) madaxeynaha Dowlada KMG ah soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa beenayay hadal ka soo yeeray Hey’ada Human Rights Watch oo sheegaya in dowlada KMG ah soomaaliya ay Tacadiyo

Posted by giriyaadnews on August 18, 2011

Muqdisho(HWN) madaxeynaha Dowlada KMG ah soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa beenayay hadal ka soo yeeray Hey’ada Human Rights Watch oo sheegaya in dowlada KMG ah soomaaliya ay Tacadiyo ka geystay dalka soomaaliya

Madaxweynaha ayaa shaaciyay hadalakasi sheegaya in ay dowlada tacadiyo Xoogan ka geystay Dalka soomaaliya ay tahay mid been abuur ah oo aanan waxba ka jirin human Right hadalkeeda, ayadoona dowlada KMG ah aysan waxba tacadiyo ka geysan dalka iyo dadka soomaaliyeed ayuu yiri shariif

Hey’ada human Right Watch aya sheegaya in dowlada KMG ah soomaaliya ay dalka dhibaato ba ani ka geystay ayna dalkana xasuuqday ayada iyo ururka al shabaab waqtiga ay noqotana lala xisaabtami doonto hase yeeshee waxaa hadalkaasi beeniyaya oo ka biya diiday madaxweyne shariif oo ku sheegay in hey’da ay iska hadashay hadalkuna uu yahay waxba kama jiraan

giriyaadnews muqdisho

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

iman siad ibrahim interview horn cable tv pt,4 art and its importance in scouety hargesa somaliland

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Qoraalkani hoose guji si aad u daawato live tv more channels

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

live tv kadaawo halkani madaxwayne ismaaciil cumar geele oo shalay kadagay magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya isgo aan la ga war hayn booqashadiisa ayuu si kidisa uga dagay madax waynuhu garoonka aadan cade ee magaalada muqdisho hadaba si aad u daawato booqashada madax waynaha iyadoo live ah riix qoraalkani hoose mesha ay ku qorantahay video waxaad u daawani kartaa laaf lave qudbadiisii oo dhamaystirane  riix qoralka yar yar ee hose

PRESIDENT ISMAIL OMAR GELLEH VISIT TO MOGADISHU – View Video

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

New video: Ismacil Cumar Gelleh oo Muqdisho Ka degay

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

duqaymo xoogleh oo ay nilatariga suuriya ku hayaan wadankaasi magaalooyin ka mid ah dawo video

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Iman oo kahadlaysa abaarta dad iyo duunyaba baabisay ee ka jirta somaliya dawo video

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

daawo naxariista jano alaha siiyee madax waynahii jamuriyada djibouti xasan guuled abtidoon oo muqdisho booqasho u tagay iyo sidii loo soo dhaweeyay marisamaadkii video

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

daawo qaranimadii soomaliya iyo quruxday lahayd waa madaxwaynahii jamuriyada dimuquradiga somaliya ilaahay ha u naxariistee maxamed siyaad bare oo boqashao u yimid djibouyi

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Naladhagayso fanaanka qarnigan cusub waakuma waa cawaale aadan iyo codkiisii dahabiga ahaa

Posted by giriyaadnews on August 17, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Reer awdal waakuwa xusaaya 18 may ee maxay ugu samayn waayeen caruurtoodii itoobiya xasuuqday ee diyaaradaha lagu garaacay maalin la xuso may u samayn kariwaayeen mise waa cabsi

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

giriyaadnews borama

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

top video daawo wax qabadka hayada wadaniga ah ee camuud fundation ee abaaraha soomaaliya

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

walaalaha islaanmka ah ama kuwa iyago iska lada ee ilaahay u nimceeyay waxaan leenahay caawiya walaalahiina dhibaataysan ee abaaruhu aafeeyeen iyo kuwa kalee abaaraha iyo colaaduba isugu biireen

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

ilaahaybaa yidhi isu naxa ana waan inii naxariisane markaa walaalo yaal aan u naxno walaalaheena dhibaataysan ee abaarahu saameeyeen

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Ismaaciil Cumar Geele oo 23-Sano ka dib booqday Muqdisho (Daawo)

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

Ismaaciil Cumar Geele oo 23-Sano ka dib booqday Muqdisho (Daawo)

undefined giriyaadNews:-Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta booqashadii u horeysay tan iyo markii uu qabtay Madaxtinimada dalka Jabuuti, iyo labaatan sano kadib bur burkii Dowladii hore ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay sida ay tahay xaalada Muqdisho.

Booqashadii oo taariikhi ah ayaa ah mid indhaha Caalamka ugu soo jiidayo, xaalada dalka iyo si bedeladii dhacay, waxaana uu aad uga tiiraanyooday xaalada abaarta iyo macluusha, kadib markii uu booqday Xerooyinka Barakacayaasha, gaar ahaan Xerada Badbaado iyo Isbitaalka Banaadir oo ay jiifaan caruur macluul iyo shuban biyood hayo.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in wax aanu indhihiisa qaban karin ku soo arkay, isla markaana uu aad uga naxay, waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay gar gaar la soo gaaraan, sidoo kale Dowladaha islaamka iyo kuwa Carabta ayuu sheegay inay yihiin kuwo wax laga sugayo.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Safaarada Jabuuti ee Magaalada Muqdisho markii Villa Somalial kula kulmay Madaxweyne Shariif, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu sheegay in shucuurtiisa ay tahay mid aad u sareysa, isla markaana Muqdisho ay ugu dambeysay 1988-dii.

“Shucuurteyda aad iyo aad ayay u sareysaa waxaa Muqdisho igu dambeeyay 1988-dii, runtii sidii ay aheyd waa noqon weyday, labaatankii sano ay jiitdameysa aad baan uga xumahay”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Intii uu Muqdisho ku sugnaa waxaa uu tagay Xarunta wasaarada Warfaafinta iyo Radio Muqdisho, isagoo amaanay sida Idaacada loo kiciyay, waxaa uu sheegay inay ugu dambeysay xilli kibriid xataa lala soo geli jirin waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in abaarta laga bixi doono, isagoo la hadlay dadkii barakacayaasha ee uu ku booqday Xerada Badbaado, waxaa uu deeq daawo siday Diyaaradii uu la socday oo gaareysa 13-tan iyo 27-kun kiish lagu nafaqeeyo caruurta uu ku wareejiyay Wasaarada Caafimaadka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka dhoofay duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay laguna sii sagootiyay, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeybq aatay Hobalada qaranka, oo suugaano kala duwan soo bandhigay, haween fara badan oo tix buraanbur ku soo dhoweeyay iyo kooxaha kala duwan ee hidiyo dhaqanka.

Ammaanka ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadoo Xerada Barakacayaasha ee Badbaado ee duleedka degmada Dharkeenley lagu arkayay Ciidamo si gaar ah u labisan oo ka qeyb qaadanayay sugida Ammaanka intii uu ku sugnaa xeradaas Madaxweynaha Jabuuti.

Booqashadiisa maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa daah fur u ah booqashooyin la filayo in Madaxda Caalamka ku yimaadaan Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaalada dhabta ah ee abaaraha, iyadoo safarka ugu soo horeeyay maalinta khamiista ku imaan doono Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan.

Beenmashege  kariye  giriyaadnews
giriyaadnews@gmail.com

DAAWO SAWIRADA:-

undefined

undefined

undefined

undefined

undefinedundefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho booqday (SAWIRRO)

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

undefined
Talaado, Ogoosto 16, 2011 (giriyaadnews) – Madaxweynaha dalka Jabuuti oo booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho ayaa isaga iyo wafdigiisu ay dib uga dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii uu kulammo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda.

Mudane Geelle ayaa sheegay in dhibaato abaareed ee ka jirta Soomaaliya ay aad uga badan tahay sidii uu filayay, isagoo sheegay in dowladdiisa iyo shacabkiisu ay garab-taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

“Soomaaliya dhibaato ka badan intii aan filayay ayaa ku dhacday, runtiina waa mid galaysa taariikhda Soomaaliya ka galaysa baal, shacabkuna waxay gargaarka uga baahan yihiin ma ahan dalalka caalamka oo keliya, balse waxay uga baahan yihiin walaalahood iyo dalalka islaamka,” ayuu yiri Geelle oo qiiro ay wajigiisa ka muuqatay.

Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu tagay intii uusan ka dhoofin Muqdisho safaaradda ay Jabuuti ku leedahay Muqdisho, halkaasoo uu ka sheegay in dalkiisa uu bisha soo socota keeni doono ciidammadii uu horay u ballanqaaday.

Wafdiga ka socday Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusii sagootiyay xubnaha dowladda ugu sarreeya oo uu ka mid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Geelle uu ku yimid Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay booqashada ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo, uuna uga mahadcelinayo shacabka, dowaldda iyo madaxda Jabuuti sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Geelle ayaa sheegay inay Muqdisho ugu dambeysay 1989-kii, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inay kusoo laabato sidii ay xilligaas ahayd, isagoo sheegay inay tahay magaalo aad u burbursan.




Mowliid farhan giriyaadnews  muqdisho

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Daawo:Safarkii Silaanyo ee Shiinuhu Halkuu Marayaa?

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

Daawo:Safarkii Silaanyo ee Shiinuhu Halkuu Marayaa?

undefined

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

What kind of houses built in Somaliland

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Raisal Wasaaraha Itoobiya iyo Shiinaha oo ku Kulmay Magaalada Beijing, China

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

ethiopiandchinameeting3.jpg

Raisal wasaarayaasha dawlada Itoobiya iyo China ayaa wada hadal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka China. Labada rais waxay ka wada hadleen arimo badan oo dhinaca horumarinta ah. Iyadoo ay wararku sheegayaan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Silanyo oo isaguna gooni ula kulmay madaaxda dalka China oo ay sidoo kale ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya geeska Africa iyo horumarka dalka Somaliland.

Sadexda dal ayaa ay iskaga xidhan yihiin arimo dhaqaale iyadoo ay wararku intaa ku dareen in shirka nuxurkiisa dawlada Itoobiya ay matali doonto dawlada Somaliland arimo xidhiidhka caalamiga khuseeya awgii.

ethiopiandchinameeting6.jpg

Waftigii Somaliland ayaa kala kulmay soo dhawayn diiran madaax dalka China.

ethiopiandchinameeting5.jpg

Video afka Shiinaha ku hadlaya hoos ka daawo

Lughaya Beijing Office

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Raisal Wasaaraha Itoobiya iyo Shiinaha oo ku Kulmay Magaalada Beijing, China

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

ethiopiandchinameeting3.jpg

Raisal wasaarayaasha dawlada Itoobiya iyo China ayaa wada hadal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka China. Labada rais waxay ka wada hadleen arimo badan oo dhinaca horumarinta ah. Iyadoo ay wararku sheegayaan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Silanyo oo isaguna gooni ula kulmay madaaxda dalka China oo ay sidoo kale ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya geeska Africa iyo horumarka dalka Somaliland.

Sadexda dal ayaa ay iskaga xidhan yihiin arimo dhaqaale iyadoo ay wararku intaa ku dareen in shirka nuxurkiisa dawlada Itoobiya ay matali doonto dawlada Somaliland arimo xidhiidhka caalamiga khuseeya awgii.

ethiopiandchinameeting6.jpg

Waftigii Somaliland ayaa kala kulmay soo dhawayn diiran madaax dalka China.

ethiopiandchinameeting5.jpg

Video afka Shiinaha ku hadlaya hoos ka daawo

Lughaya Beijing Office

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Lunatic Railway: Xadiidka Isku Xidha Mombassa iyo Nairobi oo Itoobiya la Gaadhsiinayo oo Shiinuhu Dhisayo

Posted by giriyaadnews on August 16, 2011

lunaticline001.jpg

Wadada xadiidka (Train) oo isku xidha magaalada xeebta ee Mombassa iyo caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxa lagu baaqay in la gaadhsiiyo dalka Itoobiya oo aan lahayn xeeb u gaar ah. xadiidkan waxa la dhisay 100 sano ka hor wuxuu gooyey nafta boqolaal daynyar ah oo reer Kenya ah, isagoo hadana caawiya isku socodka caasimada iyo Mombassa. Dhererka jidkan oo dhan 1000 km ayaa marka laga bilaabo Mombassa ilaa Kisuma oo lasii marayo caasimada Nairobi.

Trainkan waxa dhismihiisa laga bilaabay Mombassa 1895; waxana Nairobi la gaadhsiiyey 1899. 4 shaqaale ah ayaa ku qudh waayey 580 km ee xadiid ahba wakhtigii la dhisayey – wuxuu dhismaha jidku dhamaaday 1901 Dec. 20.

lunaticlinetrain1.jpg

Safarka u dhexeeya mombassa ilaa Nairobi wuxuu qaataa ilaa 15 saacadood iyadoo la rabo in laga dhigo ilaa 3 sacaadood oo khad dheeraynaya lagu badalo. Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Kenya siiyey 40 milyan oo dayn ah oo dib loogu dhisayo xadiidka. Dalka China ayaana dhisaysa.

lunaticlinetrain2.jpg

Horumarinta jidkan lagu naanayso “Lunatic Railway” oo micnihiisu yahay oodan ama go’doon bilaa wehel ah ayaa la filayaa in la gaadhsiiyo Juba, South Sudan iyo Addis Ababa, Itoobiya sanadka 2017ka. Iyadoo si dhib badeecada Bunka “Coffee-ga”, Cutubka, iyo baayacmushtarka aad ugu dhibyaraan doonta wadamada Afrikada Bari (Uganda, Kenya, Ethiopia, South Sudan) kuna keeni karta dalalka Jabuuti iyo Somaliland in Itoobiya uga weecato dhinaca Kenya oo dhaqaale ahaan labada dal dhaawac wayni soo gaadho. Afarta wadan ee xadiidku isku xidho ayaa xag siyaasadeed iyo xag dhaqan aad iskugu dhow – halka Jabuuti iyo Somaliland-na ay isku dad yihiin; arintaasina waxa laga yaabaa inay riixayso dhaqaajinta isbaahaysigan cusub ee dhinaca xadiidka iyo horumarinta baayacmushtarka ah ee dalalkan Bariga Afrika. Somaliland wali lama ictiraafin – Jabuutina waa dal aad u yar baaxad iyo dad ahaanba. Kenya, iyo uganda iyo Ethiopia ayaa ah dalal waa wayn oo dad badan diin ahaana isku dhow dhinaca maamulka.

lunaticlinetrain3.jpg

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: