DHULGARIIR WEYN OO KA DHACAY BORAMA

DHULGARIIR WEYN OO KA DHACAY BORAMA
Posted by garbodadartimes on August 3, 2011 · Leave a Comment
Borama(GARBOTIMES)- Saacadu markay ahayd 5:46 subaxnimo waxa Boorama ka dhacay dhulgariir cabirkiisu aad u weyn yahay oo guryaha magaalada gilgilay. Inkast oo aana wali kala cadayn in dhulgariirkani geystey waxyeelo iyo inkale hadana waxa uu ahaa dhulgariir aad u weyn oo dadka ku dhaqan magaalada Borama hurdada ka wada kiciyey.
Wariye Jirde ayaa waxa uu sheegay in dhulgariirku dhacay isagoo dulfadhiya computer uu warbixin kusoo dirayey waxaanu yidhi “Dhulgariirkani waxa uu ahaa mid aanan horey u arag oo quwadiisu weyn tahay .
Sidoo kale qaar ka tirsan qurbojooga reer Awdal oo isla daqiiqadii dhulgariirkani dhacay la soo xidhiidhay GARBOTIMES ayaa sheegay inay aad uga naxeen dhulgariirka ka dhacay Borama oo ay ku tilmaameen kii abid ugu weynaa .

GARBO NEWS
Borama Somaliland

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: