SUUQA XOOLAHA BORAMA OO BISHA RAMADAN SAREY U KACAY

Posted by giriyaadnews on August 3, 2011

DHULGARIIR WEYN OO KA DHACAY BORAMA

Posted by giriyaadnews on August 3, 2011

borama(GARBODADARTIMES)- Saacadu markay ahayd 5:46 subaxnimo waxa Boorama ka dhacay dhulgariir cabirkiisu aad u weyn yahay oo guryaha magaalada gilgilay. Inkast oo aana wali kala cadayn in dhulgariirkani geystey waxyeelo iyo inkale hadana waxa uu ahaa dhulgariir aad u weyn oo dadka ku dhaqan magaalada Borama hurdada ka wada kiciyey.

Wariye Jirde ayaa waxa uu sheegay in dhulgariirku dhacay isagoo dulfadhiya computer uu warbixin kusoo dirayey waxaanu yidhi “Dhulgariirkani waxa uu ahaa mid aanan horey u arag oo quwadiisu weyn tahay .
Sidoo kale qaar ka tirsan qurbojooga reer Awdal oo isla daqiiqadii dhulgariirkani dhacay la soo xidhiidhay GARBODADARTIMES ayaa sheegay inay aad uga naxeen dhulgariirka ka dhacay Borama oo ay ku tilmaameen kii abid ugu weynaa .
GARBOTIMES NEWS
Borama Somaliland

Top Videos: Warbixin Xaaladda Abaaraha Gobolka Awdal

Posted by giriyaadnews on August 3, 2011

Borama(GARBOTIMES NEWS) Barnaamijkan oo ah warbixin xaalada Abaaraha gobolka Awdal ku jiro oo aan ilaa hadda la maqal cid ka hadlaysa ayaa waxa wadajir idiinku soo diyaariyey saylac.com iyo Hay’ada samafalka ee Shifo Borama ..GARBODADARTIMES iyo Hay’ada wadaniga ah ee Shifo oo socdaal dheer ku kala bixiyey Buurta libaaxley iyo degaanka ku xeeran oo ay . Abaaraha ka jira gobolka AWdal oo maraya heerkii ugu darnaa mudo 50 sano ah ayaa waxaanu idiinka soo diyaarinay filimo dhawr ah oo aanu ugu talo galay inaanu u bandhigno hay’adaha samafalka bixiya iyo kuwo dawliga ahiba si ay dadkan ula soo gaadhaan biyo iyo raashino kale oo degdega.

Sidoo kale dadka Qurbojooga ah ee u dhashay gobolada Awdal iyo Selel iyana waxa la gudboon inay walaahooda abaartu ku habsatey waxtar u geystaan. hay’ado dhawra ayaad u marin kartaa sida Shifo NGo iyo Camuud Foundation oo labaduba ah kuwo u hawlgala arimaha gargaarka dadka dhibaateysan.

Hadii aad jeceshay inaad caawisid dadkan dhibaateysan fadlan la xidhiidh.

Shifo NGO Borama
Ama Amoud Foundation

Wixii macluumaad intaa dhaafsan sidoo kale kala xidhiidh bulacado@yahoo.co.ku

QUDBADII MADAX WAYNAHA DALKA MARAYKANKA MADAXWAYNE OBAMA BARAK XUSEEN HALKAN KA DHAGAYSO

Posted by giriyaadnews on August 2, 2011

AS GRAND UGAS OF SAMARON ARRIVED IN JIJIGA, SEVERAL NGO INCLUDING THE ITALIAN NGO ( VIS) HAVE ENABLED DISTRIBUTION OF WATER THROUGH TANKERS TO THE COMMUNITY

Posted by giriyaadnews on August 2, 2011

 Ugas Abdirashid Ugas RobleJijiga(garbodadartimes)- As Grand Ugas of Samaron Ugas Abdirashid  arrived in Jijiga, Several NGO including the Italian NGO ( VIS) have enabled distribution of water through tankers to the community ‘of districts in the two-Shinile- Dambal and Awbare in Somali Region of Ethiopia: The VIS increased its water distribution to those area.

Every day a truck for part of each district from Jijiga, supplies of drinking water from a tank of 10,000 liters wells made in past years by projects of the VIS , and went in different villages of the area to distribute 2l of water daily to each beneficiary. The distribution of water and ‘divided into 2 parts: a distribution in the morning, and a further distribution in the afternoon. Every day.

 And ‘no doubt that the logistical problems associated with such activities’ are manifold, but it’ also true that the value of this activity ‘and’ undeniable: the areas reached by our distributions are suffering the worst famine of the last 50 years, there have points of water accessible (the few facilities available are dry: the underground aquifers are lowered significantly, and the excavations are no longer present in sufficient depth to reach the water ‘which increase every day), conflicts between communities’ due to the scarcity ‘of water are increasing, ever-worsening health conditions (please note that these communities’ are made for three-quarters of the elderly, women and children), the year the crops failed, livestock gets sick and Many animals have not withstood the drought ‘.

The initial idea was to intervene with this activity ‘emergency for only three months (During upcoming month of Ramadan), but given the situation worsening, and they’ decided to continue until December, and now considers it essential to continue August. Districts need to ‘multiply, while humanitarian aid and funds available are scarce, compared with the incessant increase of population in need of assistance.


S Xaflada Awdal State ee Paris 

Sheikh Sudais – Surah Al-Rahman (Beautiful Recitation)

Posted by giriyaadnews on August 1, 2011

Maskaxmaal Iyo Bandhiga Buugii Puting Africa Back To Work Ee Dr. Sulleiman Walhad

Posted by giriyaadnews on August 1, 2011

Posted by giriyaadnews on August 1, 2011

suldaan-abshir-muxumed-ducaale.JPG

Boorama-(Lug)-Xubno isugu jira aqoonyahanno iyo hogaamiye dhaqameedyo kanasoo jeeda degaanka Lughaya  ayaa diidmo ka muujiyey caleemosaarka suldan dhawaanta ama sannadkii hore degaankaasi lagaga dhawaaqay, isla markaana  sheegay in magacaabistii suldaankaasi aan loo dhammayn.

suldaan-abshir-muxumed-ducaale.JPG

Bayaan  ay kasoo saareen Boorama xubnahaasi, nuqul ka mid ahina isoo gaadhay ayaa u qorraa sidan : “Annagoo ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahannada Beesha Bahabar Muuse ee degaanka Lughaya, annagoo ka tarjumayna dareenka qaybo badan oo ka tirsan isla beesha  ee dalka gudihiisa  ,  waxaan  kasoo horjeednaa caleemo saarka Suldaan la sheegay in dhawaanta Degmada Lughaya lagaga dhawaaqay, magaciisana la yidhaa Abshir   Muxumed Ducaale  loona yaqaanno Abshir Xayd, kaasoo aanay Magacabistiisii beeshu u dhammayn, isla markaana ahaa mid qarsoodi  oo la afduubay.

Dareenka dhabta ah ee beesha, sidaa darteedna  ay magacabistiisu baalmarsanayd dhaqankii beeluhu ku dooran jireen cuqaasha msaladiinta iyo boqoradaba beeluhuna sida dhaqanka ah ka wadatashan jireen ,dadkana loosii dheegi jiray cidda la dooranayo, hase yeeshee magacabista suldaankaasi way ka duwanayd arrimaha dhaqanka ah maadaama qaybo ka mid beeshuna aanay raalli ka ahayn magacaabistaasi, magacaabistaasina ay abaabuleen shakhsiyaad ka mid ah Beesha, fadhigoodu yahay Hargeysa kuwaasoo doonayey in Abshir u noqdo afhayeenka beesha B/Muuse, una adeego danahooda, isla markaana beesha B/habar Muuse lagu cabudhiyo magaciisa, waxayna arrimahasi keeneen  khilaaf suurtagelin waaya caleemo saarka suldaankaasi oo dhawaanta ama horeba loo qaban lahaa .

 Waxaan talo ahaan soo jeedinaynaa waxgaradka beesha  Bahabar Muuse in haddii la isku dayo caleemo saarka suldaankaasi iyadoon laga wada tashan  ay talada beeshu faraha ka bixi doonto, ardaa kasta ooo ka tirsan Beelaha Bahabar Muuse, suldaan samaysan doonaan, suldaano badan iyo khilaaf kalena beesha saamayn doono, si talada beeshu u hagaagtana waxaan soo jeedinaynaa in beeshu isku timaaddo, kana wada tashato  cidda ay u dooran karayaan hogaanka beesha, lana joojiyo caleemo saarka suldaan Abshir  ee ay abaabulayaan shakhsiyaadkaan hore usoo sheegnay”

Waxa bayaankan ku saxeexan :

 1.    Prof.Aadan Diiriye Dixood

2.    Oday Xuseen Nuur Kooshin(Malow)
3.    Oday Muuse Ceelaabe Abaar
4.    Oday C/laahi Xasan Cali
5.    Chief Caaqil C/Kariim Maxamud Badmaax
6.    Xuseen Boqor Xaaji Cali

Soo Dhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Doodi Ee Mag. Jigjiga

Posted by giriyaadnews on July 31, 2011

UGAASKA BEELAHA SAMAROON UGAS CABDIRASHID UGAAS ROBLE UGAS DOODI OO SI HEER QARAN AH LOOGU SOO DHAWEEYEY DALKA ITOOBIA

Posted by giriyaadnews on July 31, 2011

undefined

Jijia(GARBOTIMES) Ugaaska Beelaha Samaroon ayaa maanta si heer qaran ah loogu soo dhaweeyey xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya ee Jijiga. Soo dhaweynta Ugaaska oo ay ka qayb galeen madaxda ugu sareysa K5aad ee uu horkacayey Madaxweynaha K5aad, golaha wasiiradda xukumada K5aad, xildhibaano iyo dadweyne aad u tiro badan oo safnaa hareerara dariiqyada Jijiga ayaa waxa kale oo kasoo qayb galay madax heer qaran ah oo ka timid magaalada Adddis . Dhinaca Saxaafada oo iyana aan u kala hadhin waxa joogay Tvga Qaranka dalka Itoobiya, Warbaahinta k5aad, iyo saxaafadaha madaxa banaan ee dalka ka hawl gala. GARBOTIMES oo goobjoog ka ahayd munaasibada lagu soo dhaweeyey Ugaaska Guud ee Samaroon waxay idiin soo gudbin doontaa wararka oo maqal iyo muqaal ah ee ha moogaan..

Posted by giriyaadnews on July 30, 2011

Wasiirka Awqaafta Iyo Arimaha Diinta JSL Oo La Kulmay Maanta Culimada Diinta Ee Boorama

Posted by giriyaadnews on July 30, 2011

Diyaargarowga Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Oo Si Wayn Looga Dareemayo Boorama

Posted by giriyaadnews on July 30, 2011

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

Khudbadii Prof. Saleebaan Axmed Guuleed Iyo Qalinjabintii 10aad Ee Jaamacadda Camuud

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

Daawo Muuqaalada Farxada Ardayda Qalinjabintii 10aad Ee Jaamacadda Camuud

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

qalinjabintii-10aad-ee-jam-camuud-1.JPG

 

qalinjabintii-10aad-ee-jam-camuud-2.JPG

qalinjabintii-10aad-ee-jam-camuud-3.JPG

qalinjabintii-10aad-ee-jam-camuud-4.JPG

qalinjabintii-10aad-ee-jam-camuud-5.JPG

qalinjabintii-10aad-ee-jam-camuud-6.JPG

qalinjabintii-10aad-ee-jam-camuud-7.JPG

Madaxwaynaha JSL Iyo Qalinjabintii 10aad Ee Jaamacada Camuud

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

Siiraanyo Oo Aroosay Gabadh yar Oo Reer South Sudan Ah Si U Ogaado Sirta Aqoonsiga

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

undefined

Axmed Siilaayo ayaa aroosey gabadh yar oo u dhaltey waddanka cusub ee South Sudan iyadda oo la sheegey in ujeedadda ka dambeysa guurkiisan cusub ay tahay siddii uu u ogaan lahaa Sirta Aqoonsiga,  Mr Siilaanyo oo dhalasho ahaan ka soo jeeda degaanka hoos yimaada gobolka Togdheer ee Geela aad looga jecel yahay ayaan la sheegin inta neef ee Geela ee uu ka bixiyey gabaatiga iyo yaradka gabadhaas uu haawaaseheeda ka baadhayo qaabkii ay Jamhuuriyadda South Sudan u heshey ictiraafka.

Si kastaba ha ahaatee waxey dadka badankoodu isweydiinayaa Somaliland oo 20 sanno aqoonsi u fuushey geed dheer iyo mid gaaban in immika aqoonsiga Somaliland lagga raadiyo guur cusub iyo gabadh reer South Sudan ah.

Daawo: Khudbadii Sh.Abdirahman Bashiir Uu Ka Jeediyay Xalay Maskiit Jaamaca Boorama Oo Dhamaystiran

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

New vidieo:UK minister of Africa Mr Bellingham has visited hargaysa Somaliland on 25/07/211

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

Isuduwaha waxbaraashada Gobolka Prof Dahir Maxamuud Xadi oo xilkii ku wareejiyey Axmed Cige Riraash

Posted by giriyaadnews on July 27, 2011

Mudane Axmed Cige Riraash

Mudane Axmed Cige Riraash

Borama(giriyaadnews)- Munaasibad weyn oo xilka agaasimaha guud ee wasaarada waxbasharada gobolka Awdal lagu kala wareegayey ayaa saaka ka dhacday magaalada Borama. Munaasibadan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka dibujedinta Somaliland, Wasiirku xigeenka waxbarashada iyo madaxkale oo ka kala socotey gobolka iyo degmada Borama.

Axmed Cige waxa uu hadda ka hore mudo badan magacalin ka ahaa wadanka Yemen waxana uu kasoo jeedaa beelaha Reer Yonis (Ree Nuur) . .

giriyaadnews Borama , Somaliland

Booqashadii Sheekha Wayn Ee Reer Djibouti Sh.Abdirahman Bashiir Ee Boorama Iyo Khubad Ku Saabsan Cibaadada Oo Uu Caawa Ka Jeediyay Miskiit Jaamaca

Posted by giriyaadnews on July 26, 2011

Qaylodhaan Abaareed Iyo Biyo La’aaneed Oo ka soo yeedhay Maayarka Degmada Baki

Posted by giriyaadnews on July 26, 2011

Posted by giriyaadnews on July 26, 2011

ma ogtahay dikada wayn ee jamuriyada djibouti inay ka mitahay ama hormood u tahay dikadaha geesaka afrika ama afrikada kale inteeda badanba

Posted by giriyaadnews on July 26, 2011

Kilooga Galayda ah oo Jijiga gaadhay 700 lacagta Birta Itoobiya

Posted by giriyaadnews on July 26, 2011

Jijiga(Harawo.org/saylac.com) Abaaraha ku habsaday geeska Afrika ayaa laga dareemay degaanka K5aad ee Itoobiya . Sicirbarar aan horey degaanka looga arag ayaa ka jira guud ahaan degmooyinka iyo gobolada uu Kililka shanaadi ka kooban yahay. Magaalada Jijiga oo ah xarunta laga maamulo K5aad sicirbararka raashinku wuxuu gaadhay 100% boqolkiiba boqol waxanad arkaysaa dadkii ay lacagtii mishaarada u qateeni waxba u goyn laadahay .

undefinedDegaankan oo ku caan ah waxsooraarka dhinaca beeraha sadexdii sano ee inaga tagtey waxa ka jiray abaaro aan mudo 60 sano ka yar hore loogu arag degaanka somalida Itoobiya. Suuqyada Jijiga raashinku wuxu waa gaabaabsi gaar ahaan raashinka maalin walba la cuno ee ay ka mid yihiin Galayda, Qabadiga iyo Hadhuudhka ama 

Shirweynihii Barakale oo ku dhamaaday Guul iyo Gole dhaqan oo ka kooban 37 oday dhaqameed oo ay Habarcafaan yeelatey Mashaa Allah

Posted by giriyaadnews on July 26, 2011

Shirweynihii Barakale oo ku dhamaaday Guul iyo Gole dhaqan oo ka kooban 37 oday dhaqameed oo ay  

Nuxurka khudbadii Sul. Dhawal ee Shirka xeego

Posted by giriyaadnews on July 26, 2011

Ma ogtahay in Jabuuti lagu sameeyey filimka Caalamiga ah ee “Planet of the Apes

Posted by giriyaadnews on July 25, 2011

Djibouti(giriyaadnews) Wali ma isweydiisay goobta lagu sameeyey filimka caalamiga ah ee aduunka sida yaabka leh usugayo oo la dhigi doono bisha Agoosto shanteeda sanadan 2011? Filimka waxa lagu dhigay  goob lagu magacaabo “Forbidden Zone” ama goobtii laga caagay oo runtii noqotey qaybta ugu xalada badan filimka isla markaana Blockbuster ka ka dhigtey filimkii ugu lacagta badan aduunka .

giriyaadnews ayaa safar gaaban ku kala bixisay goobtan si aanu warbixintan idiinka soo diyaarinayo. Marka hore goobta magaceeda dhabta ah waxa la yidhaa Lake Abhe ama hartii Abbhe waxayna ku taala xadka u dhexeeya Jamuuriyada Jabuuti iyo dalka Itoobiya . Goobtani waa degaan saxare ah waxa ka dhisan dundumooyin qayrul caadi ah oo dhererka ka batey waxa dega dadka Canfarta ah ee xoolo dhaqato ah .
Magaca waxa loogu bixiyey waxa deganaan jiray boqor Canfar ah oo loogu magacdaray waana degaan saxare ah marka laga reebo harta biyaha dhanaan ee ku dhacda ,waxayna isku xidhaa lix harood oo kale oo magacooda la kala yidhaa Hartii Gargoori, La’iitali , Gumaare , Baariyo iyo Harta Afambo . Lake Abbe waa halka uu ku dhamaado wabiga Awaash ee ka yimaada Itoobiya.
Mucjisada kale ee Hartani leedahay waxay tahay inay ku taalo halka culimada darista dhulku ku sheegtey inay goobtani  tahay badhtamaha sadexda qaybood ee dhulku ku kulmo.

Dadka reer Jabuuti intooda badani waxba kalama socdaan ahmiyada hartani leedahay dhinaca dalxiiska waliba dawlada Jabuuti wax horumarin ah oo dhinaca dalxiiska kama samayn. Dadka Canfarta ah ee degaankaa dega oo ay (giriyaadnews) wax ka weydiisay tariikhda Hartan ayaa waxay noo sheegeen jawaabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: in magaca Lake Abbe uu la micno yahay Hartii EEbe qaar kalena waxay noo sheegeen in boqor Abhe la odhan jiray oo canfari ahaayi uu meesha degi jiray halka qaar kalena ay noo sheegeen in degaankan uu ku badnaa dayeerka nuuc ka mid ah oo sida bani aadamka u eg sidaa darteedna markii Gumaystayaashii reer galbeedku yimaadeen ay magaca Lake Appe u bixiyeen..

Siduu doono magaca hartu ha u baxee waxaan xusid mudan in degaankani uu yahay dhul muxjiso badan leh markaad u eegto dhinaca muqaalka dhulka oo aad moodo dhul la rogay ama aduunyo kale ah sida meeraha loo yaqaano Mars oo kale .Ka dib markii filimqaadayaasha Maraykanku yimaadeen dhulkan yaabka leh ayaa waxay goosteen inay filimka caanka ah ee “Planet of the Apes” lagu sameeyo Jabuuti waxana lagu guulaystey in filimkani noqdo filimka Holywoodka ugu lacagta badan .

Hadaba waxa is weydiin leh dawlada Jabuuti ahmiyad ma siin doontaa dhulkan qaaliga ah si dalxiiska dalka Jabuuti uu u noqdo mid dadka filimkan daawaday iyo caalamka intiisa kaleba soo jiita dakhli weyna laga helo.

Daawo hordhaca Filimka oo la dhigi doono bisha danbe ee Aug 05,2011

New video: Daawo Quruxda Jijiga

Posted by giriyaadnews on July 25, 2011

Daawo Qaybta 2aad Barnaamijka Furitaanka Dugsiga Sare Ee Waabari Ee Mag. Boorama

Posted by giriyaadnews on July 25, 2011

Daawo Qaybta 1aad Barnaamijka Furitaanka Dugsiga Sare Ee Waabari Ee Magaalada Boorama

Daawo Qaybta 2aad Barnaamijka Furitaanka Dugsiga Sare Ee Waabari Ee Mag. BooramaPosted in July 25th, 2011by lug in News Comments OffBoqorka Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen( Dabshid) Iyo Boqorada Faadumo Xuseen MaxamedPosted in July 25th, 2011by lug in News Hooyo Khadra Cabdiraxaan Awcali Nimco Cabdiraxaan Awcali Xaliimo Cabdiraxaan Awcali Dhuux Cabdiraxaan Awcali Ruun Cabdiraxaan Awcali Continue reading this post… Comments OffDaawo Qaybta 1aad Barnaamijka Furitaanka Dugsiga Sare Ee Waabari Ee Magaalada BooramaPosted in July 25th, 2011by lug in News Comments Off93 Maamulayaasha Dugsiyada H/Dhexe Ee Dalka Oo Shahaadooyin Lagu Gudoonsiiyay Jaamacadda Camuud

Posted by giriyaadnews on July 25, 2011

Habeenka Dhaqanka (Culture night) Ee Jaamacadda Eelo Ee Sanadkan Oo Si Fiican U Qabsoontay

culture-night-for-eelo-au-1.jpg

Xafladda dhaqanka ee Jaamacadda Eelo oo ah tii sedexaad ee nooceeda oo kale ah ee ka qabsoonta jaaamacadda oo ay soo qaban qaabiyeen golaha ardayda ee jaamacadda
ayaa ka dhacday hotel rays habeenkii jimceed 21 July.

culture-night-for-eelo-au-1.jpg

Xafladan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxyaabihii lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa gabayo, ciyaaraha dhaqanka sida wilwilaha iyo sayliciga, heeso, cunto wadani aad u macaan oo marti sharafta loo qaybiyay, iyo khudbado kala duwan oo ka waramaya dhaqanka oo ay soo bandhigeen khubaro ka kala socday dalka Djibouti, USA iyo dalka gudihiisa.

culture-night-for-eelo-au-2.jpg

Ugu horayn waxaa xafladda furay gudoomiye ku-xigeenka gobalka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo u hambalyeeyay Jaamacadda iyo heerka ay kaga jirto horumarinta dhaqanka.

culture-night-for-eelo-au-3.jpg

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay khabiir ka socday machadka  bulshada iyo cilmibaadhista afafka ee dalka Djibouti Mudane Siciid Ahmed Warsame oo isaguna ka waramay muhiimadda afka soomaaligu uu ku leeyahay horumarinta dhaqanka soomaaliyeed.

culture-night-for-eelo-au-4.jpg

Waxaa iyaguna halkaasi kasoo jeediyay gabayo afsoomaali ah iyo heeso macalimiinta ajnabiga ah ee jaamacadda oo ka kala yimid Kenya iyo Bangladesh.

culture-night-for-eelo-au-5.jpg

Sidoo kale waxa isaguna taariikh kooban ka bixiyay jaamacadda Eelo iyo xafladan dhaqanka madaxa jaamacadda Dr. Maxamuud Xuseen Cigeh oo isaguna u hambalyeeyay ardayda jaamacadda iyo kuwa sanadkan kasoo baxay dugsiyada sare oo iyaguna qayb ka ahaa martida joogtay xafladda.

culture-night-for-eelo-au-7.jpg

Ugu danbayntiii waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaadooyin ardayii ka qayb gashay tartamadii ciyaaraha ee ka qabsoomay jaamacadda semistarkan.

culture-night-for-eelo-au-6.jpg
culture-night-for-eelo-au-8.jpg
culture-night-for-eelo-au-9.jpg

Anders Behring Breivik, the suspected perpetrator of Norway attacks

undefinedAnders Behring Breivik (born 13 February 1979) is a Norwegian citizen and the suspected perpetrator of the 2011 Norway attacks, although it is not yet known if he acted alone. On 22 July 2011, he allegedly approached a Labour Party youth camp on Utøya island, posing as a police officer, and then opened fire on the adolescents present, reportedly killing at least 85. He has also been linked with the bomb blasts which had taken place approximately two hours earlier in Oslo. He was arrested on Utøya, and is currently in police custody. Following his apprehension, Breivik was characterized by officials as being a right-wing extremist.

According to Reuters and the BBC, deputy police chief Roger Andresen described the suspect as a “Christian fundamentalist”.He was also reportedly a former member of the Progress Party.According to the newspaper Verdens Gang, he has no previous history with the police, apart from traffic violations. According to the same source, Breivik has a Glock pistol, a rifle and a shotgun registered to his name. Breivik moved in late June or early July to the rural small town of Rena inÅmotHedmark county, about 140 km (86 miles) northeast of Oslo,where he operated a farming sole proprietorship under the name “Breivik Geofarm” According toReuters, a farming supplier had sold to Breivik’s company six tonnes of fertilizer in May. Fertilizer can be used to produce fertilizer explosives.

undefined

Winehouse, whose drink and drug addictions overshadowed her sultry musical talents, was found dead at her London flat on Saturday. She was 27.

The Grammy award-winning soul singer, with her trademark beehive hairstyle, battled with her demons as documented in her biggest hit single “Rehab”. Her death is being treated as unexplained, police said.

Friends and fellow stars voiced their shock and sadness at her death, while fans began to gather and lay flowers candles and teddy bears at the police cordon outside her home in Camden, north London.

A London Ambulance Service (LAS) spokeswoman told AFP they were called to her home at 3:54 pm (1454 GMT) and sent two ambulance crews which arrived within five minutes, plus a cycle responder and a duty manager.

“Sadly the patient had died,” the spokeswoman said.

Amy Winehouse singing in Nelson Mandela’s birthday

xal u helida dhibaatada soomaaliya

undefined3undefined4undefined

Latest video from Mogadishu, June 21

Daawo Dareenka Culimada Iyo Oday Dhaqameedkii Kale Ee Lagu Marti Qaaday Xidhitaanka Shirkii Xeego

halkani ka dhagayso sabootigii ugaaska beelaha gadabuursi samaroon saciid iyo heestii cusbayd ee ugaas dhagaysi wacanka

I saw the king, I have seen the light‏

undefinedBy Fathi Abdi (Bahda Gadabuursi -Birmingham)

Yesterday;  (Mohamed jibril, Ismail yooh and myself)  made the decision to travel to London in order to see the Gadabursi ugaas ( Ugaas Abdirashid ugaas Robleh Ugaas Dooddi). I have never seen before our Ugaas and not had the opportunity to do it so before. Ugaas Abdirashid did come to London (last year) and it was unfortunate for all us who wanted to see the ugaas. The reason being there was no information prior to his arrival hence to some of us only realised when we saw the conference on Somalis TV. The ugaas has come and left last year without our knowledge.

Daawo Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Barakaale Ee Xeego Iyo Nuxurka Khudbadii Xog. Cabdilaahi Dheere

TACSI GEERIDA FANAANADII QARAN EE KA MID AHAYD HOBOLADII WAABARI KINSI XAAJI AADAN OO KU GEERIYOOTAY MAGAALADA HARGAYSA INAANILAAH WA INAA ILAYHI RAAJACUUN

undefined

 undefinedIlaaha Raxmaanka iyo Raxiimka Waxan ka baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo Fannaanadii aynu wada jeclayn ee KINSI X.AADAN, oo dhawaan ku geeriyootay Hargeysa. Qooyskeeda, ehelkeeda, qaraabadeeda iyo guud ahaanba fannaaniinta qaranka Soomaaliyeed iyo dhammaanteenba Ilaahay ha inaga siiyo Samir iyo Iimaan.  Murtidii iyo muuqii iigu danbeeyay ee ku xasuusto KINSI waxay ahayd shirkii nabadaynta Soomaaliyeed ee ka dhacay CARTA-Djibouti 2000, iyo heestii  Maxaan Xabadeey ku Nacay.  Iyada iyo fannaaniinta kale ee ka qayb galay shirkaas ee ku jira isla heestaas, oo qaarkood iyaguna dhinteen, Ilaahay ha u naxariisto: Dheehasho wacan iyo duco Da’ weyn, Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun: Somalia face devastating hunger

New Video:Awdal State oo ciyaaraysa Ciyaarta Wilwilaha

Qarnigii 9aad surinkuu Jacaylku Soomali kaga yimid Saw Saylac Ma’ahayn  Xasanow la isku hayo in saylac tahay surinka ay inooga yimaadeen xadaaraa, Diinta Islaamka iyo fankuba , Waadse ku mahadsan tahay inaad gayiga soomaliyed mar labaad xusuusiso qiimaha Saylac leedahay..

Muqisho(giriyaadnews)/Wagacusub)-Ra’isulwasarre Cabdi Wali Gaas ayaa markii ugu horeeysay magacaabay Wasiiru doowlayaal iyo Wasiiro ku xigeeno uu ka soo dhexmuuqdo Aas aasihii Awdal State Proff Xaamid Sheekh Cali Maasheeye.

1-Mudane C/casiis Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha.
2-Mudane Prof: Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
3-Mudane Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
4-Mudane Maxamed Maxamuud Aadan Indha geelle Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
5-Mudane Sheekh Aadan Maxamed Deer Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta .

6-Mudane Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.
7-Mudane Maxamed Axmed Kaynaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha.
8-Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha.
9-Mudane C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.

10-Mudane Axmed C/laahi Xuseen Fanax iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Garsoorka arimaha Diinta iyo Awqaafta.
11-Mudane C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
12-Mudane Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.
13-Mudane Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
14-Mudane C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
15-Mudane Cali Dirir Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta.
16-Marwo Luul Cabdi Aadan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska.
17-Mudane C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
18-Mudane Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Caafimaadka.
19-Mudane C/laahi Bille Nuur Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.
20-Mudane Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada,Dhalinyarada iyo Isboortiga.
21-Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan Wasiir ku-xigeenada Kalluumeysiga,kheyraadka Badda iyo Bay,ada.
22-Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka,dhulka iyo Dekedaha.
23-Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta.
24-Mudane Xareed Xasan Cali Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud,guryeynta iyo Dib u dhiska.
25-Mudane C/laahi Dool Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Batroolka.
26-Mudane C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare.
27-Mudane Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

New video:Imaatinka Taliyaha Ciidada Boliska Xukumada Silaanyo waa cabsi galin dadka reer laascanood

Talihihii hore ee Ciidamada Booliska Xukumada Silaanyo Cilmi kabaal ayaa dhawr jeer ka dhega adaygay Amar Silaanyo ku amrey inuu Laascaanood socdaal dhoola tus ciidan ah u tago . Cilmi Kabaal amarkaas wuxuu ka doorbiday in jagada laga xayuubiyo wayna dhacday . Saqadhi ayaa gacanta taagay isagoo Silaanyo ugu balan qaadey inuu amarkaas fulin doono waana sababta socdaalkani ku saabsan yahay . Shacabka waxa lasoo bandhigay hadalo macaaan lakiin Saqadhi hadalada uu kula hadalay reer Laascanoon waxa ka mid ahaa ” Hadaad colaad doonaysaan cidhibtiina ayaa la waayi doonaa hadaad nabad doonaysaana cidi wa 

compare somalia situation to Ghana Tourism sector

The head of the League for Human Rights in Djibouti (LDDH) came to Canada for a visit

1

New video :Aljazeera reports from drought in Somalia

Video :Daawo Quruxda Guryaha Ka dhisan Borama

Aminarts: Magacaabista Wasiirada Xukuumada KMG Somalia

aminarts.jpg

Hargeysa-(giriyaadnews)-Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay soo dhamayteen socdaal qaatay muddo afar maalmood ah oo ay ku tageen dalka Jabuuti.

Weftigan waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo Dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Md. Xasan Cabdi Cawad.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka hadlayay natiijada socdaalkooda markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa waxa uu yidhi “Waxaanu Jabuuti ku tagnay martiqaad rasmi ah oo aanu ka helnay Wasiirrada maaliyada iyo ganacsiga Jabuuti, waxaanu masuuliyiinta dalkaasi ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga labada wadan, iyo in wax laga badalo dhibaatooyinka dadka ka haysta xuduuda Lawyacado oo dadka labaca dhinac u socda loogu sahli lahaa safarkooda,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Eng. Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu isla soo qaadnay Ganacsiga Jabuuti iyo Somaliland iyo Mashruucii Berbera Coori-door, dhismaha wadada u dhaxaysa Saylac iyo Jabuuti sidii wax looga qaban lahaa arrimhaasi ayaanu u tagnay si wanaasana waana loo soo dhaweeyey.”

Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay inay ka wada hadleen sadex qodob oo ay ugu muhiimsanayd kor u qaadista Ganacsiga labada dale e Somaliland iyo Jabuuti.

“Waxyaabihii aanu ka wada halnay masuuliyyintaasi oo ahaa kor u qaadista xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga Amniga inkastoo aanu wasiirkii ammaanku nala socon haddana anagaa matalayney, qodobka labaadna waa kobcinta Ganacsiga labada dal, iyo ugu dambaytii in la fududadiyo isu socdoka labada dal.”

Raashin Deeq Ah Oo Loo Qaybiyay Dadka Abaaruhu Taabteen Ee Deg. Baki

goal.jpg

Boorama-(giriyaadnews)-Ciyaar kale oo aad u xiiso abadan ayay galabta la yeesheen ciyaaryahanada kooxda Blue Sky Photo ee Magaalada Boorama kooxda kubada cagta ee Dawlada Hoose ee Magaalada Hargaysa. ciyaarta oo ka dhacday garoonka kubada cagta ee magaalada Hargaya ayaa waxa ay ahayd mid aad u xiiso badan isla markaana  ay daawashadeeda goob joog u ahaayeen dadwayne aad u tiro badan.

Ciyaarta oo ku bilaabatay jawi wanaagsan ayaa intii ay socotayba waxa ay ahayd mid ay aad u gacan sareeyeen ciyaaryahanada kooxda Blue Sky Photo ee magaalada Boorama, waxana ay garoonka dhexdiisa kubada u maamulayeen inta badan sida ay ugu talo galeen.

Qaybtii  dambe ee ciyaarta ayaa waxa gool xiiso badan u dhaliyay kooxda Blue Sky Ibraahim Siciid Daahir uu noqday goolka kaliga ah ee ay guushu ku raacday ciyaaryahanada kooxda Blue Sky Digital Photo.

Maamulaha Blue Sky Digital Photo Cabdiqaadir Xuseen Khaliif oo la soo xidhiidhay shabakada Lughayanews ayaa markale u hambalyeeyay kooxda guud ahaan iyo maamulkeedaba waxana uu balan qaaday in ay si balaadhan ugu soo dhawayn doonaan kooxda magaalada Boorama.

kooxda kubada cagta ee Blue Sky ayaa safarkeedan ciyaareed ee ay dalka ku soo martay waxa ay natiijooyinkoodu kala haayeen sidan:

Blue Sky D. Photo o :  Burco 0
Blue Sky D. Photo 2 :  Berbera: 1
Blue Sky D. Photo 1 :   Hargaysa 0

Daawo Biyaha Iyo Saamaynta Nolosha Ee Dooxa HOG Ee Degaanka Cali Xaydh

xasan-ciid.png

Boorama-(Lug)-Waxa salaasadii aynu soo dhaafnay ee bishu ahayd 19/07/2011 Ka degay Magaalada Toronto ee dalka Canada Badhasaabkii cusbaa ee Gobbolka Awdal Xasan Daahir Xaddi,waxaan Uu Isla Xalayba Soo galay Magaaladan Ottawa Isagoo Kusoo Degay Dad Ay Qaraabo Yihiin.

Badhasaabka cusub Xasan Daahir Xaddi (Xasan Ciid)   oo laba wiig ka hor xilka maamulka gobolka kala wareegay badhasaabkii hore ee gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle ayaa haatan ku sugan magaalada Ottawa ee dalka Canada, isagoon weli fadhiisan xafiiskii uu la wareegay kaddib markii uu fiiso deggenaansho ah ka helay dalka Canada .

Inkastoo wararka qaar sheegeyaan inuu badhsaabka cusubi kusoo laaban doono  xilkii  gobolka ee uu la wareegay, isla markaana xukuumadda sare siisay fasax  uu  kagasoo noqon karo dalka uu u guuray, hase yeeshee warar aanu ka helnay dad qaraabadiisa ah ayaa noo xaqiijiyay inuuna ku soo laaban doonin gobolkii dhawaanta loo magacaabay.

Maqnaanshaha badhsaabka gobolka Awdal iyo xil ka qaadista badhasaabkii hore ayaa keenaysa in gobolkani maamul la’aan sii ahaado ilaa wakhti aan la ogeyn, inkastoo u xilkaasi sii hayo badhsaab kuxigeenka gobolku..

 Kooxda Kubada Cagta Ee Blue Sky Digital Photo Ee Boorama Oo Ku Barbaratay Kooxda Dekeda Berebera Maanta

Isbedelkii Kulmiye muxuu keenay ? Dil toogasho iyo xasuuq loo geysto dadka shacabka ah

undefined

Somali Girl Shot by Somaliland Police in Hargeisa

Hargysa,(Qaran news) Sawirkani waa Ayaan Saleebaan Cali Nuur, oo muwaadinad Somalilander ah kuna nool magaalada Hargysa, gabadhaasi yar ayaa ciidamada booliska ee xukumada Siilaanyo ay shalay si axmaqnimo ah ugu toogteen magaalada Hargysa.

Todobaadkii horana waxa ay ciidamada boolisku ay 10 xabadood ku dhufteen oo isla markiiba geeriyooday wiil 30 jir ah oo ku noolaa xaafada New Hargysa wiilkaasi oo la odhan jiray Xariir Cismaan Cawaale marxuumkaasi ayaa lagu aasay xabaalaha naaso hablood ee magaalada Hargysa.

Madaxda iyo madaxweynaha hada ee Somaliland ayaa xukumadihii hore ku dhaleecayn jiray in ay xuquuqda shicibka meel kaga dhacayaan,xiligii ay mucaaridka ahaanjireen, hase ahaatee waxa xaqiiq noqotay in xukumadani ay tahay tii ugu xadgudubka badnayd ee soo marta Somaliland.oo shicibka masaakiinta ah ku haysa xasuuq

Isla markaasina dhiigii shacbigii soo doortay ay daadinayso, xagii wax qabad laga sugaayay ay xabad la dhacday oo ka dhigtay wax ay dhaawacday iyo wax ay dishay.

Labada masuul ee dilalkan ugu danbeeyay hay’adaha xuquuqal iinsaanku ay kala xisaabtami doonaana waa wasiirka arimaha gudaha iyo badhisaabka gobolka Hargysa ee maroodi jeex Mr Xamarji

Dilalka noocani ah ee ay xukumadda Silaanyo ku haysa shicibka ayaa waxa aan haba yaraatee ka hadlin hay’adihii xuquuqal iinsaanka ee qaylin jiray iyo saxaafadii afka dheerayd ee umada iyo qaranimada Somaliland u adeegi jirtay oo hada cadaatay uun in ay xisbi u adeegayeen markii jagooyinkii dawlada lagu taxayna ka aamusay xasuuqa umada

Video :Daawo Quruxda Guryaha Ka dhisan Borama

 

New Video :Braking News!! UN to declare famine in Somalia

New Video :Braking News!! UN to declare famine in Somalia

Muqdisho:- (Camuudnews) – Ra’iisal Wasaaraha DKMG ee Somalia Dr. Cabdiwali Cali-Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay golihiisii wasiirada oo ka kooban 18 wasiir oo dhamaantood wada cusub.

Magacyada wasiirrada iyo xilalka loo kala magacaabay qeybta hoose ka akhriso.

1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) – Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta

2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim – Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda

3- Mudane Xuseen Carab Ciise – Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

4- Mudane  Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif – Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle – Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.

7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil – Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska,

8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha

9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

10- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Axmed – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta

11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal – Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga

12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Deegaanka

13- Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda & Dekadaha

14- Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta

15- Mudane Jaylaani Nuur Iikar – Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska

16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow – Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka

17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.

18- Madane, Cabdullaahi Goodax Barre – Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamig

Waxgarad Iyo Aqoonyahano Ku Nool Waddanka UK Oo Taageero Weyn U Fidiyey Shirweynaha Barakaale Ee Ka Socda Degaanka XEEGO

undefinedDhammaan dadkan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin oo ka mid ah aqoonyahanadda, indheergaradka iyo waxgaradka qurbo jooga ah ee ku nool waddanka UK isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeedo goboladda Awdal, Salal, Gabiley iyo Harowo (Killilka 5aad) waxey hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Shirweynaha Barakaale ee dhawaan ka furmey degaanka Xeego oo ka tirsan degmadda Baki ee Gobolka Awdal kaas oo ay isugu yimaadeen Beel ka mid ah Beelaha waa weyn ee Samaroon.

 Shirkan oo aan taageero weyn u fidineyno ayaa marka hore Rabbi SWT ka baryeynaa in uu ka yeelo shir midho dhala oo hadafka iyo ujeedadda la isugu yimid noqdaan kuwo hirgala oo wanaag iyo hannuun lagga dhaxlo, Sidoo kale waxaan xubnaha shirka soo qaban qaabiyey ee uu kow ka yahay Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal uggu baaqeynaa oo aan ku boorineynaa in shirkaasi noqdo mid Ummadda Samaroon u horseeda horumar balaadhan oo wax ku ool ah isla markaana go,aamadda shirkaas ka soo baxa noqdaan kuwa farxad iyo dareen wanaagsan ku abuura dhammaan Bulshoweynta Beelaha Samaroon ee u hanqal taagaya go’aanadda shirka ka soo bixi doona taas oo laggu wadda rajoweyn yahay in ay go’aanadaasi uggu horeyn doonaan midnimo iyo wax wadda qabsi ay weheliso jaceyl iyo walaaltinimo Tolleed.
Uggu dambeyntii haddii aan nahay qurba Jooga ka soo jeedda goboladaas aan magacyadooda korka ku soo xusney waxaan gacno furan iyo niyad saafiya ku soo dhaweyneynaa Cid kasta oo wanaag iyo horumar la rabta gobolada Awdal, Salal, Gabiley iyo Harowo (Killilka 5aad).
Xubnaha Taageeradda Shirka Barakaale Diraya.
1- Axmed Ibraahim Taani
2-Caydiid Xaaji Daahir Cilmi
3-Bashiir Maxamuud Yuusuf
4-Ahmed Jamma Ibraahim
5-Abdiraxmaan Cabdilaahi Jimcaale
6-Idiris Maydhane Warsame
7-Maxamed Xassan Sh.Muumin
8-Abdiraxmaan Cumar Bileh
9-Cabdi Weyne
10-Abdiraxmaan Jirde
11-Maxamed Xirsi
12-Haaruun Sh Cabdiraxmaan
13-Muuse Barkhad Qayaad
14-Cabdilaahi Kaahiye
15-Aadan Ahmed Diiriye
16-Nuur Xuseen Fariid
17-Xaaji Maxamed Xuseen
18-Dr Maxamed Xaddi
19-Sh Cabdiraxmaan Warfaa.

Bulshooy Hadaad run u ciil-qabtaan Si aad uga ciil baxdaan Ka baadha camuudnews(Abwaan Budin)—Nagala So Xidhiidh Emailkan camuudnews@gmail.com Haddii Aanahay Dadweynaha Ku Nool Magaaladda Borama Idaacada Awdalstate Dhageysigeedu Wuuna Deeqey Oo Waan Ku Diirsaney Ee Halkaas Warbaahinteenu Ha Ka Sii Socoto. By: Xasan Cabdi Nuur

Aniga oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan magaalada Borama waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dadkii ka soo sheqeeyey in ay hawada soo gasho idaacada Awdalstate, runtii waxaan taageero weyn u haynayaa maamul goboleedka Awdalstate oo ah mid aan xaq u leenahay in aan aayahayaga aan ka tashano maadaama aan nahay umada mabda,ahaan ka mid ah walaalaha kale ee Soomaaliyeed.

Waxaa nolosheyda igu farxad badney habeenkii aan dhageystey Idaacada Awdalstate oo ah mid aan hiil iyo hooba la garab joogno, runta markaan ka hadalno gobolada awdal iyo salal waxey dhinaca warbaahinta saaran cadaadis xoog leh lama ogola in caasimada awdalstate ee borama idaacada ama telefishan yeelato laakiin waxaa wax ilaahey loogu mahad naqo ah aqoonyahanada iyo dhalainyarada firfircoon ee idaacadaas hawada nooga soo laliley, aad iyo aad baan ugu diirsaney dhageysigeeda waxaan idinku boorineynaa in aad barnaamijyo guugaabo ah aad hawada noo soo marisaaan oo dadka Awdalstate ee gudaha ku sugan sida aniga oo kale aad la socodsiisaan halka ay waxmarayaan.

Walaalayaal weynu guuleysan doonaa waxaa kale oo nagu maqaalo ah in dhawaan lagu dhawaaqayo maamulkii dawlada kaasna waxaan ku faraxsanahay waanan soo dhaweyneynaa waxaanan ilaahey ka baryeynaa in uu inoo dhibyareeyo hadafkeena himiladeenana ka yeelo mid rumowda, waxaa maanra wax lagu farxo in dhamaan da’yarta reer awdalstate gudo iyo dibadba isku xidhan yihiin taasna ilaahey baan ugu mahadnaqeynaa.

Idaacada awdalstate waan ku diirsaney waxaan leenahay ku farxow noolow ka naxow nafta waa.

Badhsaabkii Cusbaa Ee G/Awdal Oo Ka Dagay Canada Iyo Wasaarada Daakhiliga Oo Cudur-daar Aan Sal Lahayn U Samaysay Maqnaashihiisa

Boorama-(giriyaadnews)-Wararka ku saabsan meesha uu ku dambeeyay badhsaabkii cusbaa ee G/Awdal loo magacaabay ayaa aad isu soo taraya, waxana jira warar badan oo dhinacyo kala duwan ka faalaynaya meesha uu waqti xaadirkan ku dambeeyay Mud. Xasan Daahir Xadi.

Shabakada wararka ee Lughayanews wararka ugu  kalsoonida badan ee ay ka helayso ilo lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya inuu Mud. Xasan Daahir Xadi ka dagay dalka Canada kadib markii uu helay fiise uu dalkaas ku galo, waxa kale oo iyadunajirta warar kale oo kuwan ka ag dhow oo sheegaya inuu Mud. Xasan Daahir Xadi ku sugan yahay magaalada Adisababa isaga oo sii wata safarkiisa uu ku tagayo dhinaca dalka Canada.

Dhinaca kale wararka uu siiyay wargayska Geeska Africa Agaasimaha Guud ee Wasaarada daakhiliga ayaa waxa uu sheegay inuu ku maqan yahay dalka Djibouti oo uu u tagay mudo 7aad ah sidii uu u dhoofin lahaa gabadh uu dhalay.

Sikastaba ha ahaa waxa hubaal ah in ilaa hada ay jagada badhasaabnimo ee gobolka Awdal tahay mid banaan isla markaana ay maantaba suuqyada Boorama ku baaheen hadal haynta cida dambe ee loo soo magacaabayo xilkaasi

Wasiiro Xukumadaha Djabuuti iyo Somaliland Ka Socda Oo Ku Kulmay Magaalada Lawyacaddo Maanta

Boorama-(Lug)-Wasiiro ka socda Somaliland ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Maaliyada ee dawlada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale magaalada Lawyacaddo ee degmada Saylac,  xubnaha wasiirada ee Somaliland oo kala ah Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi iyo Wasiirka Ganacsiga C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad.

Weftigan labada dhinac ka socda ayaa ka soo kicitimay dhanka Magaalada Jabuuti, taas Weftiga Wasiirada Somaliland socdaal ku joogeen maalmahan dalka Jabuuti , isla markaana wadahadalo kula soo qaatay Wasiirada xukuumada Jabuuti dhanka caasimada Jabuuti, ka dibna waxay isla qaateen in dhanka magaalada Lawyacaddo ee xuduuda Somalilandna ay ku kulmaan, taas oo ay maanta ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo dawlada Jabuuti, waxa kale oo ay isla soo qaadeen isku socodka labada dhinac iyo sidii Amaanka loo sii adkayn lahaa.

Sidoo kale sida ay shabakada Lughayanews u xaqiijiyay Gud/Ku/Xigeenka Deg. Saylac Cismaan Muumin Caare waxa ay waftigaasi soo gaadheen magaalada Saylac iyaga oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay waxana ay kulan la yeesheen maamulka heer gobol iyo heer dagmo iyaga oo kala hadlay dardar galinta hawlaha dhinaca mashaariicda ee gobolka iyo degmada ka socda.

Video: Buraanbur yaableh oo ay tirisay Fadumo Muxumed Sacad

New video:Socdaalkii Axmed Silaanyo ee Koonfurta Sudan iyo Madaxdii uu la kulmay

 

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: