sheekh shariif sheekh axmed iyo  waraysigiisii halkan kala soco

undefined Madaxweynuhu waxa uu wareysigan kaga hadlay arrimaha ammaanka, khilaafka dawladda, magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo qodobo kale.

Wareysiga oo dhamesytiran qeybta hoose ka dhageyso.

Daawo Xafladda Koonfurta Sudan

undefined
July 12, 2011 — giriyaadnews

 aniga iyo nin aan asxaab nahay safar gaaban ku tagnay magaalooyinka Arabsiyo ,Gabiley iyo ,Tog-wajaale. Dhulku waa degaan quruxdiisa iyo baaxadiisuba ballaadhan tahay,oo barwaaqo ah guud ahaan. Waxaan salaadii casar ku tukannay Masjid ku yaalla magaalada Gabiley,Ka dibna waxaanu lug ku soo marnay magaalada gudaheeda oo aan si daaba u kala fogeyn.Waxaanu fadhiisanay makhaa yad aan ka fogeyn halka ay ka baxaan gawaadhida u kal baxda magaaloyinka kale,oo aanu shaah ka qabsannay. Miiska nagu xiga, waxaa fadhiya niman dhalin yaro ah iyo niman odayaal waayeel ah.Waxaa dhagahayaga ku soo dhacaya,hadalo ay ka mid yihiin ,”Reer BUULLE,iyana isuma roona,Gobolkina faxeexad iyo ceeb bay u soo jiideen,” Muddo markii sheekadii ay sii wateen,ayaa nin markaa intii meesha fadhisay ugu da’ weynaa, qiyaastiian aan ku sifeyn karo illaa 79 sanno ku dhawaad ayaa yidhi,waar dhageysta: “Beeshan degaankan Gabiley degtaa,horena adeer umay talin jirin,dagaal meel ay weligeed ku gashaynna bal qabsoo lama sheegin,waqtigii 80 naadii ee xaaladda adag lagu jirayna, ee umadda la xasuuqayayayna,ayaa Siyaad Baree wefti ka socday, oo Muuse Rabiilana ka mid ahaa, ayaa yidhi maxaan idiin qabanna reer Gabilayaaw,ee aad maanta Dawlada ka codsan lahaydeen. Waxay ugu jawaabeen “Noo dallacsii Badhasaabkii BUULLE (MAREEXAAN )ee Gobolka ka talin jiray.Muddo yar ka dib,waa la dalac siiyey BUULLE , ka dibnna gabdh yar,oo reer Gabiley ah (Reer Dalal), oo 16 jir ah , oo reerkooda la wada yaqaan,ayay BUULLE,oo ahaa oday Aabaheed ka weyn, hilibkeedii u wadheen , una Arooseen,taana ceebtii ka raacday waatii la ogaa. Waxaad kale oo aad ogeydeen , Badhsaabkii xilka laga xayuubeyey ee Rashiid Sh.Cumar Sheekh Muxumed (Rashiid-Xaraaro), ceebta uu ka sameeyey Gobolka,ee umaddii dabka dhex dhigay, ee isnna halkaaka baxay. Badhasaabka habeenka madaw la soo magacaabayna,Cali Aw Adan Meecaad, waa kii dhgar qabe Maxamed Xaashi Gaani, u soo basaasi jiray,cidda SNM ah, cidda taageersan,ee loogu abaal guday inuu Hawlihii Maraakiibta ee Berbera loo dhiibo. Waqtigaa uu haystaynna,aanu cid kale aanu shaqo siin jirin,oo aan ahayn lafta hoose ee uu isagu ka soo jeedo mooyaane,oo aanu Dalalka kale,albaabka ka furi jirin. Waxaa kaloo jirta, in walaashii ,Safiya Aw Aadan Meecaad, oo ahayd islaantii durbaanka sidan jirtay ,ee Gabiley gudaheeda dadka dhibi jirtay,ee guryaha ku garaaci jirtay,ee soo baxaay,soo baxaay Hanuuntii baa la idinka rabaa,ee dumarka diidana odhan jirtay Siyaad Barre ayay diiday inay u heesto ,ee Askarta farta ugu fiiqi jirtay,iyadiina maanta madax gabiley looga dhigay. Intaas oo arrimood ayaa Gabiley ka jira,waan ta maanta Gobolkii hore u mari laayahay. Nin dhallin yaro ah,ayaa yidhi Awow maxaa markaa Gobolka u dan ah ee la yeeli karaa. Odaygii wayeelka ahaa wuxuu ugu jawaabay,waa in dadka Gobolka degani talo isugu yimaaddo ,oo is wareystaan. Mid kale ayaa yidhi, maadaama adigu aad tahay Nin weyn ,oo soo jireen ah,taariikh badanna soo maray, maxaa adigu ku talin lahayd.wuxuu odayggii ku jawaabay,anigu waxaan odhan lahaa: 1-Xarunta Maamulka ha loo raro Bustaanadii Arabsiyo dhexdooda iyo Hoygii Mujaahid Xasan Yoonis Habane 2-Maamulkana ha loo dhiibO Nimankii waligoodbba talin jiray , ee Colaad iyo Nabadbba lagu majiiran jiray , ee Reer Yoonis Jibriil (REER YOONIS GAALAAD). Markuu odaygii hadalkisii dhameystay,ayaa nin da’diisu tahay meel dhexaad ayaa yidhi, oo Adeer Beeshayada Reer Xareed , halkeed ku tiirisay ? Odaygii waayeelka haa intuu yara aamusay ayuu yidhi, “Idinka waxaa gacanta idinku haya Reer BUULLE (Reer Dalal), talo aanay idiin goynna kuma meel martaan, dhexdiinana jilibba gooni buu u shiraa,taasina waa la ogyahay, markaad keligiin meel martaan ayaa la sugi.” Odyagii waayeelkaa intuu bakooradiisii gacanta ku dhigay buu hadalkiisii ku soo dhammeyey,”Reer Buulle (Reer Dalal) ,iyana isuma roona,Gobolkii Gabileyna Ceeb iyo fadeexad bay u soo jiideen” Xasan Nuur
July 12, 2011 — giriyaadnews

1-07-2011

Xasuuqii Iyo Xuskii Sanad Guuradii Labaad Ee Dhacdadii 7/11

11kii Juulaay 2009 waxay aheyd maalintii murugada laheyd ee la dilay afarta muwaadin ee safarka ahaa, laguna laayey jidka weyn ee u dhaxeeya Hargeysa iyo Boorama. Dhacdadaasi oo la magac baxday 7/11 waxay ku qoran tahay xusuus qorka dhamaan wixii daneeya nabada una ololeeya xuquuqda aadamaha.

 

Ururweynaha ARDAA  oo ah hey’ad samafal, lehna waax u dooda xuquuqda aadamaha, waxay maanta oo taariikhdu tahay 7/11/2011 xasuusanaysaa ooy xusaysaa sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii afartii muwaadin ee ku nafwaayey dhacdadii 7/11 oo kala ah:

 

1.                  Cali Maxamuud Nuur (Bagaashle)

2.                  Cali Aw Cumar Barre

3.                  Mowliid Xassan Cumar

4.                  Daa’uud Xaashi Jaamac

 

Ururku wuxu ka  codsanayaa dhamaan bulshoweynta nabada jecel meel kasta ooy joogaanba iney nagala qaybgalaan xusuusta iyo xuskani sanad guuradii labaad ee dilkii ku caanbaxay 7/11, wuxuna ururku ku boorinayaa dhamaan mareegaha, iyo wargeysyada maxaliga iyo caalamiga ahba  iney faafiyaan barnaamajyo loogu hiilinaayo cadaaladda iyo xaq u raadinta dadkii ku nafwaayey 7/11 ee kor ku xusan.

 

Waxaa nasiibdarro ah in labadaii dowladeed ee iskaga dambeeyey Soomaaliland aysan waxba ka qaban dhacdadaasi ooy dabnahooga iyo dhagahoogaba ka xidheen. Xaasaskii iyo caruurtii ka hadhay marxuumiinta ku nafwaayey jidgooyada, iyo bulshoweynta nabada jecel, waxay dhamaan ka dhowrayaan dowlada Soomaaliland ee iyadu masuulka ka ah sugida amaanka iyo fulinta cadaaladda iney u hiiliso sharciga dalka, sinaanta iyo wada jirka ooy xaqii iyo xuquuqdii muwaadiniintaasi u raadiyaan ooy maxkamad hor keenaan cidii ka dambeysay iyo kuwii fuliyeyba dhiigaasi xaqdarrada lagu daadiyey hadhka cad.

 

Waqtigani tiiraanyada badan ee la xasuusanaayo lana xusaayo sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay  jidgooyadii lagu dilay haldoorka kor ku xusan, wuxu ururweynaha ARDAA tacsi u dirayaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii marxuumiinta. Wuxuna Eebe uga baryayaan in marxuuminta ka waraabiyo janadii fardowsa, qoysaskoodii, qaraabadii iyo asxaabtiina samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Ugu dambeyntii, wuxu ururku Eebe ka baryeynaa inuu marxuumintaasi gacanta ka gardarin dishay cadaaladooda soo dadajiyo oo gacan ku dhiiglayaashii falka foosha xun geysatay si dedeg ah sharciga  loo horkeeno.

 

 Ururka “ARDAA” e-mail: info@ardaa.org

 

11kii Juulay 2011

 

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.    

 

 

Rayi”Reer Buulle (Reer Dalal) ,iyana isuma roona,Gobolkii Gabileyna Ceeb iyo fadeexad bay u soo jiideen

Waxaa aniga iyo nin aan asxaab nahay safar gaaban ku tagnay magaalooyinka Arabsiyo ,Gabiley iyo ,Tog-wajaale.

Dhulku waa degaan quruxdiisa iyo baaxadiisuba ballaadhan tahay,oo barwaaqo ah guud ahaan.

Waxaan salaadii casar ku tukannay Masjid ku yaalla magaalada Gabiley,Ka dibna waxaanu lug
ku soo marnay magaalada gudaheeda oo aan si daaba u kala fogeyn.Waxaanu fadhiisanay makhaa
yad aan ka fogeyn halka ay ka baxaan gawaadhida u kal baxda magaaloyinka kale,oo aanu
shaah ka qabsannay.


Miiska nagu xiga, waxaa fadhiya niman dhalin yaro ah iyo niman
odayaal waayeel ah.Waxaa dhagahayaga ku soo dhacaya,hadalo ay ka mid yihiin ,”Reer BUULLE,iyana isuma roona,Gobolkina faxeexad iyo ceeb bay u soo jiideen,”

Muddo markii sheekadii ay sii wateen,ayaa nin markaa intii meesha fadhisay ugu da’ weynaa,
qiyaastiian aan ku sifeyn karo illaa 79 sanno ku dhawaad ayaa yidhi,waar dhageysta:

“Beeshan degaankan Gabiley degtaa,horena adeer umay talin jirin,dagaal meel ay weligeed ku
gashaynna bal qabsoo lama sheegin,waqtigii 80 naadii ee xaaladda adag lagu jirayna,
ee umadda la xasuuqayayayna,ayaa Siyaad Baree wefti ka socday, oo Muuse Rabiilana ka mid ahaa, ayaa yidhi maxaan idiin qabanna reer Gabilayaaw,ee aad maanta
Dawlada ka codsan lahaydeen.

Waxay ugu jawaabeen “Noo dallacsii Badhasaabkii BUULLE (MAREEXAAN )ee Gobolka
ka talin jiray.Muddo yar ka dib,waa la dalac siiyey BUULLE , ka dibnna gabdh yar,oo reer Gabiley ah (Reer Dalal),
oo 16 jir ah , oo reerkooda la wada yaqaan,ayay BUULLE,oo ahaa oday Aabaheed ka weyn, hilibkeedii u wadheen ,
una Arooseen,taana ceebtii ka raacday waatii la ogaa.

Waxaad kale oo aad ogeydeen , Badhsaabkii xilka laga xayuubeyey ee Rashiid Sh.Cumar Sheekh Muxumed (Rashiid-Xaraaro),
ceebta uu ka sameeyey Gobolka,ee umaddii dabka dhex dhigay, ee isnna halkaaka baxay.

Badhasaabka habeenka madaw la soo magacaabayna,Cali Aw Adan Meecaad, waa kii dhgar qabe Maxamed Xaashi Gaani, u soo basaasi jiray,cidda SNM ah,
cidda taageersan,ee loogu abaal guday inuu Hawlihii Maraakiibta ee Berbera loo dhiibo.
Waqtigaa uu haystaynna,aanu cid kale aanu shaqo siin jirin,oo aan ahayn lafta hoose ee
uu isagu ka soo jeedo mooyaane,oo aanu Dalalka kale,albaabka ka furi jirin.

Waxaa kaloo jirta, in walaashii ,Safiya Aw Aadan Meecaad, oo ahayd islaantii durbaanka sidan jirtay
,ee Gabiley gudaheeda dadka dhibi jirtay,ee guryaha ku garaaci jirtay,ee soo baxaay,soo baxaay
Hanuuntii baa la idinka rabaa,ee dumarka diidana odhan jirtay Siyaad Barre ayay diiday inay u heesto
,ee Askarta farta ugu fiiqi jirtay,iyadiina maanta madax gabiley looga dhigay.
Intaas oo arrimood ayaa Gabiley ka jira,waan ta maanta Gobolkii hore u mari laayahay.

Nin dhallin yaro ah,ayaa yidhi Awow maxaa markaa Gobolka u dan ah ee la yeeli karaa.
Odaygii wayeelka ahaa wuxuu ugu jawaabay,waa in dadka Gobolka degani talo isugu yimaaddo
,oo is wareystaan.

Mid kale ayaa yidhi, maadaama adigu aad tahay Nin weyn ,oo soo jireen ah,taariikh badanna
soo maray, maxaa adigu ku talin lahayd.wuxuu odayggii ku jawaabay,anigu waxaan odhan lahaa:

1-Xarunta Maamulka ha loo raro Bustaanadii Arabsiyo dhexdooda iyo Hoygii Mujaahid Xasan Yoonis Habane

2-Maamulkana ha loo dhiibO Nimankii waligoodbba talin jiray , ee Colaad iyo Nabadbba
lagu majiiran jiray , ee Reer Yoonis Jibriil (REER YOONIS GAALAAD).

Markuu odaygii hadalkisii dhameystay,ayaa nin da’diisu tahay meel dhexaad ayaa yidhi,
oo Adeer Beeshayada Reer Xareed , halkeed ku tiirisay ?

Odaygii waayeelka haa intuu yara aamusay ayuu yidhi,

“Idinka waxaa gacanta idinku haya Reer BUULLE (Reer Dalal), talo aanay idiin
goynna kuma meel martaan, dhexdiinana jilibba gooni buu u shiraa,taasina waa la ogyahay,
markaad keligiin meel martaan ayaa la sugi.”

Odyagii waayeelkaa intuu bakooradiisii gacanta ku dhigay buu hadalkiisii ku soo
dhammeyey,”Reer Buulle (Reer Dalal) ,iyana isuma roona,Gobolkii Gabileyna Ceeb iyo
fadeexad bay u soo jiideen”

Xasan Nuur      giriyaadnews

New Video:South Sudan becomes world’s newest country

Idaacad cusub oo Awdal State loo sameeyey

Seattle(giriyaadnews)- Dhamaanba dhegeystayaasha qaaliga ah waxa lala socodsiinayaa in la siidaayey Idaacad cusub oo magaceeda la yidhaa Radio Awdal State.  Idaacada Codka Awdal State waxay hawada geeska Afrika soo gali doontaa Habeenkasta oo Axad ah saacadu markay tahay 8da Fiidnimo ilaa 8:40 Fiidnimo . Waxay hawada ku jiri doontaa mudo 40 daqiiqo ah.  Mawjada 12120 Khz oo u dhiganta Mawjada gaaban ee dhererkeedu yahay 25 ka Meterband.

 Idaacada waxaad ka dhegeysan kartaan dhamaan Gobolada Awdal State, K5aad, Jabuuti ,  Hadaba hamoogaan inaad la socotid barnaamijyo tayo leh oo ay idaacadu idiinla diyaar tahay. Dadweynaha Borama ku dhaqan waxa si gaar ah lala socodsiinayaa inay fikirkooda kasoo dhiibtaan siday umaqlaan habeenka Jimcaha ah oo ay tijaabo ahaan Idaacadu hawada Borama usoo gali doonto saacadaha aanu korku xusnay. Wixii fikir ah waxaad kusoo hagaajin kartaan saylacnews@yahoo.com Ama   awdalstate@yahoo.com
July 11, 2011 — giriyaadnews

Maansha Allaah; Alleylehe, Guddoomiyihii cusbaa ee loo xilsaaray Maxkamadda Sare rag ka soo bax, kol haddii uu durba yidhi, maxbuus muddo dhaaf ah oo jeel iskaga jirayaa ma jiro, cid qof xoriyadiisa laga qaaday booqasho u diidi kartaana ma jirto, hadda ayeynu garsoor caddaalad ah helaynaa ee bushaaraysta. Ta kale duqii Siilaanyo ee madaxda caalamka la soo qaxweeyeyna wuu inna hayaaye soo dhawayntiisa haloo dareero.

Weger; Adeer; Guddomiyahaa cusub iyo odayga afka ha isku kaaya geline, waxaad ka warantaa qolyahan awdalstate iyo SSC-da la leeyahay ee kolba dhinac loo galbinayo waxani ma ka nabad jacayl baa oo qorigii bay qallin ku beddesheen, mise biilkii lagu masruufi lahaa qollooyinka qaraxyada fuliya ayey innaga urursanayaan, anigu waxba ka garan maayee Alloow sidii roon uun nooga dhig

July 11, 2011 — giriyaadnews

Hargysa,(giriyaadnews)-Waxa maanta ka dhacay bariga Hargysa iska hor imaad xoogan oo dhexmaray dad shicib ah iyo ciidamada booliska Hargysa, iska hor imaadkaasi oo ka dhashay arimo dhul, oo ay isku hayeen laba dhan kadib markii wasaarada arimaha gudaha iyo dawlada Hoose ay dhulkaasi u ansixiyeen mid ka mid ah labadii dhan ee isku hayay, dhulkani ay rabshaduhu ay ka dhaceen ayaa ku yaala bariga magaalada Hargysa, gaar ahaana ka soo horjeedka misaajidka tabliiqa

Arintani ayaa ay ka dhasheen iska hor imaad xoogan oo la is waydaarsaday rasaas iyo dhagaxaan, halkaasina waxa ay ciidanka boolisku ku dileen nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab marxuun kaasi ayaa kamid ahaa dadkii difaacaayay dhulkaasi, sidoo kale waxa ay ciidanku dhaawaceen afar qof oo shicib ah, xaga ciidanka booliska laga dhaawacay Hal askari, arintani ayaa maanta dadweynaha degan bariga Hargysa aad uga cadhaysiisay iyada oo lba bilood ka hor ay xukumadu dhul ay dad shicib ah ka qaadaysay ay dad ku dhaawacmeen qaarna xabsiga loo taxaabay oo ay wali xidhanyihiin.

Dadka shacabka ah ee difaacaayay dhulka ay sheegeen in laga qaadaayo ayaa bur buriyay oo dhulka la simay sees laga dhisay dhulkaasi, waxana ay sheegay in amar xoogan oo hubaysani uu kaga yimid xaga wasaarada arimaha gudaha iyo ciidnaka booliska oo iskaashanaaya waxna ay arintani maanta gil gishay oo xoog looga dareemay magaalada Hargysa.

Abdifataax Xuseen Ismaciil, Gamaameeye, oo sheegay in uu wakiil ka yahay qoyskooda oo sheegay in dhulkani ay iyagu in mudo dheer ay lahaayeen, oo dhulkani uu ahaa beer, beertaasina magaalada oo dhami ay taqaanay, waxa uu sheegay in ay beerta ka bixiyeen misaajid, iyo iskuulka Ilays, badhna ay siiyeen xabaalo, ninkan nagu haysta dhulkaygana uu doonaayo hada in uu dego xaga hore ee wajahadayada, waxana kale oo uu sheegay in ninkani uu maxkamada gobolka uu waraaqo lacag lagaga soo cunay si dhulkayaga loogu sharciyeeyo uu haysto waraaqahaasi oo uu ku sheegay qaar been ah oo la soo macmalay, waxana uu sheegay in dhulka ay iyagu haystaan mulkiyadiisii saxda ahayd oo mudo dheer ay haysteen, sidaasina waxa uu ku sheegay mar uu galabta la hadlaayay saxaafada.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay xukumadu isku daydo in muranada noocani ah ay xoog ku xaliso hase ahaatee tan iyo intii xukumada Siilaannyo timid waxa ay ciidanka Boolisku si badheedh ah toogasho ugu dileen dhowr qof tiro kalena way ku dhaawaceen xaga iyagana ay khasaare ka soo gaadho.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay mashaqadani ku soo beegantay oo shicibka la xasuuqaayo dhiigooda lagu soo dhaweeyay waftigii uu hogaaminaayay Siilaanyo ee ku maqnaa koonfurta Suudaan oo maanta dalka ku soo laabtay, xafladaasi koonfurta Suudan loogu dabaal degaayay madaxbanaanideeda ayaa waxa iyana ka qayb galay maamulka Puntland iyo dawlada ku meelgaadhka ah ee Somaliya. halka la sheegay inayna wax rajo ah kala soo kulmin madaxda maamulka somaliland munaasibadaa ay tageen ee dalka cusub ee sodanta konfureed ayagoo ka hadlay halkaa ayaa waxaa loogu jawaabay iniga iyo sodantan konfureed ma tihiin isu mid waayo sodantani maanta calanka qaadatay waa meel dhibaato badani soo gaadhay waana dad kala diin ah kalana dhaqan ah laakiin inigu somalida isu diinbaatihiin isu dhaqanbaatahiin waxaatahiin dad walaalo ah oo is leh hadaba haday ini oqoonsadaan iyo hadii ay ini diidaanba waxaad aqoonsi karaadisaan dawlada soomaaliyeed markii ay cagaha isu taagto intii ka horaysa halkiina isaga ekaada waxaad ku dadaashaan sidii aad walaalihiina konfurta soomaaliya ku dhibataysan u kala badbaadin lahaydeen eed nabad uga raadinlahaydeen dhexdooda ood ugu gogoldhigilahaydeen kudadaala aduunku waxuu ogyahay soomaaliya inay hal wadan tahay maaha laba wadan inaa lookalagooyo sidaana waxaa ku yidhigudoomiyaha qaramada midoobay baanki moon iyo dhamaan madaxwaynayaashii aduunka ee kasoo qaybgalay caleemasaarka south sodan   giriyaadnews hargaysa

Xukumadda oo marxuunkii ay dishay ku tilmaantay qaldaan iyo eheladiisii oo diiday in la aaso

July 11, 2011 — giriyaadnews

Hargysa,(giriyaadnews)- Taliyaha ciidankabooliska Maxamed Saqadhi Dubad iyo wasiirka arimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa gashaanka si gooni gooni ah ugu dhuftay in marxuun Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab uu ahaa qaldaan ka horyimid ciidanka booliska iyo amarka ka soo fulay wasaarada arimaha gudaha. Marxuunka ayaa ay haleeshay rasaas ay ciidanka boolisku si badheedh ah ay u huwiyeen marxuunkaasi oo meel cararaaya, kadib markii dad shicib ah oo dhul ay leeyihiin difaacnaaya ay iska horyimaadeen ciidanka booliska oo amar ka soo qaatay wasaarada arimaha gudaha.

Xukumadu waxa ay geeska ku dhufatay in ayna ninkaasi dhintay ayana iyagu qabin magtiisa iyo waxii gaadhay, sidoo kale arintani ayaa ka cadhaysiisay qoyskii uu ninkaasi ka baxay, isla markaasina diiday in wiilkooda la aaso iyada oo aan sharciga la hor keenin askarigii toogtay ee qudha ka jaray.

Maxamed Saqadhi Dubad oo ah taliyaha ciidanka booliska ayaa difaacay askarigii toogashada fuliyay, iyada oo la garanaayo askarigaasi dilka maanta u gaystay marxuun Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab oo ay ahayd in sharciga la hor keeno askarigaasi toogtay ayaa ay xukumadu diiday in dusha ku qaadato marxuunkaasi ay naftii ilahay galiyay ay ka qaadeen

Arintani ka soo yeedhay xukumada ayaa dadweynaha bariga Hargysa ka cadhaysiisay, waxana maalmaha soo socda la filan karaa kacdoono lagaga soo horjeedo xasuuqani ay xukumada Siilaanyo ay ka wado bariga Hargysa, iyada horena dadka xaafadaha guryahoodii laga gubay oo walibana xabsiyada loo taxaabay iyada oo wasiirka arimaha guduhuna uu aflagaado iyo cay u raaciyay, waxyaabahaasi is biirsaday iyo boobab dhul oo ay xukumadu ku hayso dadka deegaanka xaafadaha ayaa dadweynaha xafadaasi aad dareenkooda u kiciyay.

Kuna dhiiri galinaaya in la iska difaaco boobka,dulmiga iyo wanjalaadada cuqdadaysan ee ahaa cod lanagama siin jirin degmooyinka iyo deegaanada bariga gobolka Hargysa, hadii ay xukumadu ilaalin waydo shuruucda dalka ilaalinwaydo ma jiri doonto in ay dadka dhiigooda dhulka daadiyaan, sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah odayada xaafada new Hargysa oo caawa u waramay  xigasho qaran news

 

 

July 11, 2011 — giriyaadnews

maayar-boorama.jpg

Boorama-(Lug)-Guddoomiyaha G/degaanka Boorama  ayaa mar kale ka badbaaday xil ka Qaadis ay ku samayn lahaayeen xildhibeenada G/degaanka ee magaaladu kaddib markii sida la sheegay
golahaasi qaban kari waayey shir aan caadi ahayn.

Sida wararku sheegeyaan labadii toddobaad ee ugu dambayay ayaa golahaasi laga maqlayey guux ay dabada ka riixayaan  dhawr iyo toban ka tisan xildhibeenada golahaasi oo tiradoodu tahay 21, kuwaasoo badhasaabkii xilka wareejiyey shalay u gudbiyey qoraal ay ku saxeexan yihiin, iyagoo kaga dalbanaya inuu suurtageliyo fadhiga aan caadiga ahayn ee golahaasi, hase yeeshee fadhigaasi ayaan u suurtagelin xildhibeenada.

Warar ku dhaw golaha ayaa sidoo kale ayaa sheegeya in dhaqdhaqaaq xilka qaadis lagu samayn lahaa maayarka Boorama ahna guddoomiyaha G/degaanka Boorama  C/raxmaan Shide Bile uu hoos usii dhacay labadii casho ee ugu dambaysayba iyadoo dhinaca kalena Guddoomiyaha golaha degaanku qaadaya tallaabooyin uu iskaga difaacayo  go’aanka qaar ka mid ah golahaasi kula maagganaayeen inay xilka kaga tuuraan fadhi aan caadi ahayn.

Ilaa shalay ayaan sidoo kale  xildhibeenada golahaasi  oo saxaafaddu wax ka weydiin lahayd halka ay arrintoodu marayso  sheegi kari waayeen  wax war ah oo ku saabsan arrimahaasi  taasoo dad badani u qaateen in xildhibeenada golahaasi  oo markii hore isku raacsanaa inay qabtaan shirkaasi  markii dambe ama labadii casho ee u dambaysayba ku kala qaybsameen, taasina ay guul  usoo hoysay maayarka haatan .

Maaha markii ugu horreysay ee guddoomiyaha golaha degaanka Boorama ka badbaaday fadhiyo xilka lagaga qadi lahaa, waxana horeba dhawr jeer muddo afar sannadood ahba la isku dayey xilka ka qaadis noocan oo kala ah, balse aanay xildhibeenadaasi ku guuleysan ilaa imika.

C/raxmaan Shide   Bile  ayaa haatan maraya sannadkii lixaad ee xilka Boorama uu hayo, isagoo tan iyo waagaa wax badan ka qabtay dhinaca  adeegyada bulshada ah ayna ugu horreeyaan jidadka laamiga ah oo markii ugu horreysay uu Boorama ka hirgaliyey, iyadoo ilaa maantana ay jiraan mashaariic badan oo uu ku hawllan yahay  sida sariibadaha hilibka, kawaanka casriga ah, nadaafadda magaalada iyo arrimo kaleba.

sheekh shariif sheekh axmed iyo  waraysigiisii halkan kala soco

undefined Madaxweynuhu waxa uu wareysigan kaga hadlay arrimaha ammaanka, khilaafka dawladda, magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo qodobo kale.

Wareysiga oo dhamesytiran qeybta hoose ka dhageyso.

Daawo Xafladda Koonfurta Sudan

undefined

Wasiirka Dib Udajinta Iyo Wafti Uu Watay Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Quljeed Oo Uu utagay Arimo La Xidhiidha Caleema Saarka Suldaanka Beesha Jibriilyoonis

July 12, 2011 — giriyaadnews

Waxaa aniga iyo nin aan asxaab nahay safar gaaban ku tagnay magaalooyinka Arabsiyo ,Gabiley iyo ,Tog-wajaale. Dhulku waa degaan quruxdiisa iyo baaxadiisuba ballaadhan tahay,oo barwaaqo ah guud ahaan. Waxaan salaadii casar ku tukannay Masjid ku yaalla magaalada Gabiley,Ka dibna waxaanu lug ku soo marnay magaalada gudaheeda oo aan si daaba u kala fogeyn.Waxaanu fadhiisanay makhaa yad aan ka fogeyn halka ay ka baxaan gawaadhida u kal baxda magaaloyinka kale,oo aanu shaah ka qabsannay. Miiska nagu xiga, waxaa fadhiya niman dhalin yaro ah iyo niman odayaal waayeel ah.Waxaa dhagahayaga ku soo dhacaya,hadalo ay ka mid yihiin ,”Reer BUULLE,iyana isuma roona,Gobolkina faxeexad iyo ceeb bay u soo jiideen,” Muddo markii sheekadii ay sii wateen,ayaa nin markaa intii meesha fadhisay ugu da’ weynaa, qiyaastiian aan ku sifeyn karo illaa 79 sanno ku dhawaad ayaa yidhi,waar dhageysta: “Beeshan degaankan Gabiley degtaa,horena adeer umay talin jirin,dagaal meel ay weligeed ku gashaynna bal qabsoo lama sheegin,waqtigii 80 naadii ee xaaladda adag lagu jirayna, ee umadda la xasuuqayayayna,ayaa Siyaad Baree wefti ka socday, oo Muuse Rabiilana ka mid ahaa, ayaa yidhi maxaan idiin qabanna reer Gabilayaaw,ee aad maanta Dawlada ka codsan lahaydeen. Waxay ugu jawaabeen “Noo dallacsii Badhasaabkii BUULLE (MAREEXAAN )ee Gobolka ka talin jiray.Muddo yar ka dib,waa la dalac siiyey BUULLE , ka dibnna gabdh yar,oo reer Gabiley ah (Reer Dalal), oo 16 jir ah , oo reerkooda la wada yaqaan,ayay BUULLE,oo ahaa oday Aabaheed ka weyn, hilibkeedii u wadheen , una Arooseen,taana ceebtii ka raacday waatii la ogaa. Waxaad kale oo aad ogeydeen , Badhsaabkii xilka laga xayuubeyey ee Rashiid Sh.Cumar Sheekh Muxumed (Rashiid-Xaraaro), ceebta uu ka sameeyey Gobolka,ee umaddii dabka dhex dhigay, ee isnna halkaaka baxay. Badhasaabka habeenka madaw la soo magacaabayna,Cali Aw Adan Meecaad, waa kii dhgar qabe Maxamed Xaashi Gaani, u soo basaasi jiray,cidda SNM ah, cidda taageersan,ee loogu abaal guday inuu Hawlihii Maraakiibta ee Berbera loo dhiibo. Waqtigaa uu haystaynna,aanu cid kale aanu shaqo siin jirin,oo aan ahayn lafta hoose ee uu isagu ka soo jeedo mooyaane,oo aanu Dalalka kale,albaabka ka furi jirin. Waxaa kaloo jirta, in walaashii ,Safiya Aw Aadan Meecaad, oo ahayd islaantii durbaanka sidan jirtay ,ee Gabiley gudaheeda dadka dhibi jirtay,ee guryaha ku garaaci jirtay,ee soo baxaay,soo baxaay Hanuuntii baa la idinka rabaa,ee dumarka diidana odhan jirtay Siyaad Barre ayay diiday inay u heesto ,ee Askarta farta ugu fiiqi jirtay,iyadiina maanta madax gabiley looga dhigay. Intaas oo arrimood ayaa Gabiley ka jira,waan ta maanta Gobolkii hore u mari laayahay. Nin dhallin yaro ah,ayaa yidhi Awow maxaa markaa Gobolka u dan ah ee la yeeli karaa. Odaygii wayeelka ahaa wuxuu ugu jawaabay,waa in dadka Gobolka degani talo isugu yimaaddo ,oo is wareystaan. Mid kale ayaa yidhi, maadaama adigu aad tahay Nin weyn ,oo soo jireen ah,taariikh badanna soo maray, maxaa adigu ku talin lahayd.wuxuu odayggii ku jawaabay,anigu waxaan odhan lahaa: 1-Xarunta Maamulka ha loo raro Bustaanadii Arabsiyo dhexdooda iyo Hoygii Mujaahid Xasan Yoonis Habane 2-Maamulkana ha loo dhiibO Nimankii waligoodbba talin jiray , ee Colaad iyo Nabadbba lagu majiiran jiray , ee Reer Yoonis Jibriil (REER YOONIS GAALAAD). Markuu odaygii hadalkisii dhameystay,ayaa nin da’diisu tahay meel dhexaad ayaa yidhi, oo Adeer Beeshayada Reer Xareed , halkeed ku tiirisay ? Odaygii waayeelka haa intuu yara aamusay ayuu yidhi, “Idinka waxaa gacanta idinku haya Reer BUULLE (Reer Dalal), talo aanay idiin goynna kuma meel martaan, dhexdiinana jilibba gooni buu u shiraa,taasina waa la ogyahay, markaad keligiin meel martaan ayaa la sugi.” Odyagii waayeelkaa intuu bakooradiisii gacanta ku dhigay buu hadalkiisii ku soo dhammeyey,”Reer Buulle (Reer Dalal) ,iyana isuma roona,Gobolkii Gabileyna Ceeb iyo fadeexad bay u soo jiideen” Xasan Nuur
July 12, 2011 — giriyaadnews

 

1-07-2011

Xasuuqii Iyo Xuskii Sanad Guuradii Labaad Ee Dhacdadii 7/11

11kii Juulaay 2009 waxay aheyd maalintii murugada laheyd ee la dilay afarta muwaadin ee safarka ahaa, laguna laayey jidka weyn ee u dhaxeeya Hargeysa iyo Boorama. Dhacdadaasi oo la magac baxday 7/11 waxay ku qoran tahay xusuus qorka dhamaan wixii daneeya nabada una ololeeya xuquuqda aadamaha.

 

Ururweynaha ARDAA  oo ah hey’ad samafal, lehna waax u dooda xuquuqda aadamaha, waxay maanta oo taariikhdu tahay 7/11/2011 xasuusanaysaa ooy xusaysaa sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii afartii muwaadin ee ku nafwaayey dhacdadii 7/11 oo kala ah:

 

1.                  Cali Maxamuud Nuur (Bagaashle)

2.                  Cali Aw Cumar Barre

3.                  Mowliid Xassan Cumar

4.                  Daa’uud Xaashi Jaamac

 

Ururku wuxu ka  codsanayaa dhamaan bulshoweynta nabada jecel meel kasta ooy joogaanba iney nagala qaybgalaan xusuusta iyo xuskani sanad guuradii labaad ee dilkii ku caanbaxay 7/11, wuxuna ururku ku boorinayaa dhamaan mareegaha, iyo wargeysyada maxaliga iyo caalamiga ahba  iney faafiyaan barnaamajyo loogu hiilinaayo cadaaladda iyo xaq u raadinta dadkii ku nafwaayey 7/11 ee kor ku xusan.

 

Waxaa nasiibdarro ah in labadaii dowladeed ee iskaga dambeeyey Soomaaliland aysan waxba ka qaban dhacdadaasi ooy dabnahooga iyo dhagahoogaba ka xidheen. Xaasaskii iyo caruurtii ka hadhay marxuumiinta ku nafwaayey jidgooyada, iyo bulshoweynta nabada jecel, waxay dhamaan ka dhowrayaan dowlada Soomaaliland ee iyadu masuulka ka ah sugida amaanka iyo fulinta cadaaladda iney u hiiliso sharciga dalka, sinaanta iyo wada jirka ooy xaqii iyo xuquuqdii muwaadiniintaasi u raadiyaan ooy maxkamad hor keenaan cidii ka dambeysay iyo kuwii fuliyeyba dhiigaasi xaqdarrada lagu daadiyey hadhka cad.

 

Waqtigani tiiraanyada badan ee la xasuusanaayo lana xusaayo sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay  jidgooyadii lagu dilay haldoorka kor ku xusan, wuxu ururweynaha ARDAA tacsi u dirayaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii marxuumiinta. Wuxuna Eebe uga baryayaan in marxuuminta ka waraabiyo janadii fardowsa, qoysaskoodii, qaraabadii iyo asxaabtiina samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Ugu dambeyntii, wuxu ururku Eebe ka baryeynaa inuu marxuumintaasi gacanta ka gardarin dishay cadaaladooda soo dadajiyo oo gacan ku dhiiglayaashii falka foosha xun geysatay si dedeg ah sharciga  loo horkeeno.

 

 Ururka “ARDAA” e-mail: info@ardaa.org

 

11kii Juulay 2011

 

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.    

 

 

Rayi”Reer Buulle (Reer Dalal) ,iyana isuma roona,Gobolkii Gabileyna Ceeb iyo fadeexad bay u soo jiideen

Waxaa aniga iyo nin aan asxaab nahay safar gaaban ku tagnay magaalooyinka Arabsiyo ,Gabiley iyo ,Tog-wajaale.

Dhulku waa degaan quruxdiisa iyo baaxadiisuba ballaadhan tahay,oo barwaaqo ah guud ahaan.

Waxaan salaadii casar ku tukannay Masjid ku yaalla magaalada Gabiley,Ka dibna waxaanu lug
ku soo marnay magaalada gudaheeda oo aan si daaba u kala fogeyn.Waxaanu fadhiisanay makhaa
yad aan ka fogeyn halka ay ka baxaan gawaadhida u kal baxda magaaloyinka kale,oo aanu
shaah ka qabsannay.

Miiska nagu xiga, waxaa fadhiya niman dhalin yaro ah iyo niman

odayaal waayeel ah.Waxaa dhagahayaga ku soo dhacaya,hadalo ay ka mid yihiin ,”Reer BUULLE,iyana isuma roona,Gobolkina faxeexad iyo ceeb bay u soo jiideen,”

Muddo markii sheekadii ay sii wateen,ayaa nin markaa intii meesha fadhisay ugu da’ weynaa,
qiyaastiian aan ku sifeyn karo illaa 79 sanno ku dhawaad ayaa yidhi,waar dhageysta:

“Beeshan degaankan Gabiley degtaa,horena adeer umay talin jirin,dagaal meel ay weligeed ku
gashaynna bal qabsoo lama sheegin,waqtigii 80 naadii ee xaaladda adag lagu jirayna,
ee umadda la xasuuqayayayna,ayaa Siyaad Baree wefti ka socday, oo Muuse Rabiilana ka mid ahaa, ayaa yidhi maxaan idiin qabanna reer Gabilayaaw,ee aad maanta
Dawlada ka codsan lahaydeen.

Waxay ugu jawaabeen “Noo dallacsii Badhasaabkii BUULLE (MAREEXAAN )ee Gobolka
ka talin jiray.Muddo yar ka dib,waa la dalac siiyey BUULLE , ka dibnna gabdh yar,oo reer Gabiley ah (Reer Dalal),
oo 16 jir ah , oo reerkooda la wada yaqaan,ayay BUULLE,oo ahaa oday Aabaheed ka weyn, hilibkeedii u wadheen ,
una Arooseen,taana ceebtii ka raacday waatii la ogaa.

Waxaad kale oo aad ogeydeen , Badhsaabkii xilka laga xayuubeyey ee Rashiid Sh.Cumar Sheekh Muxumed (Rashiid-Xaraaro),
ceebta uu ka sameeyey Gobolka,ee umaddii dabka dhex dhigay, ee isnna halkaaka baxay.

Badhasaabka habeenka madaw la soo magacaabayna,Cali Aw Adan Meecaad, waa kii dhgar qabe Maxamed Xaashi Gaani, u soo basaasi jiray,cidda SNM ah,
cidda taageersan,ee loogu abaal guday inuu Hawlihii Maraakiibta ee Berbera loo dhiibo.
Waqtigaa uu haystaynna,aanu cid kale aanu shaqo siin jirin,oo aan ahayn lafta hoose ee
uu isagu ka soo jeedo mooyaane,oo aanu Dalalka kale,albaabka ka furi jirin.

Waxaa kaloo jirta, in walaashii ,Safiya Aw Aadan Meecaad, oo ahayd islaantii durbaanka sidan jirtay
,ee Gabiley gudaheeda dadka dhibi jirtay,ee guryaha ku garaaci jirtay,ee soo baxaay,soo baxaay
Hanuuntii baa la idinka rabaa,ee dumarka diidana odhan jirtay Siyaad Barre ayay diiday inay u heesto
,ee Askarta farta ugu fiiqi jirtay,iyadiina maanta madax gabiley looga dhigay.
Intaas oo arrimood ayaa Gabiley ka jira,waan ta maanta Gobolkii hore u mari laayahay.

Nin dhallin yaro ah,ayaa yidhi Awow maxaa markaa Gobolka u dan ah ee la yeeli karaa.
Odaygii wayeelka ahaa wuxuu ugu jawaabay,waa in dadka Gobolka degani talo isugu yimaaddo
,oo is wareystaan.

Mid kale ayaa yidhi, maadaama adigu aad tahay Nin weyn ,oo soo jireen ah,taariikh badanna
soo maray, maxaa adigu ku talin lahayd.wuxuu odayggii ku jawaabay,anigu waxaan odhan lahaa:

1-Xarunta Maamulka ha loo raro Bustaanadii Arabsiyo dhexdooda iyo Hoygii Mujaahid Xasan Yoonis Habane

2-Maamulkana ha loo dhiibO Nimankii waligoodbba talin jiray , ee Colaad iyo Nabadbba
lagu majiiran jiray , ee Reer Yoonis Jibriil (REER YOONIS GAALAAD).

Markuu odaygii hadalkisii dhameystay,ayaa nin da’diisu tahay meel dhexaad ayaa yidhi,
oo Adeer Beeshayada Reer Xareed , halkeed ku tiirisay ?

Odaygii waayeelka haa intuu yara aamusay ayuu yidhi,

“Idinka waxaa gacanta idinku haya Reer BUULLE (Reer Dalal), talo aanay idiin
goynna kuma meel martaan, dhexdiinana jilibba gooni buu u shiraa,taasina waa la ogyahay,
markaad keligiin meel martaan ayaa la sugi.”

Odyagii waayeelkaa intuu bakooradiisii gacanta ku dhigay buu hadalkiisii ku soo
dhammeyey,”Reer Buulle (Reer Dalal) ,iyana isuma roona,Gobolkii Gabileyna Ceeb iyo
fadeexad bay u soo jiideen”

Xasan Nuur      giriyaadnews

New Video:South Sudan becomes world’s newest country

Idaacad cusub oo Awdal State loo sameeyey

Seattle(giriyaadnews)- Dhamaanba dhegeystayaasha qaaliga ah waxa lala socodsiinayaa in la siidaayey Idaacad cusub oo magaceeda la yidhaa Radio Awdal State.  Idaacada Codka Awdal State waxay hawada geeska Afrika soo gali doontaa Habeenkasta oo Axad ah saacadu markay tahay 8da Fiidnimo ilaa 8:40 Fiidnimo . Waxay hawada ku jiri doontaa mudo 40 daqiiqo ah.  Mawjada 12120 Khz oo u dhiganta Mawjada gaaban ee dhererkeedu yahay 25 ka Meterband.

 Idaacada waxaad ka dhegeysan kartaan dhamaan Gobolada Awdal State, K5aad, Jabuuti ,  Hadaba hamoogaan inaad la socotid barnaamijyo tayo leh oo ay idaacadu idiinla diyaar tahay. Dadweynaha Borama ku dhaqan waxa si gaar ah lala socodsiinayaa inay fikirkooda kasoo dhiibtaan siday umaqlaan habeenka Jimcaha ah oo ay tijaabo ahaan Idaacadu hawada Borama usoo gali doonto saacadaha aanu korku xusnay. Wixii fikir ah waxaad kusoo hagaajin kartaan saylacnews@yahoo.com Ama   awdalstate@yahoo.com
July 11, 2011 — giriyaadnews

Maansha Allaah; Alleylehe, Guddoomiyihii cusbaa ee loo xilsaaray Maxkamadda Sare rag ka soo bax, kol haddii uu durba yidhi, maxbuus muddo dhaaf ah oo jeel iskaga jirayaa ma jiro, cid qof xoriyadiisa laga qaaday booqasho u diidi kartaana ma jirto, hadda ayeynu garsoor caddaalad ah helaynaa ee bushaaraysta. Ta kale duqii Siilaanyo ee madaxda caalamka la soo qaxweeyeyna wuu inna hayaaye soo dhawayntiisa haloo dareero.

Weger; Adeer; Guddomiyahaa cusub iyo odayga afka ha isku kaaya geline, waxaad ka warantaa qolyahan awdalstate iyo SSC-da la leeyahay ee kolba dhinac loo galbinayo waxani ma ka nabad jacayl baa oo qorigii bay qallin ku beddesheen, mise biilkii lagu masruufi lahaa qollooyinka qaraxyada fuliya ayey innaga urursanayaan, anigu waxba ka garan maayee Alloow sidii roon uun nooga dhig

July 11, 2011 — giriyaadnews

Hargysa,(giriyaadnews)-Waxa maanta ka dhacay bariga Hargysa iska hor imaad xoogan oo dhexmaray dad shicib ah iyo ciidamada booliska Hargysa, iska hor imaadkaasi oo ka dhashay arimo dhul, oo ay isku hayeen laba dhan kadib markii wasaarada arimaha gudaha iyo dawlada Hoose ay dhulkaasi u ansixiyeen mid ka mid ah labadii dhan ee isku hayay, dhulkani ay rabshaduhu ay ka dhaceen ayaa ku yaala bariga magaalada Hargysa, gaar ahaana ka soo horjeedka misaajidka tabliiqa

Arintani ayaa ay ka dhasheen iska hor imaad xoogan oo la is waydaarsaday rasaas iyo dhagaxaan, halkaasina waxa ay ciidanka boolisku ku dileen nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab marxuun kaasi ayaa kamid ahaa dadkii difaacaayay dhulkaasi, sidoo kale waxa ay ciidanku dhaawaceen afar qof oo shicib ah, xaga ciidanka booliska laga dhaawacay Hal askari, arintani ayaa maanta dadweynaha degan bariga Hargysa aad uga cadhaysiisay iyada oo lba bilood ka hor ay xukumadu dhul ay dad shicib ah ka qaadaysay ay dad ku dhaawacmeen qaarna xabsiga loo taxaabay oo ay wali xidhanyihiin.

Dadka shacabka ah ee difaacaayay dhulka ay sheegeen in laga qaadaayo ayaa bur buriyay oo dhulka la simay sees laga dhisay dhulkaasi, waxana ay sheegay in amar xoogan oo hubaysani uu kaga yimid xaga wasaarada arimaha gudaha iyo ciidnaka booliska oo iskaashanaaya waxna ay arintani maanta gil gishay oo xoog looga dareemay magaalada Hargysa.

Abdifataax Xuseen Ismaciil, Gamaameeye, oo sheegay in uu wakiil ka yahay qoyskooda oo sheegay in dhulkani ay iyagu in mudo dheer ay lahaayeen, oo dhulkani uu ahaa beer, beertaasina magaalada oo dhami ay taqaanay, waxa uu sheegay in ay beerta ka bixiyeen misaajid, iyo iskuulka Ilays, badhna ay siiyeen xabaalo, ninkan nagu haysta dhulkaygana uu doonaayo hada in uu dego xaga hore ee wajahadayada, waxana kale oo uu sheegay in ninkani uu maxkamada gobolka uu waraaqo lacag lagaga soo cunay si dhulkayaga loogu sharciyeeyo uu haysto waraaqahaasi oo uu ku sheegay qaar been ah oo la soo macmalay, waxana uu sheegay in dhulka ay iyagu haystaan mulkiyadiisii saxda ahayd oo mudo dheer ay haysteen, sidaasina waxa uu ku sheegay mar uu galabta la hadlaayay saxaafada.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay xukumadu isku daydo in muranada noocani ah ay xoog ku xaliso hase ahaatee tan iyo intii xukumada Siilaannyo timid waxa ay ciidanka Boolisku si badheedh ah toogasho ugu dileen dhowr qof tiro kalena way ku dhaawaceen xaga iyagana ay khasaare ka soo gaadho.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay mashaqadani ku soo beegantay oo shicibka la xasuuqaayo dhiigooda lagu soo dhaweeyay waftigii uu hogaaminaayay Siilaanyo ee ku maqnaa koonfurta Suudaan oo maanta dalka ku soo laabtay, xafladaasi koonfurta Suudan loogu dabaal degaayay madaxbanaanideeda ayaa waxa iyana ka qayb galay maamulka Puntland iyo dawlada ku meelgaadhka ah ee Somaliya. halka la sheegay inayna wax rajo ah kala soo kulmin madaxda maamulka somaliland munaasibadaa ay tageen ee dalka cusub ee sodanta konfureed ayagoo ka hadlay halkaa ayaa waxaa loogu jawaabay iniga iyo sodantan konfureed ma tihiin isu mid waayo sodantani maanta calanka qaadatay waa meel dhibaato badani soo gaadhay waana dad kala diin ah kalana dhaqan ah laakiin inigu somalida isu diinbaatihiin isu dhaqanbaatahiin waxaatahiin dad walaalo ah oo is leh hadaba haday ini oqoonsadaan iyo hadii ay ini diidaanba waxaad aqoonsi karaadisaan dawlada soomaaliyeed markii ay cagaha isu taagto intii ka horaysa halkiina isaga ekaada waxaad ku dadaashaan sidii aad walaalihiina konfurta soomaaliya ku dhibataysan u kala badbaadin lahaydeen eed nabad uga raadinlahaydeen dhexdooda ood ugu gogoldhigilahaydeen kudadaala aduunku waxuu ogyahay soomaaliya inay hal wadan tahay maaha laba wadan inaa lookalagooyo sidaana waxaa ku yidhigudoomiyaha qaramada midoobay baanki moon iyo dhamaan madaxwaynayaashii aduunka ee kasoo qaybgalay caleemasaarka south sodan   giriyaadnews hargaysa

Xukumadda oo marxuunkii ay dishay ku tilmaantay qaldaan iyo eheladiisii oo diiday in la aaso

Hargysa,(giriyaadnews)- Taliyaha ciidankabooliska Maxamed Saqadhi Dubad iyo wasiirka arimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa gashaanka si gooni gooni ah ugu dhuftay in marxuun Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab uu ahaa qaldaan ka horyimid ciidanka booliska iyo amarka ka soo fulay wasaarada arimaha gudaha. 

Marxuunka ayaa ay haleeshay rasaas ay ciidanka boolisku si badheedh ah ay u huwiyeen marxuunkaasi oo meel cararaaya, kadib markii dad shicib ah oo dhul ay leeyihiin difaacnaaya ay iska horyimaadeen ciidanka booliska oo amar ka soo qaatay wasaarada arimaha gudaha.

Xukumadu waxa ay geeska ku dhufatay in ayna ninkaasi dhintay ayana iyagu qabin magtiisa iyo waxii gaadhay, sidoo kale arintani ayaa ka cadhaysiisay qoyskii uu ninkaasi ka baxay, isla markaasina diiday in wiilkooda la aaso iyada oo aan sharciga la hor keenin askarigii toogtay ee qudha ka jaray.

Maxamed Saqadhi Dubad oo ah taliyaha ciidanka booliska ayaa difaacay askarigii toogashada fuliyay, iyada oo la garanaayo askarigaasi dilka maanta u gaystay marxuun Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab oo ay ahayd in sharciga la hor keeno askarigaasi toogtay ayaa ay xukumadu diiday in dusha ku qaadato marxuunkaasi ay naftii ilahay galiyay ay ka qaadeen

Arintani ka soo yeedhay xukumada ayaa dadweynaha bariga Hargysa ka cadhaysiisay, waxana maalmaha soo socda la filan karaa kacdoono lagaga soo horjeedo xasuuqani ay xukumada Siilaanyo ay ka wado bariga Hargysa, iyada horena dadka xaafadaha guryahoodii laga gubay oo walibana xabsiyada loo taxaabay iyada oo wasiirka arimaha guduhuna uu aflagaado iyo cay u raaciyay, waxyaabahaasi is biirsaday iyo boobab dhul oo ay xukumadu ku hayso dadka deegaanka xaafadaha ayaa dadweynaha xafadaasi aad dareenkooda u kiciyay.

Kuna dhiiri galinaaya in la iska difaaco boobka,dulmiga iyo wanjalaadada cuqdadaysan ee ahaa cod lanagama siin jirin degmooyinka iyo deegaanada bariga gobolka Hargysa, hadii ay xukumadu ilaalin waydo shuruucda dalka ilaalinwaydo ma jiri doonto in ay dadka dhiigooda dhulka daadiyaan, sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah odayada xaafada new Hargysa oo caawa u waramay  xigasho qaran news

 

July 11, 2011 — giriyaadnews

maayar-boorama.jpg

Boorama-(Lug)-Guddoomiyaha G/degaanka Boorama  ayaa mar kale ka badbaaday xil ka Qaadis ay ku samayn lahaayeen xildhibeenada G/degaanka ee magaaladu kaddib markii sida la sheegay
golahaasi qaban kari waayey shir aan caadi ahayn.

Sida wararku sheegeyaan labadii toddobaad ee ugu dambayay ayaa golahaasi laga maqlayey guux ay dabada ka riixayaan  dhawr iyo toban ka tisan xildhibeenada golahaasi oo tiradoodu tahay 21, kuwaasoo badhasaabkii xilka wareejiyey shalay u gudbiyey qoraal ay ku saxeexan yihiin, iyagoo kaga dalbanaya inuu suurtageliyo fadhiga aan caadiga ahayn ee golahaasi, hase yeeshee fadhigaasi ayaan u suurtagelin xildhibeenada.

Warar ku dhaw golaha ayaa sidoo kale ayaa sheegeya in dhaqdhaqaaq xilka qaadis lagu samayn lahaa maayarka Boorama ahna guddoomiyaha G/degaanka Boorama  C/raxmaan Shide Bile uu hoos usii dhacay labadii casho ee ugu dambaysayba iyadoo dhinaca kalena Guddoomiyaha golaha degaanku qaadaya tallaabooyin uu iskaga difaacayo  go’aanka qaar ka mid ah golahaasi kula maagganaayeen inay xilka kaga tuuraan fadhi aan caadi ahayn.

Ilaa shalay ayaan sidoo kale  xildhibeenada golahaasi  oo saxaafaddu wax ka weydiin lahayd halka ay arrintoodu marayso  sheegi kari waayeen  wax war ah oo ku saabsan arrimahaasi  taasoo dad badani u qaateen in xildhibeenada golahaasi  oo markii hore isku raacsanaa inay qabtaan shirkaasi  markii dambe ama labadii casho ee u dambaysayba ku kala qaybsameen, taasina ay guul  usoo hoysay maayarka haatan .

Maaha markii ugu horreysay ee guddoomiyaha golaha degaanka Boorama ka badbaaday fadhiyo xilka lagaga qadi lahaa, waxana horeba dhawr jeer muddo afar sannadood ahba la isku dayey xilka ka qaadis noocan oo kala ah, balse aanay xildhibeenadaasi ku guuleysan ilaa imika.

C/raxmaan Shide   Bile  ayaa haatan maraya sannadkii lixaad ee xilka Boorama uu hayo, isagoo tan iyo waagaa wax badan ka qabtay dhinaca  adeegyada bulshada ah ayna ugu horreeyaan jidadka laamiga ah oo markii ugu horreysay uu Boorama ka hirgaliyey, iyadoo ilaa maantana ay jiraan mashaariic badan oo uu ku hawllan yahay  sida sariibadaha hilibka, kawaanka casriga ah, nadaafadda magaalada iyo arrimo kaleba.

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: