Dhanxiir; waxaad ka warantaa qolyahan awdal state iyo SSC-da la leeyahay ee kolba dhinac loo galbinayo waxani ma ka nabad jacayl baa oo qorigii bay qallin ku beddesheen, mise

July 11, 2011 — giriyaadnews | Edit

Maansha Allaah; Alleylehe, Guddoomiyihii cusbaa ee loo xilsaaray Maxkamadda Sare rag ka soo bax, kol haddii uu durba yidhi, maxbuus muddo dhaaf ah oo jeel iskaga jirayaa ma jiro, cid qof xoriyadiisa laga qaaday booqasho u diidi kartaana ma jirto, hadda ayeynu garsoor caddaalad ah helaynaa ee bushaaraysta. Ta kale duqii Siilaanyo ee madaxda caalamka la soo qaxweeyeyna wuu inna hayaaye soo dhawayntiisa haloo dareero.

Weger; Adeer; Guddomiyahaa cusub iyo odayga afka ha isku kaaya geline, waxaad ka warantaa qolyahan awdalstate iyo SSC-da la leeyahay ee kolba dhinac loo galbinayo waxani ma ka nabad jacayl baa oo qorigii bay qallin ku beddesheen, mise biilkii lagu masruufi lahaa qollooyinka qaraxyada fuliya ayey innaga urursanayaan, anigu waxba ka garan maayee Alloow sidii roon uun nooga dhig

Xukumadda oo maanta nin shicib ah ku dishay Hargysa 4,Kalena Dhaawacday

July 11, 2011 — giriyaadnews | Edit

Hargysa,(giriyaadnews)-Waxa maanta ka dhacay bariga Hargysa iska hor imaad xoogan oo dhexmaray dad shicib ah iyo ciidamada booliska Hargysa, iska hor imaadkaasi oo ka dhashay arimo dhul, oo ay isku hayeen laba dhan kadib markii wasaarada arimaha gudaha iyo dawlada Hoose ay dhulkaasi u ansixiyeen mid ka mid ah labadii dhan ee isku hayay, dhulkani ay rabshaduhu ay ka dhaceen ayaa ku yaala bariga magaalada Hargysa, gaar ahaana ka soo horjeedka misaajidka tabliiqa

Arintani ayaa ay ka dhasheen iska hor imaad xoogan oo la is waydaarsaday rasaas iyo dhagaxaan, halkaasina waxa ay ciidanka boolisku ku dileen nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab marxuun kaasi ayaa kamid ahaa dadkii difaacaayay dhulkaasi, sidoo kale waxa ay ciidanku dhaawaceen afar qof oo shicib ah, xaga ciidanka booliska laga dhaawacay Hal askari, arintani ayaa maanta dadweynaha degan bariga Hargysa aad uga cadhaysiisay iyada oo lba bilood ka hor ay xukumadu dhul ay dad shicib ah ka qaadaysay ay dad ku dhaawacmeen qaarna xabsiga loo taxaabay oo ay wali xidhanyihiin.

Dadka shacabka ah ee difaacaayay dhulka ay sheegeen in laga qaadaayo ayaa bur buriyay oo dhulka la simay sees laga dhisay dhulkaasi, waxana ay sheegay in amar xoogan oo hubaysani uu kaga yimid xaga wasaarada arimaha gudaha iyo ciidnaka booliska oo iskaashanaaya waxna ay arintani maanta gil gishay oo xoog looga dareemay magaalada Hargysa.

Abdifataax Xuseen Ismaciil, Gamaameeye, oo sheegay in uu wakiil ka yahay qoyskooda oo sheegay in dhulkani ay iyagu in mudo dheer ay lahaayeen, oo dhulkani uu ahaa beer, beertaasina magaalada oo dhami ay taqaanay, waxa uu sheegay in ay beerta ka bixiyeen misaajid, iyo iskuulka Ilays, badhna ay siiyeen xabaalo, ninkan nagu haysta dhulkaygana uu doonaayo hada in uu dego xaga hore ee wajahadayada, waxana kale oo uu sheegay in ninkani uu maxkamada gobolka uu waraaqo lacag lagaga soo cunay si dhulkayaga loogu sharciyeeyo uu haysto waraaqahaasi oo uu ku sheegay qaar been ah oo la soo macmalay, waxana uu sheegay in dhulka ay iyagu haystaan mulkiyadiisii saxda ahayd oo mudo dheer ay haysteen, sidaasina waxa uu ku sheegay mar uu galabta la hadlaayay saxaafada.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay xukumadu isku daydo in muranada noocani ah ay xoog ku xaliso hase ahaatee tan iyo intii xukumada Siilaannyo timid waxa ay ciidanka Boolisku si badheedh ah toogasho ugu dileen dhowr qof tiro kalena way ku dhaawaceen xaga iyagana ay khasaare ka soo gaadho.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay mashaqadani ku soo beegantay oo shicibka la xasuuqaayo dhiigooda lagu soo dhaweeyay waftigii uu hogaaminaayay Siilaanyo ee ku maqnaa koonfurta Suudaan oo maanta dalka ku soo laabtay, xafladaasi koonfurta Suudan loogu dabaal degaayay madaxbanaanideeda ayaa waxa iyana ka qayb galay maamulka Puntland iyo dawlada ku meelgaadhka ah ee Somaliya. halka la sheegay inayna wax rajo ah kala soo kulmin madaxda maamulka somaliland munaasibadaa ay tageen ee dalka cusub ee sodanta konfureed ayagoo ka hadlay halkaa ayaa waxaa loogu jawaabay iniga iyo sodantan konfureed ma tihiin isu mid waayo sodantani maanta calanka qaadatay waa meel dhibaato badani soo gaadhay waana dad kala diin ah kalana dhaqan ah laakiin inigu somalida isu diinbaatihiin isu dhaqanbaatahiin waxaatahiin dad walaalo ah oo is leh hadaba haday ini oqoonsadaan iyo hadii ay ini diidaanba waxaad aqoonsi karaadisaan dawlada soomaaliyeed markii ay cagaha isu taagto intii ka horaysa halkiina isaga ekaada waxaad ku dadaashaan sidii aad walaalihiina konfurta soomaaliya ku dhibataysan u kala badbaadin lahaydeen eed nabad uga raadinlahaydeen dhexdooda ood ugu gogoldhigilahaydeen kudadaala aduunku waxuu ogyahay soomaaliya inay hal wadan tahay maaha laba wadan inaa lookalagooyo sidaana waxaa ku yidhigudoomiyaha qaramada midoobay baanki moon iyo dhamaan madaxwaynayaashii aduunka ee kasoo qaybgalay caleemasaarka south sodan   giriyaadnews hargaysa

Xukumadda oo marxuunkii ay dishay ku tilmaantay qaldaan iyo eheladiisii oo diiday in la aaso

July 11, 2011 — giriyaadnews | Edit

Hargysa,(giriyaadnews)- Taliyaha ciidankabooliska Maxamed Saqadhi Dubad iyo wasiirka arimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa gashaanka si gooni gooni ah ugu dhuftay in marxuun Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab uu ahaa qaldaan ka horyimid ciidanka booliska iyo amarka ka soo fulay wasaarada arimaha gudaha.Marxuunka ayaa ay haleeshay rasaas ay ciidanka boolisku si badheedh ah ay u huwiyeen marxuunkaasi oo meel cararaaya, kadib markii dad shicib ah oo dhul ay leeyihiin difaacnaaya ay iska horyimaadeen ciidanka booliska oo amar ka soo qaatay wasaarada arimaha gudaha.

Xukumadu waxa ay geeska ku dhufatay in ayna ninkaasi dhintay ayana iyagu qabin magtiisa iyo waxii gaadhay, sidoo kale arintani ayaa ka cadhaysiisay qoyskii uu ninkaasi ka baxay, isla markaasina diiday in wiilkooda la aaso iyada oo aan sharciga la hor keenin askarigii toogtay ee qudha ka jaray.

Maxamed Saqadhi Dubad oo ah taliyaha ciidanka booliska ayaa difaacay askarigii toogashada fuliyay, iyada oo la garanaayo askarigaasi dilka maanta u gaystay marxuun Xariir Cimsaan Cawaale oo ku magac dheeraa Dalab oo ay ahayd in sharciga la hor keeno askarigaasi toogtay ayaa ay xukumadu diiday in dusha ku qaadato marxuunkaasi ay naftii ilahay galiyay ay ka qaadeen

Arintani ka soo yeedhay xukumada ayaa dadweynaha bariga Hargysa ka cadhaysiisay, waxana maalmaha soo socda la filan karaa kacdoono lagaga soo horjeedo xasuuqani ay xukumada Siilaanyo ay ka wado bariga Hargysa, iyada horena dadka xaafadaha guryahoodii laga gubay oo walibana xabsiyada loo taxaabay iyada oo wasiirka arimaha guduhuna uu aflagaado iyo cay u raaciyay, waxyaabahaasi is biirsaday iyo boobab dhul oo ay xukumadu ku hayso dadka deegaanka xaafadaha ayaa dadweynaha xafadaasi aad dareenkooda u kiciyay.

Kuna dhiiri galinaaya in la iska difaaco boobka,dulmiga iyo wanjalaadada cuqdadaysan ee ahaa cod lanagama siin jirin degmooyinka iyo deegaanada bariga gobolka Hargysa, hadii ay xukumadu ilaalin waydo shuruucda dalka ilaalinwaydo ma jiri doonto in ay dadka dhiigooda dhulka daadiyaan, sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah odayada xaafada new Hargysa oo caawa u waramay  xigasho qaran news

Iskuday Xilka Lagaga Qaadi Lahaa Guddoom -iyaha G/degaanka Boorama Oo Socon Waayey

July 11, 2011 — giriyaadnews | Edit

maayar-boorama.jpg

Boorama-(Lug)-Guddoomiyaha G/degaanka Boorama  ayaa mar kale ka badbaaday xil ka Qaadis ay ku samayn lahaayeen xildhibeenada G/degaanka ee magaaladu kaddib markii sida la sheegay
golahaasi qaban kari waayey shir aan caadi ahayn.

Sida wararku sheegeyaan labadii toddobaad ee ugu dambayay ayaa golahaasi laga maqlayey guux ay dabada ka riixayaan  dhawr iyo toban ka tisan xildhibeenada golahaasi oo tiradoodu tahay 21, kuwaasoo badhasaabkii xilka wareejiyey shalay u gudbiyey qoraal ay ku saxeexan yihiin, iyagoo kaga dalbanaya inuu suurtageliyo fadhiga aan caadiga ahayn ee golahaasi, hase yeeshee fadhigaasi ayaan u suurtagelin xildhibeenada.

Warar ku dhaw golaha ayaa sidoo kale ayaa sheegeya in dhaqdhaqaaq xilka qaadis lagu samayn lahaa maayarka Boorama ahna guddoomiyaha G/degaanka Boorama  C/raxmaan Shide Bile uu hoos usii dhacay labadii casho ee ugu dambaysayba iyadoo dhinaca kalena Guddoomiyaha golaha degaanku qaadaya tallaabooyin uu iskaga difaacayo  go’aanka qaar ka mid ah golahaasi kula maagganaayeen inay xilka kaga tuuraan fadhi aan caadi ahayn.

Ilaa shalay ayaan sidoo kale  xildhibeenada golahaasi  oo saxaafaddu wax ka weydiin lahayd halka ay arrintoodu marayso  sheegi kari waayeen  wax war ah oo ku saabsan arrimahaasi  taasoo dad badani u qaateen in xildhibeenada golahaasi  oo markii hore isku raacsanaa inay qabtaan shirkaasi  markii dambe ama labadii casho ee u dambaysayba ku kala qaybsameen, taasina ay guul  usoo hoysay maayarka haatan .

Maaha markii ugu horreysay ee guddoomiyaha golaha degaanka Boorama ka badbaaday fadhiyo xilka lagaga qadi lahaa, waxana horeba dhawr jeer muddo afar sannadood ahba la isku dayey xilka ka qaadis noocan oo kala ah, balse aanay xildhibeenadaasi ku guuleysan ilaa imika.

C/raxmaan Shide   Bile  ayaa haatan maraya sannadkii lixaad ee xilka Boorama uu hayo, isagoo tan iyo waagaa wax badan ka qabtay dhinaca  adeegyada bulshada ah ayna ugu horreeyaan jidadka laamiga ah oo markii ugu horreysay uu Boorama ka hirgaliyey, iyadoo ilaa maantana ay jiraan mashaariic badan oo uu ku hawllan yahay  sida sariibadaha hilibka, kawaanka casriga ah, nadaafadda magaalada iyo arrimo kaleba.

Calanka Koonfur Sudan Oo La Taagey

July 9, 2011 — giriyaadnews | Edit

110708224229_south_sudan_flag_386x217_bbc_nocredit.jpg

Koonfur Sudan waxa xalay rasmi ahaan lagaga dhawaaqay inay tahay dal madaxbanaan oo gooni u taagan, waxana la saaray calankii dalkaasi cusub.

Dawladda Sudan ayaa iyana rasmi ahaan ugu dhawaaqday inay aqoonsatay dalkani ee Koonfur Sudan ee hore uga tirsanaan jirey. Damaashaadyo iyo daabaaldegyo weyn ayaa laga oogey meel kasta, lana filayaa inay si socdaan maalmahan, waxana ka qayb gelayaa munaasabaddan wufuud caalami ah iyo madax badan oo ka kala socota dalalka Afrika iyo adduunka kale intaba.

Dalka iyo Dadka

Sudan oo ahayd dalka ugu ballaadhan qaaradda Afrika oo ku fadhiday dhul dhan ilaa 2.5 malyuun (sq km) oo KM oo dhinac walba iska le’eg, waxay haatan u kala qaybsantay laba dal. Koonfur Sudan waxay ku fadhidaa ilaa 640,000 oo KM oo dhinac walba iska le’eg, waxayna u dhigantaa qiyaastii rubuc dhulweynihii hore ee Sudan. Waxa dhex mara webiga Nile, waxayna u badan tahay dhul-biyood dhir iyo cagaar leh. Koonfur Sudan waxay xuduud la yeelanaysaa dalalka Sudan, Ethiopia, Kenya, Uganda, DR Congo, iyo Jahuuriyadda Afrikada Dhexe.

Tiraa dadweynaha Koonfur Sudan waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 8 – 10 malyuun oo qof, waxayna u dhigmaysaa ilaa rubuc tiradii hore ee dadweynaha dalka Sudan oo guud ahaan isku ahaa in ka badan 40 malyuun. Dadweynaha Koonfur Sudan waxay ka kooban yihiin in ka badan 200 oo qawmiyadood amma qabaa’il, waxana u badan Dinka iyo Nuer-ka. Waxay ku hadlaan luqado kala duwan. Haatanse Af-Ingiriisiga ayaa noqnaya luqada rasmiga ah, waxanu bedelayaa tii hore ee Carabiga ahayd. Dadweyaha Koonfur Sudan waxay kala haystaan intooda badani caadoyin iyo caqiidooyin kala duwan oo dhaqan dhaqan oo dhawr ah, iyo diinta masiixiga.

Dhaqaalaha

Dadka reer Koonfur Sudan intooda badani waa reer miyi ka kooban xoola-dhaqato iyo beeraley (80%). Hasse ahaatee saliidda Sudan oo dhan ayaa la qiyaasay in 80% ay ku jirto Koonfur Sudan oo haatan dhaqaalahoodu si weyn ugu tuiirsan yahay saliiddaasi. Hasse ahaatee waxa lagu tilmaamaa haatan inuu ka mid yahay dalalka Afrika ugu liita xagga horumarka. Waxana intaasi u dheer dagaalladii sokeeye ee daba dheeraa oo keenay burbur kaabayaashii dhaqaalaha, kuna dhinteen dad ilaa 2 milyan ku dhawdhaw, iyo in badan oo kale oo barakacday, amma debadda u qaxday.

Taariikhda Siyasadeed

Koonfur Sudan waxay sanadkan bilawgiisii u codaysay inay gooni isku taagto ka dib markii laga qaaday afti dadweyne. Arrintani waxay ka danbaysay halgan dheer oo siaasadeed iyo mid dagaal oo qawmyadeed intaba. Sudan waxa soo maamuli jirey quwado hore oo kala geddisan oo ay ku jraan maamuladdii Turkiga iyo Masar, intii aan Ingiriisku qabsan Masar iyo Sudan. Ingriiska oo ka walaacsan Faransiiska iyo inuu dhinaca koonfureed ee webiga Nile oo biyaha soo mara kala dhantaalo, ayaa waxa uu maamulkiisii ku fidiyey ilaa koonfurta Sudan, si aan Masar loogu cunaqabatayn biyaha webiga Nile. Hasse ahaatee inti u dhaxaysay 1946 – 1956, Koonfur Sudan waxay lahayd maamul gooni ah oo Ingiriisku u sameeyey. waxay ka walaacsanaayeen waqooyigu in uu fulin waayo balanqaadyadii gobannimada ee 1956 oo ahaa hab federaal ah iyo cabsi ku saabsan in lagu soo rogo xukunka shareecada islaamka, iyo Carabnnimo.

Sidaasi awgeed, waxa jirey kacdoonno iyo dagaalo sokeeye laga soo bilaabo xilliyadaasi iyo intii ka horraysayba. Dada ilaa 2 malyuun oo qf ah ayaa ku dhintay agaalladaasi, ugu danbantiina waxa lagu soo afjaray heshiiskii nabadda ee 2005. Heshiiskaasi waxa uu horseeday aftidi sanadkan horraantiisa oo 99% ay u codeeyeen in Koofurta Sudan ay noqoto dal madaxbannaan.

Welise waxa sii jira xisado ka taagan gobollada xadka ee waqooyiga iyo koonfurta oo laga cabsi qabo in colaado hor lihi ay sii abuurmaan.

Madal Aad loogu kaftamay Oo Xilka Loogu Kala Tiriyay Badhasaabkii Hore Iyo Kan Dambe Ee Gobolka Awdal

July 9, 2011 — giriyaadnews | Edit

Goobjoognimada masuuliyiinta iyo xilwareejinta badhasaabka cusub maxay ka tari doontaa dardar galinta maamulka fadhiidka ah ee Gobolka Awdal”..

xilwareejinta-8.JPG

Boorama-(Lug)-Munaasibad ay dad badani ka soo qayb galeen oo ay xilka kula kala wareegayeen badhasaabka cusub iyo kii hore ee gobolka Awdal ayaa ka qabsoontay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, munaasibadan ayaa waxa kale oo goob joog ka ahaa wasiirka dib u dajibta, w/kuxigeenka Wasaarada waxbarashada iyo agaasimaha guud ee wasaarada  Arrimaha gudaha, agaasimaha guud ee wakaalada koronta, gudoomiye ku xigeenka Hayada NERAD, Xildhibaano, odaydhaqameedyo iyo masuuliyiin kale oo heer gobol iyo mid degmaba ah.

xilwareejinta-3.JPG

Munaasibadan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Suldaan Daahir Cilmi (Taajir) waxana uu sheegay in cuqaasha uu ka tirsan yahay ay la shaqayn doonaan badhasaabkan cusub, mar uu tilmaamayay badhasaabkii horena ayaa waxa uu tilmaamay inuu yahay mid halgankii isbadalka kaalin wayn ka soo qaatay isbadalkii dalka ka dhacay.

xilwareejinta-1.JPG

Badhasaabkii xilka wareejinayay Maxamed Daahir Cadbale oo isaguna madashan ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey mudadii uu xilka hayay waxyaabihii u qabsoomay waxana uu qiray in badhasaabkan cusubi uu la soo shaqeeyey, waxa kale oo uu yidhi in marar badan baa la I waydiinayaa waxa sabobay in udubtii hore xilka la iiga qaado, anigoo soo halgamay taasi jawaabteeduna waxa ay tahay in isbadalka xisbigayagu qayb ka tahay in aan umadda la kala qoqobin ee la is dhex galiyo waxaanu kale oo uu kula dardaarmay badhasaabka cusub inuu la shaqeeyo oday dhaqameedka iyo isuduwayaasha heer gobol isla markaana uu ka taxa diro in  number-ka telephoneka badhasaabka uu ku wareejinayo uu noqdo mid xidhan.

xilwareejinta-2.JPG

Badhasaabka cusub ee xilka loo wareejigay oo isaguna madasha ka hadlay ayaa qiray waxyaabaha u suurto galiyay inuu xilkan hanto waxana uu yidhi “waa run waxaan ahaa dadkii ugu xagjirsanaa wakhtigii ololaha waxaanan ahaa jiif caaqilkii madaxwaynihii hore maanta inaan xilkan la ii dhiibo waxay ku tusaysaa muwaadinnimadayda iyo inaanay meesha ka madhnayn in beelnimo la igu soo xushay, waxaan sheegayaa inaan umadda dhex dhexaadnimo iyo daacadnimo ugu shaqaynayo, waxaan qirayaa in badhasaabkii hore wakhti adag ku soo hagaagay hadii aan helo taageerada odaydhaqameedka aan qaybta ka ahayn waa hubaal in qorshayaashayda dhinaca horumarku ay meel marayaan.

xilwareejinta-4.JPG

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha C/laahi Falaki oo labada badhasaabka xilka u kala wareejinayay ayaa sheegay in go’aanka xil wareejintu uu yahay mid heer madaxwayne, waxana uu yidhi laga bilaabo saacadan waxa madaxwaynaha jamhuuriyada S/land uga wakiila G/Awdal Xasan Daahir Xaddi.

xilwareejinta-5.JPG

W/kuxigeenka Wasaarada waxbarashada Cali Xaamud iyo wasiirka dib u dajinta C/rasaaq cali oo labaduba madashan ka hadlay ayaa hadaladu marka la isku soo ururiyo waxuu hadalkoogu gundhigiisu ahaa in xukuumada ay dadaal badan u wado sidii ay u hirgalin lahayd barnaamijkii horumarkii ay balan qaaday loona baahan yahay in lala  shaqeeyo maamulka heer gobol.

xilwareejinta-6.JPG

Si kastaba ha ahaatee madashan maanta ayaa labada badhasaabka ee xilka la kala wareegayeen waxa ay kala qaateen documentsyada muhiimka ahaa ee xafiiska,  waxaanay qalinka ku duugeen waraaqo ka marag kacaya baaxada xilka lala kala wareegay, waxaanay dad badan iswaydiinayaan masuuliyiintan culus ee madasha timiday iyo maamulka cusub ee loo sameeyey gobolka Awdal maxay ka tari doontaa inuu cagaha isku taago maamulka fadhiidka ah ee ka jira G/Awdal tan iyo intii ay xukuumada cusubi dhalatay aanan hore u qaadin talaabooyinkii loo baahnaa.

xilwareejinta-7.JPG
xilwareejinta-8.JPG
xilwareejinta-9.JPG
xilwareejinta-11.JPG
xilwareejinta-12.JPG
xilwareejinta-13.JPG
xilwareejinta-14.JPG
xilwareejinta-15.JPG
xilwareejinta-16.JPG
xilwareejinta-17.JPG

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: