July 10, 2011 — giriyaadnews

Calanka Koonfur Sudan Oo La Taagey

July 9, 2011 — giriyaadnews

110708224229_south_sudan_flag_386x217_bbc_nocredit.jpg

Koonfur Sudan waxa xalay rasmi ahaan lagaga dhawaaqay inay tahay dal madaxbanaan oo gooni u taagan, waxana la saaray calankii dalkaasi cusub.

Dawladda Sudan ayaa iyana rasmi ahaan ugu dhawaaqday inay aqoonsatay dalkani ee Koonfur Sudan ee hore uga tirsanaan jirey. Damaashaadyo iyo daabaaldegyo weyn ayaa laga oogey meel kasta, lana filayaa inay si socdaan maalmahan, waxana ka qayb gelayaa munaasabaddan wufuud caalami ah iyo madax badan oo ka kala socota dalalka Afrika iyo adduunka kale intaba.

Dalka iyo Dadka

Sudan oo ahayd dalka ugu ballaadhan qaaradda Afrika oo ku fadhiday dhul dhan ilaa 2.5 malyuun (sq km) oo KM oo dhinac walba iska le’eg, waxay haatan u kala qaybsantay laba dal. Koonfur Sudan waxay ku fadhidaa ilaa 640,000 oo KM oo dhinac walba iska le’eg, waxayna u dhigantaa qiyaastii rubuc dhulweynihii hore ee Sudan. Waxa dhex mara webiga Nile, waxayna u badan tahay dhul-biyood dhir iyo cagaar leh. Koonfur Sudan waxay xuduud la yeelanaysaa dalalka Sudan, Ethiopia, Kenya, Uganda, DR Congo, iyo Jahuuriyadda Afrikada Dhexe.

Tiraa dadweynaha Koonfur Sudan waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 8 – 10 malyuun oo qof, waxayna u dhigmaysaa ilaa rubuc tiradii hore ee dadweynaha dalka Sudan oo guud ahaan isku ahaa in ka badan 40 malyuun. Dadweynaha Koonfur Sudan waxay ka kooban yihiin in ka badan 200 oo qawmiyadood amma qabaa’il, waxana u badan Dinka iyo Nuer-ka. Waxay ku hadlaan luqado kala duwan. Haatanse Af-Ingiriisiga ayaa noqnaya luqada rasmiga ah, waxanu bedelayaa tii hore ee Carabiga ahayd. Dadweyaha Koonfur Sudan waxay kala haystaan intooda badani caadoyin iyo caqiidooyin kala duwan oo dhaqan dhaqan oo dhawr ah, iyo diinta masiixiga.

Dhaqaalaha

Dadka reer Koonfur Sudan intooda badani waa reer miyi ka kooban xoola-dhaqato iyo beeraley (80%). Hasse ahaatee saliidda Sudan oo dhan ayaa la qiyaasay in 80% ay ku jirto Koonfur Sudan oo haatan dhaqaalahoodu si weyn ugu tuiirsan yahay saliiddaasi. Hasse ahaatee waxa lagu tilmaamaa haatan inuu ka mid yahay dalalka Afrika ugu liita xagga horumarka. Waxana intaasi u dheer dagaalladii sokeeye ee daba dheeraa oo keenay burbur kaabayaashii dhaqaalaha, kuna dhinteen dad ilaa 2 milyan ku dhawdhaw, iyo in badan oo kale oo barakacday, amma debadda u qaxday.

Taariikhda Siyasadeed

Koonfur Sudan waxay sanadkan bilawgiisii u codaysay inay gooni isku taagto ka dib markii laga qaaday afti dadweyne. Arrintani waxay ka danbaysay halgan dheer oo siaasadeed iyo mid dagaal oo qawmyadeed intaba. Sudan waxa soo maamuli jirey quwado hore oo kala geddisan oo ay ku jraan maamuladdii Turkiga iyo Masar, intii aan Ingiriisku qabsan Masar iyo Sudan. Ingriiska oo ka walaacsan Faransiiska iyo inuu dhinaca koonfureed ee webiga Nile oo biyaha soo mara kala dhantaalo, ayaa waxa uu maamulkiisii ku fidiyey ilaa koonfurta Sudan, si aan Masar loogu cunaqabatayn biyaha webiga Nile. Hasse ahaatee inti u dhaxaysay 1946 – 1956, Koonfur Sudan waxay lahayd maamul gooni ah oo Ingiriisku u sameeyey. waxay ka walaacsanaayeen waqooyigu in uu fulin waayo balanqaadyadii gobannimada ee 1956 oo ahaa hab federaal ah iyo cabsi ku saabsan in lagu soo rogo xukunka shareecada islaamka, iyo Carabnnimo.

Sidaasi awgeed, waxa jirey kacdoonno iyo dagaalo sokeeye laga soo bilaabo xilliyadaasi iyo intii ka horraysayba. Dada ilaa 2 malyuun oo qf ah ayaa ku dhintay agaalladaasi, ugu danbantiina waxa lagu soo afjaray heshiiskii nabadda ee 2005. Heshiiskaasi waxa uu horseeday aftidi sanadkan horraantiisa oo 99% ay u codeeyeen in Koofurta Sudan ay noqoto dal madaxbannaan.

Welise waxa sii jira xisado ka taagan gobollada xadka ee waqooyiga iyo koonfurta oo laga cabsi qabo in colaado hor lihi ay sii abuurmaan.

Madal Aad loogu kaftamay Oo Xilka Loogu Kala Tiriyay Badhasaabkii Hore Iyo Kan Dambe Ee Gobolka Awdal

July 9, 2011 — giriyaadnews

Goobjoognimada masuuliyiinta iyo xilwareejinta badhasaabka cusub maxay ka tari doontaa dardar galinta maamulka fadhiidka ah ee Gobolka Awdal”..

xilwareejinta-8.JPG

Boorama-(Lug)-Munaasibad ay dad badani ka soo qayb galeen oo ay xilka kula kala wareegayeen badhasaabka cusub iyo kii hore ee gobolka Awdal ayaa ka qabsoontay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, munaasibadan ayaa waxa kale oo goob joog ka ahaa wasiirka dib u dajibta, w/kuxigeenka Wasaarada waxbarashada iyo agaasimaha guud ee wasaarada  Arrimaha gudaha, agaasimaha guud ee wakaalada koronta, gudoomiye ku xigeenka Hayada NERAD, Xildhibaano, odaydhaqameedyo iyo masuuliyiin kale oo heer gobol iyo mid degmaba ah.

xilwareejinta-3.JPG

Munaasibadan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Suldaan Daahir Cilmi (Taajir) waxana uu sheegay in cuqaasha uu ka tirsan yahay ay la shaqayn doonaan badhasaabkan cusub, mar uu tilmaamayay badhasaabkii horena ayaa waxa uu tilmaamay inuu yahay mid halgankii isbadalka kaalin wayn ka soo qaatay isbadalkii dalka ka dhacay.

xilwareejinta-1.JPG

Badhasaabkii xilka wareejinayay Maxamed Daahir Cadbale oo isaguna madashan ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey mudadii uu xilka hayay waxyaabihii u qabsoomay waxana uu qiray in badhasaabkan cusubi uu la soo shaqeeyey, waxa kale oo uu yidhi in marar badan baa la I waydiinayaa waxa sabobay in udubtii hore xilka la iiga qaado, anigoo soo halgamay taasi jawaabteeduna waxa ay tahay in isbadalka xisbigayagu qayb ka tahay in aan umadda la kala qoqobin ee la is dhex galiyo waxaanu kale oo uu kula dardaarmay badhasaabka cusub inuu la shaqeeyo oday dhaqameedka iyo isuduwayaasha heer gobol isla markaana uu ka taxa diro in  number-ka telephoneka badhasaabka uu ku wareejinayo uu noqdo mid xidhan.

xilwareejinta-2.JPG

Badhasaabka cusub ee xilka loo wareejigay oo isaguna madasha ka hadlay ayaa qiray waxyaabaha u suurto galiyay inuu xilkan hanto waxana uu yidhi “waa run waxaan ahaa dadkii ugu xagjirsanaa wakhtigii ololaha waxaanan ahaa jiif caaqilkii madaxwaynihii hore maanta inaan xilkan la ii dhiibo waxay ku tusaysaa muwaadinnimadayda iyo inaanay meesha ka madhnayn in beelnimo la igu soo xushay, waxaan sheegayaa inaan umadda dhex dhexaadnimo iyo daacadnimo ugu shaqaynayo, waxaan qirayaa in badhasaabkii hore wakhti adag ku soo hagaagay hadii aan helo taageerada odaydhaqameedka aan qaybta ka ahayn waa hubaal in qorshayaashayda dhinaca horumarku ay meel marayaan.

xilwareejinta-4.JPG

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha C/laahi Falaki oo labada badhasaabka xilka u kala wareejinayay ayaa sheegay in go’aanka xil wareejintu uu yahay mid heer madaxwayne, waxana uu yidhi laga bilaabo saacadan waxa madaxwaynaha jamhuuriyada S/land uga wakiila G/Awdal Xasan Daahir Xaddi.

xilwareejinta-5.JPG

W/kuxigeenka Wasaarada waxbarashada Cali Xaamud iyo wasiirka dib u dajinta C/rasaaq cali oo labaduba madashan ka hadlay ayaa hadaladu marka la isku soo ururiyo waxuu hadalkoogu gundhigiisu ahaa in xukuumada ay dadaal badan u wado sidii ay u hirgalin lahayd barnaamijkii horumarkii ay balan qaaday loona baahan yahay in lala  shaqeeyo maamulka heer gobol.

xilwareejinta-6.JPG

Si kastaba ha ahaatee madashan maanta ayaa labada badhasaabka ee xilka la kala wareegayeen waxa ay kala qaateen documentsyada muhiimka ahaa ee xafiiska,  waxaanay qalinka ku duugeen waraaqo ka marag kacaya baaxada xilka lala kala wareegay, waxaanay dad badan iswaydiinayaan masuuliyiintan culus ee madasha timiday iyo maamulka cusub ee loo sameeyey gobolka Awdal maxay ka tari doontaa inuu cagaha isku taago maamulka fadhiidka ah ee ka jira G/Awdal tan iyo intii ay xukuumada cusubi dhalatay aanan hore u qaadin talaabooyinkii loo baahnaa.

xilwareejinta-7.JPG
xilwareejinta-8.JPG
xilwareejinta-9.JPG
xilwareejinta-11.JPG
xilwareejinta-12.JPG
xilwareejinta-13.JPG
xilwareejinta-14.JPG
xilwareejinta-15.JPG
xilwareejinta-16.JPG
xilwareejinta-17.JPG

Joke of the Day – Cartoon of the Day

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: