Madaxweyne Kuxigeenka Waan Ka Raalli Gelinaynaa Hadalka Daahir 15 Boorama Ka Sheegay

July 7, 2011 — giriyaadnews

Annigoo ka mid ah muwaadiniinta u dhalatay degaanka Boorama, isla markaana aan ka mid ahayn taageerayaashii ama siyaasiyiintii xisbiga talada haya ee kulmiye, waxaan aniga iyo inta wanaagga  iyo dawladnimada jeceliba ka xumaannay hadallo lagasoo xigtay nin la yidhaa Daahir Jaamac Muuse laguna naaneyso Daahir 15 oo sheegtay inuu ka mid yahay ama ahaa siyaasiyiinta kulmiye ee G/Awdal, kaasoo hadallo ka arradan  waddaninimada  ,siyaasadda iyo tolnimadaba    madaxweynekuxigeenka u mariyey qaar ka mid wargeysyada dalka , kuwaasoo uu ku cambaareeyey M/wayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo dawladda iyo xisbigaba.

Waxaan leeyahay hadalkaasi maaha mid wax ka ridi kara madaxweyne kuxigeenka iyo dadweynaha gobolkaba balse waa hadal wax yeelo ku ah sharaftiisa  iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed .Hadalada Daahir Jaamac maaha kuwa  dhaawac ku ah laftiisa eh waa mid ceeb ku ah dadweynaha reer Somaliland iyo reer Awdalba, Madaxweyne kuxigeenka Somaliland  waa siyaasi dadweynuhu u doorteen mansabkaasi , madaxweyne kuxigeenna uma ah dadweynaha reer Awdal oo keliya Madaxweynekuxigeen, balse waa masuul qaran oo aan lagu sifayn karin gobol, beel, iwm, mana jiro cid ka tirsan xisbulxaakimka Kulmiye oo hadallo noocaas ah u jeediyey xisbigii uu ka tirsanaa iyo dawladda  ka dhalatayba sidaa darteed waxaan leehahay hadalada caynkaas ahi maaha kuwa looga fadhiyey siyaasi sheeganaya xisbigaasi waanan ka raalligelinayaan madaxweyne kuxigeenka iyo dawladda uu ka tirsanyahayba, waxaan leehay  Daahir waxa uu baalmaray nidaamkii xil loo raadsanayey, xilka ilaahaybaa bixiya  ee shakhsi iyo dawlad la cambaareeyo kuma yimaaddo,  waxaanan walaalkay u sheegeyaa in hadalada caynkaasi ahi aanay wax faa’iido siyaasadeed lehayn balse ay muujinayaan  sida aanu daacad uga ahayn isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca, dan gaar ahna xisbiga ugu jirtay, sidaa darteedna  jid kale ayaa lagaaga baahan yahay  inaad usoo marto xilka aad ka doonayso xukuumadda iyo xisbiga, hadaladaasina waa kuwa xumaan uun kuu kordhinaya ee aan wanaag samaynayn .

Mudaharaad Ay Dhigeen Soomaalida Bilaa Sharciga Ah Ee Ku Nool Dalka Holland

July 7, 2011 — giriyaadnews

1.jpg

Utecht-(giriyaadnews)-Shalay waxa ka dhacay dalka Holland gaar ah aan Gobalka Utrecht Magaalo Madaxdiisa Utecht mudaharaad balaadhan oo ay soo qaban qabiyeen Ururka Stil oo ah ururka kaliya ee u dooda dadka ajaanibka ah ee ku nool dalkan Holland, mudaharaadkan waxa ka soo qayb galay qaybaha kale duwan ee bulshada Soomaalida ay ka kooban tahay, qaar ka mid ah warbaahinta iyo qaar ka mid ah ciidamka police-ka oo iyagu sugayay goobta uu ka dhacayay mudaharaadku taasi oo ah xarunta dhex ee Dawlada Hoose ee Magalada Utercht “Gemeente Utrecht” iyadoo ay ka soo qayb galeen qaybaha kale duwan ee dadka ajaanibta ah oo ka soo jeeda Dalalka Somaliya, Burundi, Ciraaq .

Inkastoo ay u badnaayeen dadka mudaharaadayay Somaali , mudaharaadkan oo ay ujeedadiisu ahayd in dadka soo galootiga ah ama soo qaxootiga ah ee loo diiday in la siiyo sharciga dalka ay ku joogayaan iyadoo loo tixraacayo nimaadka soo galootiga ah ee ka jira Dalalka midawga Yurub, qaar ka mid ah Somalida halkaasi ka hadashay waxay ku doodayeen ama ay cabashada ugu badan ay ahayd in ay wakhti xaadirkan haysan waxa ah nolol ah, sida hoy la’aan , daryeel caafimaad , dhaqaale la’aan waxa kale oo iyana halkaas ka hadashay hooyo Soomaliyeed oo qabta macan iyo dhiikar iyadoo oo ka cabanaysay in caruurteeda kaga timid Somaaliya iyana ay haysan sharci ay ugu yimaadan maalin walbana la igu dhaho ayay tiri dalkaagii Soomaaliya ayaan ku celinayaaan taasaa igu ah dhib kale oo aan tabanayo, waxa ka codsanayaa dawladu in ay cabashadayda wax ka qabtaan.

 1.jpg

Waxa goobta joogay Maayarka Magaalada Utrecht Mr Aleid Wolfsen oo goobta kale hadlay dadkii mudaharaadayay hadalkiisiina waxa ka mid ahaa “waxaan marka hore la xidhiidhayaa Wasiirka iyo Meeyarada kale si dadkan wax loogu helo loona siiyo hoy iyo daryeel caafimaad waan ogahay in dadka Somalida xiligan dib lugu celinayn Somaliya maadaama ay Xaalada Somaliya marayso meel halis ah” waxa u kala turjmaysay Somalida iyo Maayarka Istarliin Ismaaciil oo iyadu ah gabadh ka shaqaysta VVnta oo ah meel dadka soomalida lagu caawiyo .

3.jpg

Waxa kale oo meesha joogtay Gabadh ka socotay Xisbiga Groene Links oo ah urur ka jira dalka Holland, waxayna ka mid ahaa hadalkeeda aniga ka urur ahaan waxan diyaar u ahay in aan wax ka qabano waxaanan horgaynayaa golaha barlamaanka aan ka tirsanahay ee dagaankan utrecht waxaanan ka rajaynayaa in uu ka soo baxo go’aan wax qabad leh, mudaharaadkuna waxa uu ku dhamaaday si nabad galyo ku jirto .

4.jpg
5.jpg
6.jpg
7.jpg
12.jpg
13.jpg

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: