M/Hore Mud. Daahir Rayaale Oo U Mahadnaqay Dadkii Soo Dhaweeyey

Posted by giriyaadnews on June 30, 2011

Posted by giriyaadnews on June 30, 2011

Maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Europe, ayaa sheegtay in xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho oo aad qatar u ah awgeen ay dowladda Britain jabin doonto xuquuqda aadaha Europe hadii ay dib ugu celiso laba Soomaali magangalyo doon ah oo lagu helay in ay galeen dambiyo waawayn.

Ilaa laba boqol oo tallaabada oo kale ah ayaa UK ay wali go’aan ka gaaraysay.

Labada Soomaalida ah Cabdisamad Cadow Suufi iyo Cabdicasiis Ibraahim Cilmi ayaa qareenka u doodayaa uu sheegay in si xun loogu dhaqmayo ama la dilayo hadii Soomaaliya lagu celiyo.

Xaakimyada maxkamadda ayaa xukmiyay in labada qof dib u celintooda ay noqonaysa in lagu xadgudbay axdiga xuquuqda aadanaha sababtoo ah waxay la kulmi karaan in loola dhaqmo si bini’aadaminimada ka baxsan.

Maxkamaddan ayaa tijaabo u ahayd Soomaali badan oo magangalyo doon ah oo ku sugan Europe oo dhan.

Xaakimyada ayaa u arkay in xaaladda Muqdisho aysan ku badbaadi karin Soomaalida inteeda badan.

Dowladda Britain waxay sheegtay in aysan ku faraxsanayn go’aanka maxkamadda.

Posted by giriyaadnews on June 29, 2011

Posted by giriyaadnews on June 29, 2011

ahmed ibraahim gesale

 halkan waxaad ku arkaysiin faras faraskaasi waa faraskii axmad abrayn geesaale oo loo yaqaano ahmed ibraahin qasaali laakiin aan sidaa ahayn oo dadkii waagaa ka midahaa ciidamadiisa oo aan karayn abray ayaa yidhi ibraahin run ahaantiina abrayn marka afcarabi loogu dhawaaqo waa ibraahin geesaalena waa sidaasoo kale oo geesale waa af soomaali marka carabi loogu dhawaaqo waa Qeesale amxaaraduna waxayba ugu dhawaaqaan qaysali markaa soomaalidu waxay raaceen afafkiikale oo axmed ibrahin qasaali uunbay ugu dhawaqaan maaha sidaa waa axmad ibrahim geesale oo ahaa nin reer awdal u dhashay oo anuu aan ku abtirsado markaan abtirsanaayo waan maraa axmed ibraahim geesaale oo axmad guray loo yaqaano ahaana nin soomaaliya oo soomaalinimo u diriraayay guulahii aw soomaali u soo hooyayna lawada ogsoonyayay xaruntiisuna ay ahayd magaalada qadiimiga ah ee taariikhda dheerleh ee saylac oo wali dadkii ka tafiirmay  ay sii daganyahiin hadaan hadalka soo koobo axmed guray waxuu ahaa mujaahid soomaaliya kuna dagaalamaayay soomaalinimo iyo islaam nimo lana dagaalamayay gaalo rabtay inay soomaalida ka qaadato dhulka axmad guray maahayn carab oo somalidu taariikhda axmed guray maraadiyaan oo nama waydiiyaan oo mayidhaahaan dakii ka hadhay aaway ee waxay ku soo koobaan waxuu ahaa carab sidoo kale xabashiduna way sheegataa taariikhdiisa marna inuu islaam ahaa oo uu ladagaalamayay bay sheegaan sidoo kale soomaalida dad aan dagaanka saylac ahayn shaqona ku lahayn baa iska sheegta axmed guray hadaar sii waraysatana magaranayno taariikhdiisa bay ku odhanayaan hadaba anagaa ah tafiirtii ka soo fircantay abtirsiin tayaduna martaaye nikii taariikh uga baahani ha nalasoo xidhiidho oo hanagala soo xidhiidho website kani magaciisa la yidhaaho giriyaadnews anba email; wdawdalstate@gmail.com hadaba tixdani gabayga ah ee gaabana sii milicsada inigoo macnaheeda dhuuxaya

bismilaahi raxmani raxiim

bilawgii qarniga waxan lahayn dawlad loo bogaye

boqol iyo gudoonshuu ahaa baarlamankuna e

badmareenadaa iman jiroo buugagbaa qorane

bilaash xayte yaw yaan la noqon  baquhu waa ceebe

axmed guray badaa kuma jiree waa bahdaanahaye

waa nimanka buurmadaw dagee boonqas garab yaale

saylac baalaheediyo dilaad booqasho u imane

halkaasaad bayaankiyo ka heli been masheegtada e

bilaash xayte yaw yaan lanoqon baquhu waaceebe

hayeeshee qarnigu wuu badalay beeshii samaroone

ingiriis waxuu baadhayuu bad uga soo gooshay

balanqaad isaaq buu kahelay barina loo guurye

halkaabaan kusoo gaabinayaa aqristeyaal

http://platform.twitter.com/widgets/tweet_button.html?url=http%3A%2F%2Fwp.me%2Fp1D0mU-a8&counturl=http%3A%2F%2Fgiriyaadnews.wordpress.com%2F2011%2F06%2F29%2Fkusoo-dhawaada-gabay-aan-hada-halaki-ku-soo-koobi-karayn-laakiin-aan-murtida-ka-soo-qaadanayo%2F&count=horizontal&text=kusoo%20dhawaada%20gabay%20aan%20hada%20halaki%20ku%20soo%20koobi%20karayn%20laakiin%20aan%20murtida%20ka%20soo%20qaadanayo:

Posted by giriyaadnews on June 29, 2011

Posted by giriyaadnews on June 29, 2011

Posted by giriyaadnews on June 29, 2011

Arbaco, June 29, 2011 (giriyaadnews) – Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa xalay kusoo bandhigay xarunta degmadaas ee Jowhar filimaan ku saabsan dagaallada ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmarya magaalada Muqdisho, iyadoo goobta lagu soo bandhigay filimaantan ay ku sugnaayeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.

Filimaantan ayaa waxaa isku-soo-duway telefishinka Al-Kataa’ib ee ku hadla afka Xarrakada Al-shabaab, waxaana qayb ka ahaa qaraxyo lala beegsaday saldhigyada ay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Uganda ku leeyihiin Muqdisho.

Dadweynaha degmada Jowhar ayaa filimaanta daawaday, iyadoo dadkii goobta ku sugnaa ay sheegeen inay arkeen maydadka askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu jiidayo waddooyinka Muqdisho iyo kuwo kale oo ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

Saraakiisha Xarrakatul Shabaab ayaa shacabkii aflaantaas daawanayay ku booriyay inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo ay sheegeen inay yihiin cadow duulaan ku ah diinta Islaamka.

Gobollada dalka qaarkood ayaa sidan oo kale loo geeyay filimaantan si ay dadku u daawadaan, iyadoo magaalada Muqdisho laga baahiyay iyagoo maqal iyo muuqaal ah telefishinka Al-Kataa’ib iyo idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Xarrakada Al-shabaab.

Xarrakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay awood ku qabsato dalka oo dhan, si ay ugu soo rogto ku dhaqanka shareecada Islaamka.

http://platform.twitter.com/widgets/tweet_button.html?url=http%3A%2F%2Fwp.me%2Fp1D0mU-9Y&counturl=http%3A%2F%2Fgiriyaadnews.wordpress.com%2F2011%2F06%2F29%2Fxarrakada-al-shabaab-oo-gobolka-shabeellada-dhexe-kusoo-bandhigay-filimaan-ku-saabsan-dagaallada-muqdisho%2F&count=horizontal&text=Xarrakada%20Al-shabaab%20oo%20Gobolka%20Shabeellada%20dhexe%20kusoo%20bandhigay%20filimaan%20ku%20saabsan%20dagaallada%20Muqdisho:

Posted by giriyaadnews on June 28, 2011

Hargeysa (giriyaadnews)- Xukuumadda Somaliland iyo ergooyinka beelaha dhulbahante iyo garabka hubaysan ee SSC ee ka qeyb galay shirweynaha nabadda ee Widh-widh, ayaa maanta si ramsi ah u kala saxeexday heshiis hor dhac ah oo ka kooban 8 Qodob, si loogu gudbo wajiga labaad ee wadahadalada shirweynaha nabadeynta.

Heshiiskan hordhaca ah waxa saxeexay dhinaca Xukuumada Somaliland Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahi Cali, ahna madaxa weftiga xukuumada u metalaya wada hadalada shir nabadeedka Widh-widh, dhinaca garabka hubaysan ee SSC waxa u saxeexay Guddoomiyaha Golaha Khusuusiga C/Risaaq Xasan Ismaaciil, waxa kale oo isna wax ka saxeexay madaxa shir nabadeedkan Keyse Cabdi Yuusuf iyo laba Xildhibaan oo ka kala socday Goleyaasha Baarlamaanka kuwaas oo kala ah Md. Maxamed Axmed Barre (Garaad) oo ka socday aqalka odayaasha iyo Md. Maxamed Faarax Qabile oo ka socday Golaha Wakiilada.

Heshiiskan hordhaca ah oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.Org waxa qodobadiisu u dhignaayeen sidan:-

1- Shirweynaha Nabadda waxa la isla gartay Nabad iyo midnimo waarta oo dhex marta SSC, Dhulbahante iyo dawlada Somaliland.

2- Shirka Nabadda ee Guuleed waxa la isla qaatay awood qaybsi siyaasadeed iyo wada tashi buuxa, waxaana lagu soo qabyo tirayaa wareega dambe ee wada hadalada shirka.

3- Shirka Nabada ee Guuleed waxa la isla qaatay in wixii ku saabsan arrimo ciidan in looga wada hadlo si hoose gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida gaarka ah ee shirka Widh-widh.

4- Shirka nabadda waxa la isla gartay in la sii daayo maxaabiista dagaal ee SSC isla markaana maxaabiista kale ee loo haysto dambiyada gaarka ah la horkeeno Garsoor lagu wada kalsoon yahay sida ugu dhakhsaha badan.

5- Shirka waxa la isla qaatay in la joojiyo dhul qodista iyo dhul durugsiga aan la ogolayn.

6- Shirku wuxuu ku baaqayaa in la xaliyo shaqaaqadii iyo dhibaatadii ka dhacday Kalshaalle.

7- Shirka Nabadda ee Widh-widh waxa la isla qaatay in ahmiyad weyn la siiyo deegaamada Dhulbahante oo dib u dhac badani ka muuqdo si loo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka,biyaha iyo wixii la mid ah.

8- Shirka Nabada waxa la isla qaatay in si kama dambays ah loo qaato gogol nabadeed oo ay ka soo qeyb galaan SSC iyo dhulbahante inta shirka ka maqani.”

Xigasho: bakipress 

http://platform.twitter.com/widgets/tweet_button.html?url=http%3A%2F%2Fwp.me%2Fp1D0mU-9D&counturl=http%3A%2F%2Fgiriyaadnews.wordpress.com%2F2011%2F06%2F28%2Fgo%25e2%2580%2599aamo-hordhac-ah-oo-lagu-kala-saxeexday-shirweynihii-nabadeynta-ee-widh-widh-2%2F&count=horizontal&text=Go%E2%80%99aamo%20Hordhac%20ah%20oo%20Lagu%20Kala%20Saxeexday%20Shirweynihii%20Nabadeynta%20ee%20Widh-widh:

Posted by giriyaadnews on June 28, 2011

Posted by giriyaadnews on June 28, 2011

Posted by giriyaadnews on June 28, 2011

Posted by giriyaadnews on June 28, 2011

Hargeysa-(giriyaadnews- Xukuumada ayaa sheegtay in laba nin oo Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya Ha’yada WFP oo bishii hore lagu afduubay deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay soo gaadheen Somaliland, markii ay ka soo baxsadeen afduubeyaashii haystay, kuwaasi oo dib loogu celinayo dalkoodii.Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in labadaasi nin ay ka soo baxsadeen afduubeyaashii haystay ka dibna ay soo gaadheen Somaliland.

“Labadan nin waxay soo gaadheen Somaliland, ma doonayo inaan ka hadlo cidii afduubtay waayo waxa kiiskoodu ka dhacay gudaha Itoobiya muddo laga joogo lix todobaad, waxaanse idiin xaqiijinayaa in labadan nin oo caafimaad qaba loo celinayo dalkoodii,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo u waramayay laanta afsoomaaliga ee idaacada VOA-da.

Wasiirku waxa uu sheegay in arrinta labadan nin ay kala hadleen safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland waxaanu tilmaamay in laga wada hadlay sidii nimankan loogu gudbin lahaa da:http://platform.twitter.com/widgets/tweet_button.html?url=http%3A%2F%2Fwp.me%2Fs1D0mU-570&counturl=http%3A%2F%2Fgiriyaadnews.wordpress.com%2F2011%2F06%2F28%2F570%2F&count=horizontal&text=Xukuumadda%20Oo%20Ka%20Hadashay%20Laba%20Nin%20Oo%20Afduub%20Loogu%20Haystay%20Itoobiya%20Oo%20Soo%20Gaadhay%20Somaliland:

Posted by giriyaadnews on June 28, 2011

Ra’iisal Wasaaraha cusub oo la dhaariyay

Somali new prime ministerRa’iisal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas ayaa maanta loo dhaariyay jagada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu baarlamaanku ansixiyay magacaabiddiisa.

Ra’iisal Wasaare Cabdiweli waxaa hadda looga fadhiyaa in uu soo dhiso dowlad tayo leh, waxna ka qaban karta xilliga kala guurka ah ee lagu jiro.
Ra’iisal Wasaarahan waa kii saddexaad ee uu magacaabo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed tan iyo 2009.

Guddoomiyaha baarlama

Posted by giriyaadnews on June 27, 2011

Posted by giriyaadnews on June 27, 2011

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: