aqristeyaasha sharaftalehow ku nasta heestan aw inoogu luqaynayo fanaankeenii guuleed dayaxVideo Hees Cusub : Sawda iyo Fanaan Guled Dayax

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

S

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Hawlaha ay Midawga yurub iyo FOA ay ka wado Somalia

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Qaar ka tirsan Xildhibaanada reer Awdal oo markii u horeysay ka hadlay soo dhaweyntii Dahir Rayale

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

Hargeysa(giriyaadnews)- Qaar ka tirsan Xildhibaanada reer Awdal ayaa sheegay inay xukumada Silaanyo ay dhashay SSC iyo Awdal State hadana la filayo kuwo kale oo badan inay dhasho . Xidhibaanadan ayaa waxay sheegeen in laga cabsi qabo ururo gudaha dalka ka dhasha oo ka dhan ah Somaliland in dhawaan la arki doono waa sida ay hadalka u dhigeene. Inkasta oo ay dhawrkan xildhibaan diideen in magacooda la shaaciyo hadana waxay aad ugu fogaadeen inay ka warhayaan arimo badan oo ka socda magaalo madaxda Jamuuriyada Somaliland iyo gobolka Togdheer oo labaduna salka ku haya saluug weyn oo ay beelaha ugu goboladaasi ka qabaan xukumada Axmed Silaanyo madaxa ka yahay.


“Lama garan karo siyaasada guracan ee xukumada Silaanyo meesha ay sal dhigi doonto iyo sida ay ku danbayn doono ayey hadalkooda ku dareen” Xildhibaanadan ayaa dhinaca kale waxay talooyin u soo jeediyeen Badhasaabka gobolka Awdal oo ay ku tilmaameen fukuc yare aan saxaafada ka dhamaan waxayna yidhaahdeen ” Waxaanu Badhasaabka gobolka AWdal kula talin lahayn inuu saxaafada ka yara nasto .. Inkasta oo mawduucayagu kan ka duwan yahay hadana lehejeclo ayaanu ka qabnaa siyaasi kasoo jeeda gobolka Awdal inuu dhalaanka goorwalba horyimaado isagoo u jawaabaya jariidado lacag raadis ah oo waxay doonaanba qori kara.Xildhibaanada reer Awdal ah ayaa waxa kale oo ay ka hadleen sidii foosha xumayd ee loo maamulay soo dhaweyntii Madaxweyne Dahir Rayale oo ay ku tilmaameen inay ka turjumaysay waxa ay ugu yeedheen “Axankii Somaliland ” waxayna yidhaahdeen ” Aduunka iyo wadamada dariska aan nahay waxay isha ku hayeen sida loo soo dhaweeyo Madaxweyne Dahir Rayale Kahin oo noqon lahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Wadan Afrikaana ee laga helo jagada madaxweynenimo ee dabadeed intuu si nabad ah wadankiisa uga dhoofay hadana lagu soo dhaweeyey.. Nasiib daro xukumada maanta jirtaayi arinikaa way ku fashilantey oo waxaabad moodaysay in ay xukkumadu ka cabsi qabtey soo laabashada Dahir Rayale inay iyada halis kutahay!! 

Naburkaasi wuu dhacay marlabaadna lama kabi kari lakiin nabur kaa ka weyn ayey xukumada Somaliland usoo wadaa dadweynaha Somaliland iyo dalkaba nabarkaasina wawxa uu yahay ” Aargooshaso qabiil oo keeni karta in somaliland lagu kala yaaco isla markaana ay meesha ka baxdo qaranimada Somaliland.

Xildhibaanada reer AWdal waxay carabka aad ugu adkeeyeen dardaaranka ah ” Waa in si wadajir ah looga hortagaa siyaasada qalafsan ee xukumada somaliland oo qabyaalad iyo aargoosi wada”

Gabagabadii waraaqdan ay xildhibaanadu soo gaadhsiiyeen giriyaadnews ayay kaga hadleen dhaliisha siyaasiinta reer Awdal ee jagooyinka macmalka ukala borotamaaya waxayna amaan aan lasoo koobi karin udireen Ambassador Maxmed Sheekh Xasan Nuuriye oo hawada u diray jago dawlada silaanyo u magacawday waxayna aad uga xumaadeen in jagadaasi noqotey mid reer Awdal dhinaca kale laga galiyo.

Akhristayaasha giriyaadnews intaa ayaanu idiinka soo qaadnay nuxurka waraaq dheer oo ay qaar ka tirsan xildhibaanada gobolada galbeed ee Somaliland ay soo gaadhsiiyeen giriyaadnews


Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Video: Maxamed Xaji Ibrahim Cigal waxay ku qaadatey 9 daqiiqo Silaanyana sanad iyo siyaado

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

Hargeysa(Saylac.com)- Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal oo ka hadlaayey qadiyada Somaliland waxay ku qaadatey oo kaliya in ka yar 10 daqiiqo inuu si tafatiran uqaadaa dhigo siduu ku yimid magaca Somaliland. Nasiib daro soomaalidu waxay tidhaa meel libaax ka tagay dacawo boodbooday maanta Silaanyo magaca iyo qadiyad uu sharxo iska daaye dadkii ayuu kala dilay qabyaalad hoose oo is xorayn ah ayuu kula jiraa qabaa’ilada kale ee Somaliland oo ay ugu horeeyaan Beelaha Awdal iyo Galbeedka Burco . Hadana waxaad nala daawataan qadarkan Video ga ah ee laga duubay Madaxweyne Cigaal

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Video: Dhoolatus Milateri oo ay wada qateen Ciidamada Jabuuti iyo Maraykanku

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

Newvideo: Dood: Furashada Xisbiyada Somaliland

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Saylici Oo Nin China U Dhashay Diinta Islaamka Ku Soo Dhaweeyay

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

chinese.jpg

saylici.jpgHargaysa (lug)- Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Al-Xaaji C/Raxman C/laahi ismaaciil (Saylici) ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey Diinta

 Islaamka nin la yidhaahdo Jewi cheki oo u dhashay dalka China oo islaamay.

Md. Saylici wuxu uu sheegay inay Diinta Islaamku  tahay diinta keliya ee Xaqa ah ee Illaahay Quraankiisa ku sheegay.
Ninkan Shiine ah oo Ganacsade ah ayaa Shalay Salaadii Duhur Ashahaadada loogu Qabtay Masaajid ku Yaala Madaxtooyada Somaliland Gudaheeda halkaasi oo Masuuliyiintii Salaada ku Tukanaysay Masaajidku ugu Duceeyeen ninkaasi ku soo Biiray Diinta Suuban ee Islaamka.

chinese.jpgsaylici1.jpg
Masuuliyiintii halkaasi ku sugnaa ayaa dhamaantood soo dhaweeyay Ninkan Chines-ka ah ee ku soo Biiray Diinta Islaamka, iyada oo isla markiiba la Raaciyay Qof bara Waysada iyo Salaada.
Waa Markii ugu horaysay ee Maajidka Madaxtooyada uu ku Muslimo Ruux Markii hore Gaal ahaa .

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Diiradda Lughaya News: Rayaale Maxaa Loo Rasaaseeyay?

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

rayaale.jpg

(lug)- Isniintii inna dhaaftay ayaa waxa magaalada Hargaysa soo gaadhay madaxwaynihii hore ee Somali Land mudane Daahir Rayaale Kaahin oo dalka ka anbabaxay maalintii laga heley doorashadii madaxnimo ee sannadkii 2010 kii, kadib markii uu qaaday tallaabo baal dahab ah ka gashay taariikhda Somali Land ee uu xilkii si sharaf leh u dhiibay una hoggaansamay natiijooyinka guddiga doorashooyinka.

Madaxwayne Daahir Rayaale oo ay dad badani u yaqaannaan aabaha dimuqraadiyadda Somali Land oo hirgeliyay doorashadii u horraysay ee hab dimuqraadi ah loo tartamo ayaa isniintii inna dhaaftay isaga iyo taageerayaashiisiiba rasaas oodda lagaga qaaday kadib markii  ay taageerayaashu  damceen inay madaarka gelaan madaxwaynihii horena shandadaha la soo guraan.

Wasiirka duulista ee Somali Land  Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la sheegay inuu bixiyay isagu amarka lagu rasaaseeyay Rayaale iyo taageerayaashiisa, haseyeeshee mar danbe beeniyay warkaasi islamarkaana caddeeyey in ayna xukuumadda Kulmiye marnaba ula macaamili doonin mucaaradka UDUB sidii ay reer Udub markay dawladda hayeen u silcin jireen masuuliinta mucaaradka ah iyo taageerayaashooda, hadalkaasoo ay dadbadani u macnaysteen aar-goosi.

Si kastaba ha ahaatee xilligii ay rasaastu bilaabantay madaarka  Cigaal  ee Hargaysaad gudihiisa qas baa ka dhacay iyo isjiid-jiidasho, taasoo keentay inuu mudane Rayaale laftiisu kufay beerkana u dhacay haseyeeshee lama sheegin illaa imika wax dhaawac ah oo soo gaadhay.

Rayaale oo tan iyo maalintii uu yimid hab rayidnimo ah ugu nool Hargaysa oo aan wali gurigiisa ka soo bixin ayaa waxa ay wararku sheegayaan in sirdoonka Somali Land  ay isha ku hayaan, iyada oo aan sobobta arrintaa keentay la garanayn.

Daahir Rayaale oo la aaminsanyahay inuu sumcad -wanaag kaga tagay Somali Land, lana rajaynayay in si sharaftiisa u qalanta loo soo dhaweeyo ayaa nasiib darro  kala kulmay Hargaysa, arrintaasoo dareen qabyaaladeed galisay bulshada galbeedka Somali Land.

Dhinac kale, ilo ku dhaw-dhaw sirdoonka Somali Land ayaa sheegaya in xidhiidhka Rayaale la leeyahay Ethiopia iyo socdaallada uu  Addis Ababa ugu laba noqdo ay yihiin kuwo shiki badan dhalin kara, maadaama uu yahay Daahir khabiir sirdoonka muddo badan ka soo shaqayn jiray, Illaa imikana aan lagu niyadsamaan Karin inuu siyaasadda Somali Land ka fadhiistay sida uu isagu meelo badan ka sheegay.

Sidoo kale waxa ay ilahaasi sheegayaan in Mr. Daahir laga uriyay Kacdoonka Awdal State oo ay dad badan oo reer Hargaysaaad ahi qabaan inuu  isaga laftiisu daaahyo dabadood ka maamulo wixii uu kharash ku taageeri karana bixiyo. Inkasta oo uu madaxwayne Daahir yahay nin Somali Land iyo Awdal Land-ba ka gudbay oo mutaystay jago caalami ah inuu dunida ka qabto sida ay siyaasiyiin badani aaminsanyihiin.

Isku soo wada duuboo, xukuumadda Siilaanyo way ku fashilantay inay dhacdadan qaran ee muhiimka ah dawgeeda mariso,  waxanad mooddaa in dhaqankani waxbdan seejinayo Somali Land iyo himiladii citiraaf raadinta, mar haddii madaxwaynihii sida sharfta leh xilka u wareejiyayba habkan silica leh loola dhaqmay. Dad badanina waxa ay soo jeedinayaan in xukuumadda Siilaanyo ay arrintan xaal-marin ka bixiso, Rayaalena la soo hubiyo inuu kufitaankii dhaawac ka soo gaadhay iyo in kale, halka ay qaar kalena Rayaale kula talinayaan inuu mashruucan socon waayay ee Awdalstate boodhka ka jafo oo uu beelaha Samaroon horkaco kana dhaadhiciyo qiimiha gooni isku taagga iyo isku duubnaanta mar haddii ay sidani wax u dhaceen.

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Badhsaabka G/Awdal Oo Si Kulul U Beeniyay War Lagu Daabacay Joornaalka Waaheen Iyo Wakiilka Joornaalka Waaheen Oo Arintaas Dhinac Isaga Riixay

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

Posted in Uncategorized | Edit | Leave a Comment »

Badhasaabka G/Awdal Oo Beeniyay In 80 Dhalinyaro Ah Loogu Xidh Xidhay Falal Argagaxiso Magaalada Boorama

Posted by giriyaadnews on June 25, 2011

maxamed-daahir-cabdale.jpg

Boorama-(Lug)-Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle oo xlaay khadka telelphoneka kula soo xidhiidhay shabakada wararka ee Lughayanews ayaa Beeniyay War Uu Qoray Wargayska Waaheen Kaasi Oo Ayaa In Boorama 80 Dhalinyaro Ah Looogu Xidhxidhay Falal Argagixisonim, badhasaabka oo arrimahan ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxa dhawaan wargeyska waaheen lagu qoray in Boorama dhalinyaro 80 gaadhaysa loogu qabqabtay falal argagixiso nimo oo ay doonayaan inay ku biiraan ururka AL-shabaab, waxaan leenahay waxaasi waxba kama jiraan magaalada Boorama waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu horeeya xaga nabada iyo warbarashada”.

Gudoomiyaha ayaa waxa ay digniin u diray qolooyinka saxaafada waxaanuu uga digay inay iska qoraan waxyaabo aan la hubin, warkani cidii qortayna ay la tiirsan doonaan sharciga”.

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: