Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Posted by giriyaadnews on June 23, 2011

Dardaarankii ugu danbeeyey ee Allaha u naxariistee Abwaan Xasan Sheekh Muumin kula dardaarmay Beelaha Samaroon

Part One Of Four 

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Posted by giriyaadnews on June 23, 2011

Fadeexad Naagta heesta ee Roda Wacan oo Awdal State waxka sheegtey.

undefined
Fadeexad Naagta heesta ee Roda Wacan-cod si sira looga duubay Dhageyso.
Naag Fanka ku jirtay shan iyo labaatan sano hadana cod xumideeda aan heesaha la dhageysan

http://saylac.com/mp3s/Wimpy%20MP3%20Player%20v6.0.28/wimpy.swf

ayaa todobaadkaan laga duubay cod ay ku caaynee qabiiladda

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Posted by giriyaadnews on June 23, 2011

New Video: Rayiga dadweynaha Borama ee furashada Xisbiyada Badan

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Xanuunka Jeelku leeyahay oo ay ka warameen lix ka mid ah Taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo Xaaska Cheif Cabinetka Somaliland dhawr cisho ku xidhnaa Jijiga

Posted by giriyaadnews on June 23, 2011

Ciidamada Booliska K5aad

Jijiga(Saylac.com)- Lix Sarkaal oo uu ku jiro Taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo shan kale oo ay ku jirto Xaaska Cheif Cabinet Xirsi ayaa taniyo bishan Juun lixdeedii ku jiray Jeelka Dhexe ee magaalada Jijiga. Xidhniinka Madaxda ka tirsan Somaliland ayaa ka danbaysay ka dib markii khilaaf ba’ani uu soo kala dhex galay Xukumada Somaliland iyo Maamulka K5aad.

 

Saylac.com ayaa ogaatey in ciidamada New Boolis loo yaqaano ee K5aad ay bishan horaanteedii ka warheleen in Xafiiska Dahabshil ee Wajaale ku yaali uu fuliyey lacag kala wareejin aan sharci ahayn oo ay Itoobiya uga shikiday in lacagtaasi u socotey kooxaha argagixisda caalamiga ah. Ciidanka New Booliska K5aad ayaa weerar ku soo qaaday Xafiiska Dahabshil ee Wajaale iyago rabay inay gacanta ku dhigan Labada wakiil ee Xafiiska Dahabshil ka shaqeeya balse ciidanka Booliska Somaliland oo ka warhelay imaatinka Ciidamada Itoobiya ayaa wargeliyey labada shaqsi ee lagu daba jiray inay ka baxsadaan wajaale .

Arintan ayaa muran weyn ka dhex dhalisay ciidamada New Booliska ee K5aad iyo Ciidanka Booliska Somaliland waxana lagu kala tagay muran aad u sareeya. Laba casho ka dib wafti heer qaran ah oo ka socda Xukumada Somaliland ayaa ka degay madaarka Jijiga waftigan oo sida la sheegay u socday wadahadal raadis iyo raali galin ay us sideen Maamulka K5aad. Lakiin markaliya ayey arintu cirka isku shareertey ka dib markii lixdii Sarkaal ee diyaarada watey oo dhan Jeelka Jijiga loo dhaadhiciyey. Amarkan oo uu Bixiyey madaxweynaha K5aad ayaa waxa uu qaadan waa ku riday Xukumada Somaliland .

Shan Casho ayey jeelka ku jireen Saraakiisha Somaliland oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Sirdoonta Somaliland iyo qaar kale . Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Jijiga ayaa saylac.com u sheegay in laba maalmood ka dib lasii daayey Xaaska Cheif Cabinet Xirsi oo uu sheegay inay xanuun ka qaaday joogitaanka Jeelka Jijiga. Sarkaalka oo saylac.com la hadlaayeyna waxa uu yidhi” Xaaska Cabinet Xirsi waxaan u siidaynay codsi gaar ah oo uu Xirsi usoo diray Maamulka Jijiga waxanan tixgelinay codsiga madaama ay xaaskiisu xanuun ka qaadey Jeelka Jijgiga.”

Saraakiisha kale ee Jeelka Jijiga ku waabareesatey waxa ka mid ahaa Sarkaal Sirdoonka Somaliland ka tirsan oo ay Ilmaadeer yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo. Sarkaalkan oo ay ciidamada Itoobiya mudo ahba ku dabajireen ugana shikiyeen inuu hawlo aan la garanayn fuliyo ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Saalin.

Ciidamada Sirdoonka Dalka Itoobiya waxay shegeen inay hayaan liis magacaan uu ku jiro Xasan Saalin iyo dhawr sheekh oo dhawaan Silaanyo ku siidaayey cafis dadkan oo ay Dawlada Federaalka Itoobiya uga shikisan tahay inay kooxaha Alshabab lugkuleeyihiin.

Madaxdan Somaliland dhamaantood maanta ayaa laga soo daayey Jeelka Jijiga waxana wajigooda ka muuqatey jactad iyo dhibaato ay muteen mudadii ay ku jireen Jeelka Jijiga.

Mid ka tirsan Sarakiisha Somaliland ee laga siidaayey Jeelka Jijiga ayaa saylac.com u sheegay in aanu waligii ku fikirin Jeel Ku yaala Jijiga ayaad gali mudo dhawr casho ah waxaanu yidhi ” Marka hore khibrad weeye noloshu Jeelkanise wuxuu ahaa mid aad u liita dhinaca nadaafada iyo adeega maxbuuska hadii aan ka baxnayse waa Ilaahay mahadii”

Dhinaca kale dhalinyaro reer Awdal ah oo ku sugan magaalada Jijiga ayaa saxaafada si kaftan ugu sheegay in xanuunka Jeelku leeyahay madaxda Somaliland dhadhamiso waayo ayey yidhaahdeen maalin walba dhalinyarada reer Borama ayey si sharci daro ah iskaga xidhxidhaan maantana iyagii ayey ku dhacday”
Xukumada Somaliland wali lagama hayo wax warbixin ah oo khilaafkan Somaliland iyo K5aad soo kala dhex galay ku saabsan waxana la filayaa in maalmaha inagu soo socda laga hadlo

 

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

halkani ka milicso shir waynihii beel waynta maxamed case iyo beesha jibriir yonis ay wada yeesheen oo aan ugu soo celinay cidii aw dhaafay markii hore hada haka dhagaysato shaashada barta internet ka ee iyo saxaafada madaxa banaan ee giriyaadnews

Posted by giriyaadnews on June 22, 2011

  • Comm

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

warbixin goobta laga dhisaayo dikada lughaya iyo hibo nuura oo u heestay dikada lughaya dawasho wacan

Posted by giriyaadnews on June 22, 2011

Top Video :Warbixin ,Goobta laga dhisayo Dekada Lughaya

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Posted by giriyaadnews on June 22, 2011

Daawo Soo dhaweyntii Dahir Rayale ee Hargeysa iyo Silaanyo oo madaxu ka xanuunay soo dhaweynta Dahir

Dahir Rayale oo reer Hargeysa ku noqday “Xusuusbaa Geela lagu xergeeyaa”  Cidina iska indho tiri mayso maalmihii dahabiga ahaa ee soo maray Somaliland iyo sida fursadaa qaaliga ah dadweynaha Somaliland ay u giraangiriyeen kadib markii ay qabyaaladu kala cuslaatey masayrkii Somaliland isla markaana ay doorteen Oday Axmed Silaanyo oo maanta halka uu dalkii dhigay la wadda arkayo . Waxa maanta magaaladda Hargeysa lagu soo dhaweeyey Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin oo yar iyo weyn dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ay isa safeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport ilaa madaxtooyada Somaliland.

Madaxdii Xisbiyada Mucaaradka oo ay ugu horeeyaan Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne kugeenkii hore ee Somaliland ayaa yaab indhaha qabsaday kadib markii inamo yaryar oo Koofiiyad casi ay iska hortaageen albaabka Madaarka laga galo si ay usoo dhaweeyaan Madaxweyne Dahir Rayale Kahin.

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Hees Cusub : Hibo Nuura ” Guuldarada ka gaashaamo

Posted by giriyaadnews on June 22, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comment »

Wasiirka Dib U Dajinta Oo Soo Kormeeray Wasaaradaha Heer Gobol Ee Dawlada

Posted by giriyaadnews on June 22, 2011

Posted in Uncategorized | Leave a Comme

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: