Baarlamaanka Soomaaliya oo Xaflad balaadhan usameeyey Awdal State

Muqdisho(Saylac.com) Xaflad aad loo sagaasimay oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya laguna tageeray Maamul goboleedka Awdal Stae ayaa waxa isugu yimid xildhibaanada Baarlamaanka Soomaalida ee iyo aqooyahano Soomaaliyeed iyo waliba xubno ka tirsan laamaha bulshadu ka kooban tahay.  Hobolada Waaber ayaa wacdaro ka dhigay Madaxtooyadda Soomaaliya oo ay xafladdani ka dhacday . Hobolada Qaranka Soomaaliyeed hooyada Fanka Soomaaliyeed Waaberi waxay soo badhigeen Bandhig Faneed aad ay uguga hadleen   suugaanta iyo Dhaqanka  iyo waliba taariikhda Awdal State , Tariikhdii hore ee Saylac iyo ciyaarta dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliyeed ee Sayliciga.

Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, ayaa waxa lagu soo jeediyey heeso ka waramaya Ahmiyada Awdal State ay ugu fadhido qaranimada Soomaaliyeed .

Heesaha oo ay ka mid ahayd heesta caanbaxday ee halkudhegeedu yahay ( Awdal State lama  Lama Aasi karo ”

Awdal State lama aasi karo
Waa Mahad Ilaah
Israaca ay Awdal Israacday
Waa Ilays bixi ifiin lagu hirdee
Awdal State lama aasi karo
Waa Arli Cilmiga loogu anfacoo
Amaanteena Istaahilee
Umadu way ogsoontahay
Ahmiyada ay leedahee
Awdal State Awdal State
Lama Aaasi karo….  >>Hees Awdal State lama aasi karo 


Heestan oo Video ah iyo Heesihii kale ee laga soo jeediyey Xuska Awdal State ee Muqdisho kala soco hayga wararka Saylac.com .

undefined

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: