Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Al-Qalam Ee Boorama Oo Xaflad Sagootin Ah U Qabtay Ardayda Fasalka 8-aad + Sawiro

Posted in June 1st, 2011
by garodadarnews

Waxa Munaasabadan Loogu Wanqalay Dugsiga Sare Ee Al-Qalam Oo Sanad Dugsiyeedka Cusub La Kowsan Doona 

Boorama-(Lug)-Xarunta Dugsiga Hoose Dhexe Ee Al-Qalam Ee Ku yaala Magaalada Borama waxaa maanta ka dhacday munaasabad balaadhan isugu jirtay Xiritaanka Sanaddugsiyeedka 2010-2011 iyo Wanqalsha Dugsi Sare oo Uu yeelanayo Dugsigani Sanad Dugsiyeedka Cusub oo loogu magac daray Dugsiga Sare Ee Al-Qalam.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-1.JPG

Munaasabadan Balaadhan waxaa ka soo qayb galay Arday, Maamulka Iyo Macallimiinta Dugsiga, Waalidiin, Iyo Saraakiil ka socotay Wasaarada Waxbarashada Gobolka Awdal.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-2.JPG

Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Maamulaha Dugsigan Al-Qalam Faarax Ismaaciil Sidci, waxa uuna ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigani & wan-qalka dugsiga sarre ee Al-Qalam, waxana uu yidhi “ dugsiga Al-aqalam waxa loo aasaasay sidii loodabooli lahaa baahida waxbarasho ee adrdayda u baahan waxbarashada ee xaafadaha ku xeeran dugsiga, waxa aan shaqada ku bilawnay 50 arday maantana waxa dhigta in ka badan 800 oo arday oo isugu jira fasalka koowaad ilaa fasalka 8aad.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-3.JPG

Mar uu ka waramayay mustaqbalka dugsigan ayaa waxa uu yidhi “ Maanta waxa aan shaacinaynaa isla markaana u wanqalaynaa dugsi sare oo loogu magacdaray (Dugsiga sare ee Alqalam oo noqon doona mid tayo iyo hiigsi ku soo kordhiya hanaanka waxbarashada ee Gobolka.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-4.JPG

Mud. Faarax waxa uu u mahadnaqay ardayda wasaarada waxbarashada iyo waalidiinta dugsiga oo gacan balaadhan dugsiga u fidiyay marar badan.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-5.JPG

Guddoomiyaha Wasaarada Waxbarashada GobolkanProf. Daahir Maxamuud Xaddi, waxa uuna u mahadnaqay Maamulka Iyo Macallimiinta Dugsigan, waxa uuna kaga dhawaaqay Xafladan in uu Sifo sharciya ugu sharciyeeyay Dugsigan Al-Qalam in uu yeesho Dugsi Sare waxana uu yidhi  “Waxa aan halkan ka cadaynayaa in wasaarada waxbadarashada ee Gobolku ay aqoonsan tahay isla markaana uu sifo sharci ah ku yimid dugsigan sare ee Al-Qalam.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-6.JPG

Gud. Prof. Daahir M. Xadi waxa kale oo uu ku dheeraaday in waxbarashada gobolka Awdal ay kobcayso isla markaana uu dugsiga Alqalam intii uu jiray uu la hana qaaday kobocaas maantana soo saaray arday ay tayadoodu sarayso oo u fadhiisanaya sanadkan imtixaanka shahadiga ah ee fasalada 8aad ee JSL.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-7.JPG

Gaba-gabadii munaasabadaan ayaa waxaa lagu gudoonsiiyay Abaalmarino Ardaydii ku guulaystay Kaalmaha Koowaad Labaad Iyo Saddexaad Ee Imitaxaankii Sanaddugsiyeedkii 2010-2011-, waxana halkaasi laga soo bandhigay ruwaayad madadaalo ah oo ka waramaysay heerarkii uu soo maray dugsigu waxaana ay ku dhamaatay Jawi Ay ku dheehantahay Farxad Iyo Ishambalyayn.

al-qalam-primary-and-intermediate-school-8.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-9.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-10.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-11.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-12.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-13.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-14.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-15.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-16.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-17.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-18.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-19.JPG
al-qalam-primary-and-intermediate-school-20.JPG
Wariye:-
beenmasheege

 

garbodadarnews borama
Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: