Hayada Shaqaalaha Somaliland Oo Tirokoob Dhinaca Shaqaalaha Ah Ka Bilowday Boorama

Posted in June 1st, 2011
by garbonews

hayada-komishanka-1.JPGBoorama-(Lug)-Guddi ka socday Komishinka Hay’ada Shaqaalaha Somaliland ayaa maanta howlo lagu tirakoobaya Shaqaalaha dowlada ee gobalka Awdal ka bilaabay magaaladaan Boorama.

hayada-komishanka-1.JPG

Guddigaan waxaa hogaaminayay Axmed Cabdilaahi Ibraahim oo ah sarkaal ka tirsan hayadaasi, waxuuna sheegay inay ujeedada socdaalkooda Boorama ay tahay sidii tirakoob madax taabasho ah loogu sameyn lahaa shaqaalaha kala duwan ee dowlada ee ka howl-galka gobalka Awdal.

hayada-komishanka-2.JPG

Guddoomiyaha Wasaarada Waxbarashada ee gobalka Awdal Prof. Daahir Maxamuud Xadi oo xaruntiisa ay ugu horeyn tirakoob ka bilaabeen wafdigaan ka socday Komishinka Hay’ada Shaqaalaha Somaliland waxuuna sheegay in cidii shaqeyneysa la diiwaan galin doono isla markaana ay waraarada waxbarashada ee gobolka awdal tahay meelaha ugu shaqaalaysiinta badan ee gobolka oo dhan.

hayada-komishanka-3.JPG

Xoghayaha Gobalka Awdal Cabdilaahi Xuseen Aare ayaa sheegay in wafdigaan ay si daacadnimo leh ugu howl-gali doonaan xarumaha dowlada ee gobalka Awdal si ay u xaqiijiyaan shaqaalaha dowlada iyagoo isticmaalaya qaab madax taabasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, Tirakoobkaan Shaqaalaha laamaha dowlada ee gobalka Awdal waxa ay kusoo beegmayaan xili ay jiraan cabashooyin salka ku haya qaabka  loo xusho shaqaalaha laamaha kala duwan ee dowladaiyo waliba mushkilad kale oo aan indhaha la iska qaban karin oo ah in shaqada iyo shaqaalaysiinta laamaha dawlada qaarkood ay noqdeen mid Dhaxaltooyo ah oo qoyswalba qofkooda hawlgabka noqda loogu soo badalo isla qof qoyskooda ah.

Gudidan ayaa magaalada Boorama ku sugnaan doonta mudo 7aad ah waxana ay mari doonaan xarumo badan oo ay dawladu leedahay.

Wariye:-beenmasheege

post by garbodadarnews

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: