Gabaygan (HIDO-RAAC) Waxaa Tiriyey Abwaan Cabdiwahab Bashir Sheekh Cumar

Wuxuuna ka ga hadlayaa noocyada maansada, habaka lagu noqdo suuganyahan iyo waxyaabaha loo adeegsado suugaanta qaar ka mid ah.

Wuxuuna ku bilaabay

  1. Hada’ maanso hoobaale gabay halalka geeraarka
  2. Hog buraanbur hawraarta shirib heeso iyo jiifto
  3. Habka saarka heensayn welgiyo guuraw hadalkiisa
  4. Masafada hubaal loo tirshiyo heeladiyo jiibta
  5. Hanaanbay tixuhu leeyihiin heerer loo maro e
  6. Xaraf heeganaa jira marnaba laga habowsiine
  7. Higaad iyo naxwey leeyihiin hooris iyo luuqe
  8. Bado lagu hanfado baa jiroo waa hirkaa culuse
  9. Dhayal laguma hawsado tixdaan laabta kuu hadhine

10.  Dhaxalbaa lagu helaa araar mawle hidintiiye

11.  Hal raac barasho weeyee marbay hibasho keentaaye

12.  Hido weeyi taydani cabdoow  hibo ilaahaye

13.  Waxan hayb ku leeyahay ragii hadalka toosnaaye

14.  Ragbaa gabayga hoos ula kacoo heera sharaftiiye

15.  Hunguriga ragbaa ula holada dhuuni helistiiye

16.  Nimanbaa habaar iyo u tirin hoobaliyo caye

17.  Hanjabaada faankiyo ragbaa hoog qabiil gala e

18.  Anse waxan hogaanshaa samaha loo hanweynyahaye

19.  Hurgumada qabiilkiyo magalo hurin colaadeede

20.  Hormood toosan shacab haybadlaan haybiyaa abide

21.  Hoyga nolosha nabadaan idhaa haysta abidkiine

22.  Aduunkani hirdamayaa dadoow waa hadhgalabeede

23.  Ku hanoona diintaa idhaa waa hu nololeede

24.  Dalka horumarkiisiyo dantaan hiiliyaa abide

25.  Hantiyaan idhaahdaa dulqaad guula hiigsada e

26.  Runta kama halmaamee xaqana waan hirgaliyaaye

27.  Haasaawaha amaanbaan hablaha hoga tuseeyaaye

28.  Halxidhaaliyo murtaan maadna huwiyaaye

29.  Hawaalaha aduunkaan sidii haatuf fidiyaaye

30.  Ragbaa gabayga habayaaqiyee kaygu waa hodane

31.  Hilay oo hadana kuu hufaye gurubso hoobaanta.

This post has been viewed 50 times

garbodadarnews

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: