Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Oo Maanta Magaalada Borama Soo Gaadhey

Borama: (Camuudnews) – Waxaa Goor Dhawayd Oo AySaacada Afrikada Bari Cagacagaynaysay 8 Aroornimo Soo Gaadhay Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Madaxwayne Ku xigeenka JamhuuriyadaSomaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, safarkiisan oo aan horey loo shaacin Ayaa waxaa noo suura galay inaan ka helno Xogo ku dhaw Dhaw Waftiga Madaxwayne Ku Xigeenka  Xiligan waxa keenay uu u yimid Magaalada Borama.

Safarkiisan gaaban ee Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Ku yimid Maanta Magaalada Borama ayaa ka danbeeyay , Arimo Gaar oo Xaga Qoyskiisa , isaga oo uu dhintay Mid ka mid ah Adeeradii, Iyo Booqasho sida la sheegayay uu u yimid Aabihii oo isna Xanuunsanaya, safarkiisan ayaa ilaa iminka aan la shaacin arimaha kale ee Qorshaha Ugu Jira inta uu ku sugan yahay Boama Iyo Meelaha kale oo uu booqanayo Iyo Cida sida rasmiga ah ku wehelinaysa Safarkiisa Iyo mudada uu joogi doonaba.

Si kastaba ha ahaatee iyada oo ay arooryo horey tahay Waftiguna goor dhawayd uun soo gaadhay Borama, wixii warar ah ee Waftiga Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ka soo  Kordha gadaal ayaan idinkula soo socodsiin doona Haduu Alla Idmo.”

Source: Boramanews.

This post has been viewed 92 times.

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: