30-05-2011

Mudaharaad Balaadhan Oo Maanta Gilgilay Magaalada Boorama Iyo Cabdiraxmaan Saylici Oo Gaadhigiisii Dhagaxaan Lagu Weeraray Ilaa Imikana Aan Lagaranayn Meel Uu Ku Suganyahay.

 

 

Waxaa saaka cabaaro 11:00am subaxnimo ka dhacay magaalada Boorama mudoharaad balaadhan oo ay bilaabeen ardeyda dugsiyada sare  gaar ahaan fasalka labaad (FormII ) ee magaalada Booram kuwaasi oo ka cabanaayay imtixaankii (Half GC-ga) ahaa oo lasheegay in dhinaca Hargeysaad laga soo amray in la joojiyo. Mudaharaadka ayaa  markii dambe isku badalay mid dhamaan dadweynaha reer Boorama ay ka qayb qaateen iyada oo dhanka kalana la arkayay qaar kamida waalidiinta ardayda mudaharaadka bilawday oo ay wajiyadooda ka muuqatay cadho isla markaana waalidiintaasi ay ku doodayeen  in ubadkoodii ay shilinkooda wax ku barayeen loo xoog sheeganayo xaqoogiina la duudsinayo  

Hadaba arintani imtixaanka laga joojiyay ardeyda dugsiyada sare ayaa sababtay gadoodka iyo in saaka mudaharaad balaadhani uu ka dhaco  magaalada Boorama kaasi oo lagu weeraray xarunta wasaarada waxbarashada ee gobolka, iyada oo la sheegay in ardeyda ay kusoo hogaamiyeen xarunta waxbarashada gobolka dad dawlada taageersan balse ku xumaynayay maamulka wasaarada waxbarashada ee gobolka Awdal. Waxaana xaruntaasi la gaadhsiiyay khasaare badan iyada oo la jabsaday xafiisyada qaarkood lana qaatay buugtii,dokumentiyadii,kombuyuutaradii muhiimka ahaa iyo agabkii yaalay istoodhadaba,markii danbena mudoharaadkii waxa uu ku fiday magaalada inteeda kale,waxayna ku dhawaaqayeen dadkii mudaharaadayay  Dawlad isaaqa dooni mayno Siilaanyo ha dhaco Saylicina ha raaco Awdal Statena ha noolaato iyo ereyo kale oo badan.

Hadaba markii arintani dhacaysay ee ay xayntii u horeysay ee mudoharaadayaashu gaadheen xarunta wasaarada  waxbarashada ee gobolka  wakhtigaas oo ahaa intii aanu mudaharaadku dadweynaha wada saamayn waxaa xiligaa xarunta ku sugnaa Gudoomiye ku xigeenka wasaarada waxbarashada,markii uu arintani arkay waxa uu ku ordey si ay wax uga qabtaan saldhiga booliska waxa uuna u sheegay arintii taliyaha qaybta,taliyuhuna wuu ka cago jiiday,waxa uuna ku yidhi ciidan nooma joogo ee Madaxweyne ku xigeenka ayay raaceen.markii arintii sii korodhay ee ay hadal maqli waayeen dhalinyaradii ayuu marlabaad gudoomiye ku xigeenku ku noqday hase yeeshee saldhiga booliska oo ku dhegan xarunta wasaarada wax gurmad ah uma fidin taasina waxay u muuqataa in shirqool dahsooni jirey.

 

Marka arintani dhacaysay waxaa magaalada Boorama ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici iyo xaaskiisa oo  markaa joogay Huteel Rays ,isla markii arintani loo sheegay  Saylici waxa uu ka baxay oo loola cararay isaga iyo xaaskiisaba wado raf ah oo ka baxda dhinaca galbeed ee magaalada Boorama laakiin markii uu magaalada dib ugu soo laabaty Saylici ayaa waxa dhagaxaan ku weeraray dad gadoodsan oo ka horyimiday kuwaas oo sitay calanka Awdal State iyo calanka bluega ah ee somaliweyn ilaa imikana lama garanayo meel uu Saylici uga baxay magaalada iyo in uu wali magaalada kujiro oo uu dhuumanayo laakiin waxa cad in aanu ahayn Saylici nin ay dhibayso dhibaatada ka dhacday hoygiisii, waxayna dhuumashada uu arimaha nuucana ka dhuumanyaayi ku tusaysaa kalsooni darada madaxweyne ku xigeenka.ka haysata  gobolkiisa

Isku sii wada duuboo maamulxumada ka hano qaaday Soomaaliland waxaa horseed ka ah xukuumada cusub oo  aan la garanayn meel ay kabaha u gashatay,iyo shacabkii oo ku jahwareeray baaxaadega siyaasad xumo ee wadanka soo foodsaartay,waxayna dadku ka cabsi qabaan in ay keento xasilooni daro iyo nidaamka oo burbura,dawladuna waxay ku mashquulsan tahay xusaskii is gaadhay ee jabhadii SNM ee Siilaanyo madaxda ka ahaa,taasina waxay ku tusinaysaa in dib loo noqday labaatan sano.

Jibril Nageeye Cali

Borama/Awdal

garbodadarnews.wordpress.com

 

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: