28-05-2011

Masaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Amray In La Xidhxidho Cidii Awdal State Lagu Tuhmo Iyo Baskii Jaamacada Camuud Iyo Dirawalkiisii Oo Lagu Daray Dad Arinta Awdal State Loo Xidhxidhay:

Waxaa baryahan danbe isa soo taraysay cadaadiska xoogan ee lagu hayo dhalinyarada ku nool magaalada Boorama intii ka danbaysay xuskii dabaaldegii SNM ee 18 May 2011.Dhalinyaradan kala duwan oo lagu xidhay waxaad ka danbayseen mudo haraadkii dhacay maalintii la xusaayay 18 May,halka qaarkoodna lagu xidhay waxaad gubteen calanka Soomaaliland.Arintaasina waxay sii xoojisay in ay dhalinyaro badani ka kacaan iskuna xidhmaan.Waxaad arkaysaa oo kale Baabuurta booliska oo camiran askar oo lagu rogaayo dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Boorama,hawlgaladaasi oo lagu soo qabqabanaayo ardey fadhida fasaladoodii iyada oo aan loo marin wax nidaama,waxa uuna waalidku ku war helayaa waxaa la xidhay inankaagii oo dugsiga laga dhex qaaday,isla markaana waxaad arkaysaa waalidiin badan oo ku sii qulqulaaya saldhigyada magaalada Boorama.

Waxaaba taasi ka sii daran markii mid kamid ah basaska Jaamacada Camuud lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaalada Boorama kaasi oo lagu eedeeyay waxaad ku qorteen mid kamid ah kuraasta gudaha ee baska ereyga (AWDAL STATE ) ilaa hadana baskii iyo dirawalkiiba waxay ku xidhan yihiin saldhiga booliska inkasta oo dirawalkii loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe.Iyada oo aan lagaranaynin sababta layskugu xidhiidhiyay jaamacada iyo Awdal state,waxaana ilo xogogaali sheegeen in Madaxweyne ku xigeenku amar ku bixiyay in la xidho baska iyo dirawalkaba oo aanan la sii daynin.

Waxaase layaab ah kuliyada sharciga ee jaamacada camuud gaar ahaan qaybta (Legal clinic) oo ay ka hawlgalaan qareeno badan oo ka qalinjabiyay kuliyada sharciga ee jaamacada Camuud oo ka hadli waayay sifada sharci daroda ah ee lagu xidhay gaadiidkii iyo shaqaalihii ka hawl galaayay jaamacada camuud oo xidhan maalintii toddobaad.Markaa ma la odhan karaa jaamacada Camuud ugama faa’iidaysan kuliyada sharciga sidii loogu talo galay,mise way hagranayaan? Oo waxay sugayaan gundhiga kiiskani. Sidaa darteed magaca Awdal state waxa uu noqday shaabadii lagu dhufanaayay cida la doonaayo in la xidho ama danbi lagu soo oogo.Hadaba arintani siday ugu muuqataa dadka wada mabda’a Awdal state ee aan la ogayn miisaanka ay leeyihiin iyo tacadiga ay kala kulmeen dadka reer Awdal gaar ahaan dhalinyarada u ololeeya magaca Awdal State,inkasta oo dadka qaar u shaqaynaayay Maamulka soomaliland lagu eedeeyay inay taageeraan maamulgoboleedka Awdal state oo shaqadii lagaga eryay.

Waxaan maqaalkaygani ku soo gabogabaynayaa wadhaf iyo shimbiri war iskuma hayaan,waxaan uga jeedaa dadka masuulka ka ah,ama wada fikirka Awdal State ma ka war hayaan cadaadiska lagu saaray dhalinyaradii iyo dhibaatada ay kala kulmeen,mise waxay tumanayaan durbaano been ah oo aan yool lahayn,oo waa riyo lagu maaweelinaayo dadka qurbaha ku nool.Maxayse uga muuqan laayihiin masuuliyiinta Awdal state shaashadaha warbaahinta ee ay daaha dabadiisa ugu dhuumanayaan.waxaan idin leeyahay arintiinu maaha mid cilmi ku dhisan ee waa mid calool ku dhisan.

Cadale Cali Geedi

garbodadarnews  Boorama

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: