24-05-2022

Dawlada Siilaanyo Oo Cadaysatay Mawqifkeed Somaliya Ku Wajahan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumaddu Doonayso Midnimo Soomaaliyeed Markale 20 Sanno Ka Dib by garbodadarnews

Muhiimadda ugu weyn ee dawladayadu waxaa weeyi sidii loo soo celin lahaa Nabadgelyadii Soomaaliya sababtoo ah nabad la’aan waxba ma qaban karno, marka ka dib waanu ka wada hadli karna arrimo badan ha noqoto inaanu kala madax bananaano ama inaanu noqono dal Federaal ah sida Emirateka Carabta oo kale, waxaa jira fursado badan oo siyaasadeed waana qasab inaanu tanaasul samayno labadayada dhinacba“ Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mohamed Cabdilaahi Cumar

Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisa ajandayaasha ugu waaweyn ee ay doonayso inay kala hadasho Dawladda Soomaaliya yeelato ay ka mid tahay sidii Somaliland iyo Soomaaliya ay marlabaad u midoobi lahaayeen isagoo Wasiirkuna tusaale usoo qaatay qaabka dalka isu tagga Emirateka carabta amaba ayuu yidhi qaab Federaal ah. Wuxuuna Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland sheegay inaanay muhiim u ahayn dawladda uu ka mid yahay aqoonsiga Somaliland balse ay xoogga saarayaan ayuu yidhi dhinaca dhaqaalaha, sidaasina wuxuu Wasiirka Arrimaha dibaddu ku sheegay Weraysi uu ku siiyey magaalada Dubai Wergeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Emirateka carabta, haddaba Shabakadda Caalamiga ah Cadceednews ayaa weraysigaasi oo dhamaystiran idiin soo turjuntay waxaana uu u dhacay sidani:

 

Su’aal Gulfnews: Waa Maxay Ujeedada Socdaalkiina aad Ku Joogtaan Emirateka Carabtu?

Jawaab: Marka ugu horaysa waxaanu martiqaad ka hellay Madaxda dalkani (Emirateka carabta) gaar ahaana Abu-Dhabi, ujeedada socdaalkayaguna waxaa weeyi inaanu kor u qaadno Somaliland dal ahaan iyo dawlad ahaanba gudaha dalalka carabta, Emirateka Carabtu wuxuu ka mid yahay dalalka go’aanada waaweyn ku leh dalalka Gacanka cadmeed iyo Beriga dhexe isagoo ah qayb weyn oo Bulshada caalamka ka mid ah.

Su’aal Gulfnews: Ujeedada Socdaalkiinu Ma Inaad Gacan Siyaasadeed Heshaanba?

Jawaab: Waxaanu Hadda u socona dhawr arrimood: Iskaashi dhaqaale: Waxaanu leenahay Ganacsi dabiici ah oo ay ka mid tahay Gaasta iyo Saliidda Waxaa kale oo aanu leenahay Xeeb dheer uu halbawle u ah kheyraadka dabiiciga ah ee Kalluunka iyo kheyraad kale,waxaanu doonayna in maalgashi lagu sameeyo, Waxaan u malaynaya in dalal badani ay danaynayaan, waxaanu doonayna inaanu maamulo barwaqadaasi si aanu dalkayaga da’yartiisa ugu hello shaqo abuuris.

Su’aal: Maxaad Dalkiina Ugu Bixiseen Somaliland?

Jawaab: Waxaanu ahayn laba dal oo kala madax banaan Soomaaliya ilaa 1960-kii, Waxaanu maxmiyad u ahayn talyaaniga (Cadceednews way ku adkaatay inay saxdo ma garan karo inuu wasiirku yidhi iyo in wergeysku si khalad ah u daabacay laakiin waxay ku saxtahay Ingiriiska), waxaanu leenahay xuduudo sharci ah.

Su’aal: Maxaad Ka Filaysaan dalalka Carbeed?

Jawaab: Waa Muhiimadayda koobaad mar walbana waxaanu wadi doona xidhiidhka aanu la leenahay, waxaa sidoo kale aanu martiqaad ka hellay dalka Kuwait oo arrintani darteed aanu iyagana kala hadli doono, waxaanu kala hadli doona Wasiirka arrimaha dibadda Kuwait maalgelinta Kuwait ay siiso Somaliland.

Su’aal: Maxaad U Malaynaysaa In Emirateka Uu Door Ka Cayaari Karo Markay noqoto arrimaha dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Somaliland?

Jawaab: Waxaanu La Kulanay Hogaamiyaha Emirateka, Waxaananu u bandhignay arrimahaasi oo dhan, waxaana ay noo muujiyeen dareen fiican, waxay aad ula dhaceen inay Somaliland tahay dal nabad iyo xasilooni ku naaloonaya isla markaana dimuqraadiyad ay caga dhigtay, gebi ahaanba waxaanu Soomaaliya xaaladeeda isku nahay cakis.

Su’aal Gulfnews: Waxaad Ka Waranta Xidhiidhka Aad La Leedahiin Soomaaliya?

Jawaab: Waxaanu Mar walba doonaynay inaanu Heshiis la gaadhno Soomaaliya, laakiin dhibaatadu waxay tahay Soomaaliya kama jirto Dawlad ay dadkeedu ku midaysanyahiin oo aanu Heshiiskaasi la gallo, Waxaa ka jira kooxo iyagu ku dagaalamaya inay hogaan noqdaan, sidaad ogtahayba waxaa jira in kooxaha asal raaca ahi ay doonayaan inay tallada Soomaaliya ay iyaguna xoog ku qabsadaan, waxaa iyaguna jira Budhcad badeedii, markaanu hello Dawlad dadkeedu ku midaysanyahiin oo Soomaaliya leedahay runtii waanu jecelahay inaanu la hadalo waananu la hadli doona waana hubaal inaanu heshiis la gaadhi doono.

Su’aal: Waxaa Jiray dalal kale oo idinla mid ah sida Sudan oo kale ma laga yaaba Inay Tusaale u noqoto kala go’iina?

Jawaab: Maxayna ugu noqonaynin, Eriteria waxay ahayd dal Ethiopia ka mid ahaa 50 sannadood, imika koonfurta Sudan ayaad arkaysa oo beesha caalamka ku soo biiraysa.

Su’aal: Ma U Malaynaysa Waxaa Idinkala qaybiya ama aad ku kala duwantahiin idinka iyo Soomaaliya inay tahay Dimuqraadiyadda?

Jawaab: Waxaan Odhan kara waxaanu leenahay Baarlamaan dadku doortay, waxaa Somaliland ka jira seddex xisbi siyaasadeed, dadkayaguna waa afar malyan oo qof, waxaanu doorana dhammaanba golayaasha iyo dawladda shantii sanno mar.

Su’aal: Waa Sidee Xidhiidhka Idinka Iyo Dunida Carabta Idinka Dhexeeya?

Jawaab: Waxaanu u diray waraaq Jaamacadda Carabta oo aanu kaga codsadanay inaanu xubin ka noqono, waxaanay noogu soo jawaab celiyeen aynu ka war sugno xaaladda Soomaaliya, Jaamacadda Carabtu ma doonayaan in la sameeyo gobolo kale, marka xaaladda Soomaaliya degto ayaanu taasi ka wada hadli karnaa, anaga muhiimadayadu hadda waxaa weeyi Degenaanshaha dalkayaga waxaa noogu xiga horumarka dhaqaalaha waxaana xagga danbe aanu gelinayna arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Su’aal: Waa Maxay Xidhiidhka Idinka Dhexeeya Idinka Iyo Dalalka Idinla Dariska Ahi?

Jawaab: Waxaanu xidhiidh fiican la leenahay dalka Ethiopa oo ay ku noolyahiin sideedatan malyuun oo qof, waxaanu la gallay heshiisyo badan, waxaa aanu sidoo kale xidhiidh wanaagsan la leenahay Jibouti, dalalka kale ee aanu jaarka nahay Soomaaliya waxaa naga haysta dhibaato dhinaca amniga ah oo ay ka mid tahay argagixisada iyo Budhcad badeeda waxaana ay labaduba ka soo gudbaan xuduudahayaga dhinaca bedda iyo dhulka oo ay nabadgelyo darro u horseedaan dalkayaga.

Su’aal: Waa Maxay Kheyraadka ugu weyn ee dalkiinu?

Jawaab: Saliida iyo Gaasta ayaa ugu weyn kheyraadka dabiiciga ah ee aanu qanniga ku nahay, imika ayaanu qodayna oo aanu soo saarayna gaasta iyo saliidda, waxaana nala soo xidhiidhay oo hadda aanu xidhiidh kala leenahay dalal badan oo doonaya, dalal badan oo reer galbeed iyo carab-ba leh ayaa xiisaynaya waxaanu doonayna in dalal kalana ay maal gashadaan waayo Saliida iyo Gaasta Soo saaristoodu waxay u baahantahay lacag badan.

Su’aal: dalalkee qorshaha idiinku jira ee aad doonaysaan imika inaad xidhiidhka aad la leedahiin aad sii horumarisaan?

Jawaab: Waxaanu doonayna inaanu xidhiidh fiican imika la yeelano dalalka Kuwait iyo Sacuudi Arabiya, Ujeedadayadu waa inaanu sidoo kale xidhiidh fiican la yeelano dalka Masar oo ah dalka ugu weyn dunida carbeed, laakiin Masar waxay doonaysa in Soomaaliya midawdo sababtoo oo ah Ethiopia oo muran dhinaca biyaha Nile-ka ahi ka dhexeeyo, waanu fahansanahay taasi laakiin waxaanu doonayna in Masar-na fahanto inaanu doonayno oo danaynayno inaanu xidhiidh la yeelano.

Su’aal: Ma Jirta dhibaato siyaasadeed oo idinka gudahiina ah oo caqabad ku ah in aad aqoonsi heshaan?

Jawaab: Siyaasadayada arrimaha gudahu waa mid aad u wanaagsan heer baarlamaan, axsaab iyo dawladba waanu midaysanahay, waxaanu markii hore xoogga saaray dhinaca siyaasadda laakiin hadeerto waxaanu xoogga saarayna dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka.

Su’aal: Ma Idinku Jirta Qorshaha Inaad Mustaqbalka Dhaw La Midawdaan Soomaaliya?

Jawaab: Muhiimadda ugu weyn ee dawladayadu waxaa weeyi sidii loo soo celin lahaa Nabadgelyadii Soomaaliya sababtoo ah nabad la’aan waxba ma qaban karno, marka ka dib waanu ka wada hadli karna arrimo badan ha noqoto inaanu kala madax bananaano ama inaanu noqono dal Federaal ah sida Emirateka Carabta oo kale, waxaa jira fursado badan oo siyaasadeed laakiin wada hadal ma yeelan kartid haddi aanay nabadi jirin waana qasab inaanu tanaasul samayno labadayada dhinacba.

Su’aal: Midawga Yurub Ma Idiin Aqoonsanyahay inaad Tahiin gobol wax ka qaban kara Budhcad badeeda?

Jawaab: Haa waa sababta aan anigu uga qayb gallay shirar badan oo lagaga hadlaayo arrinta Budhcad badeeda Dunida saamaynta ku yeelatay, gaar ahaana shirkani hadda ka dhacay dhawaan Dubai, waxaanu nahay qayb weyn oo wax ku kordhn kara waxna ka tari kara la dagaalanka budhcad badeeda, waa dhibaato u badan Soomaaliya, balse waa dhibaato gobolka aanu ku naalo oo dhan saamayn ku leh, waana dhibaato caalami ah oo dunida oo dhan saamayn ku leh waana mid u baahan inaanu iska kaashano.

Su’aal: Ma Ka Heshaan Gacan Dhaqaale Dalal kale?

Jawaab: Haa waxaanu hela oxoga dhaqaale ah, balse hogaamiyayaal badan oo carbeed ayaa hadda ballanqaaday inay gacan dhaqaale oo la taaban karo na siiyaan.

Su’aal: Dalal Kale Ma Idin aqoonsanyahiin?

Jawaab: Waxaanu safaarado ku leenahay lix dal oo dunida oo dhan, waxaanu rajaynaynaa in aanu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelano dawlado badan oo kale, waxaanu nahay sida Falastiin oo kale waxaanu doonayna inaanu safaarado badan ku yeelano dunida, waxaanan ku rajo qaba in mustaqbalka dhaw aanu safaarad ka furano dalkani Emirateka carabta.

Su’aal: Waa Maxay Fekerkaaga Ku Wajahan Kacdoonka Dunida carabta?

Jawaab: Waanu Ka Welwelsanahay mooyaane uma hayno wax faallo ah oo aanu ka bixino, laakiin dadku xaq ayey u leeyahiin inay bedelaan noloshooda iyo aayahoodaba.

Su’aal: Waxaad Ka Waranta Dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah Ee Ka Jira Somaliland?

Jawaab: Waxaanu Nahay Dal Muslim ah %100, laakiin markaad ka timaado diinta waxaanu nahay dal ku dhaqma nidaamka dimuqraadiyadda, Kooxaha Islaamiyiinta ah awood kuma laha Somaliland, waxaanay ku qasbanyahiin inay raacaan dariiqa dimuqraadiyadda oo dadku qaatay, sidaan hore kuugu sheegay waxaa ka jira Somaliland seddex xisbi, xisbigayaga ayaa hadda dalka xukuma laakiin labada xisbi ee kalana baarlamaanka ayey ku jiraan.

Weraysigani Oo Afka Ingiriiisiga ku qoran Waxaa Qaaday Wergeyska Gulfnews, waxaana Af Soomali Ku Turjumay Shabakadda Caalamiga Ah Ee Cadceednews

Halkan ka Akhriso Waraysiga Oo Ku Qoran Afka Ingiriisiga

 Xigasho Cadceednews

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: