Roobab Qasaare Gaystay Oo Ka Da’ay Degaanka Gargaara Bari Ee Deg. Lughaya

Posted in May 23rd, 2011
by garbodadarnews

Boorama-(Lug)-Sedex qof ayaa ku dhaawacmay roobab dabaylo wata oo ka da’ay degaanka Gargaara Bari ee deg. Lughaya. sidan waxa shabakada Lughayanews u xaqiijiyay Maayarka Mag. Lughaya Baxsane Siciid Aye oo shabakada kula soo xidhiidhay khadka taleefanka.

Maayarku waxa kale oo uu intaasi ku daray in roobabkan oo da’ayay tan iyo duhurnimadii maanta in ay wateen dabaylo xoogan oo sababay in ay ku dumaan guryo ay tiradooodu dhan tahay 17 oo uu ku jiro dugsigii hoose ee degaankaasi Gargaara Bari. Maayarku waxa kale oo uu tilmaamay in ay gabi ahanba gaabta dugsiga ah oo ay dabaysha roobkani ka qaaday saqafkii sare ay ku baaba’een raashin goobtaasi yaalay oo loogu talo galay in la siiyo caruurta yaryar.

Roobabkan ayaa tan iyo maalmahii ina dhaafay si wayn uga da’ayay degaanada deg. Lughaya ilaa imikana ma sugna qasaaraha ay gaysteen roobabkaasi waxana isaga oo Maayar Baxsane ka waramaya uu yidhi ” Wax war ah oo sugan kama hayno qasaaraha jira inta uu leegyahay isgaadhsiin la’aan aawadeed waxa aan tagaynaa goobahaas oo dhan waxana aan war sugan soo siin doonaa shabakada wararka Lughayanews.

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: