Xubin Ka Tirsan Hoggaanka Ururka Haween -ka Awdal Oo 18kii May Uga Mahadcelisay Dadweynaha Gobolka , Talooyinna U Jeedisay Qurbajoogga Iyo Masuuliyiinta Xukuumadda

Posted in May 23rd, 2011
by garbodadarnews

kowsar.JPGBoorama-(Lug)-Xubin ka tirsan masuulyiinta ururka haweenka qaranka  G/Awdal ayaa dadweynaha reer Awdal  iyo  xukuumadda gobolkaba uga mahadcelisay  sidii ay uga jawaabeen baaqii madaxweynaha , una qaddariyeen  xuska maalinta  qarannimada Somaliland ee 18kii May, isla markaana qurbajoogga reer Awdal ku wargelisay inay sugaan jawaabta  xukuumadda  ee ay u gudbiyeen  madaxweynaha , iyadoo dhinaca kalena  xukuumadda Axmed Siilaanyo  xusuusisay sidii  madaxweynihii hore ee dalku u tixgelin jiray Bariga Somaliland, looguna baahan yahay in  sidoo kale uu u tixgeliyo  Galbeedka dalka .

kowsar.JPG

Kawsar Ibraahim Rijaal ,ahna guddoomiye kuxigeenka ururka haweenka qaranka ee gobolka Awdal ayaa war ay saxaafadda usoo gubisay ku tidhi “Anigoo ka  ka mid ah hoggaanka sare ee ururka haweenka qaranka ee G/Awdal, waxaan marka hore  salaan u dirayaa madaxweynaha Axmed  Siilaanyo, ku xigeenkiisa C/Raxmaan Saylici iyo Marwooyinkooda, Amina Weris  iyo Raxma Xaaji Muxumed, anigoo ugu hambalyeynaya doorkii ay ka qaateen xuska maalinta qarannimada dalka ee 18kii May.

Waxa kale oo aan salaan iyo haambalyo u dirayaa muwaadiniinta reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna dadweynaha  reer Awdal  kuwaasoo muujiyey shucuurtooda waddanimimo maalintaasi. Intaas kaddib waxaan waxa xuskani doorkan xambaarsanaa  laba arrimood oo muhiim ah oo kala ah jawaabta baaqii madaxweynaha iyo tan labaad oo ah sida muwaadiniinmta reer Somaliland caalamka u tuseen dareeenkooda iyo qarannimadoo.

Gobolka Awdal oo isaga xuska maantu  ahaa mid ka duwan kana baaxadweyn  kuwii hore loo arki jiray , taasoo ay kaga turjumayeen  sida reer Awdal ugu faanikaraan inay dawladnimada soom gudbiyeen madaxweynaha dalka, lagana sugayo jawaabtooda  inkastoo xukuumadda cusubi muddo yar haysay xukunka dalka, madaxweynaha iyo kuxigeenkiisuna ku hawlanaayeen dhismaha  burburka dhaqaale ee ay ka dhaxashay xukuumaddii hore iyo fulinta  ballanqaadyadii ay doorashada ku gashay, waxaan aaminsanahay in codsiyada dadweynaha gobolka la yaraysan doonin, wakhtiga ugu  habboonna jawaabtu iman doonto anigoo xusuusinaya madaxweynaha in buslahada reer Awdal ku dulmanaayeen xukuumaddii Daahir  Rayaale oo xoogga saari jirtay Bariga dalka marka loo eego xxilalka iyo mansabyada xukuumadda sare, adeegyada bulshada  iyo horumarkaba, anigoo ku rajoweyn in madaxweynuhu dhegeysan doono codsiyadaasi .

Markaan ka hadlo dhinaca qurbajoogga reer Awdal, waxAan leehaya walaalayaal dalku horumarbuu doonyayaa, gobolkuna dhisme  ayuu doonayaa loomana baahnaa inaan ku kala tegno arrimo siyaasadeed  oo aAn dan u ahayn dadkeenna gudaha .

Waan ogahay inay  ololihiinnu ka dhashay  tabashooyinka gudaha, balse aad ku talaxtegteen anigoo og inaad  doonaysaan xaqa  xukuumadda nagaga maqan laakiin aan arrinmtaasi ku dhammaysanno midnimo iyo waddaninimo, aanan kala saarro tabshooyinka ama  mucaardnimada iyo qarandumisnimo keeni karta xasiloonidarro iyo nabadgelyo la’aan, isla markaana usoo jeesataan waxqabsiga iyo maalgashiga dalkiinna ama gobolkiinaba .”

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: