Posted on May 14, 2011 by giriyaad
Rate This

Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Kala Qayb Galay Ciidamada Military-ga Ee Goronyo Cowl U Diyaar Garowga Xuska 18 May

Posted in May 14th, 2011

by giriyaad news

goronyo-cowl.jpgBoorama-(Lug)-Badhasaabka G/Awdal Maxamed Daahir Cabdale ayaa maanta howlo la xidhiidha agaasinka iyo abaabulka munaasibada 20 guurada  la soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland ee 18 May u tagay xarunta ciidamada ee goronyo Cowl, booqashadan badhasaabka ee xarunta ciidamada Garonyo Cowl ayaa waxay ku beegan tahay wakhti afar maalmood ay ka hadhsan tahay ka qayb qaadashada munaasibada 18 May.

Badhassaabka oo si gaar ah shabakada wararka ee Lughayanews uga waramayay booqashadiisa ciidanka Goronyo Cowl ayaa waxa uu yidhi “ Ciidamadu waxay si habsi leh ugu socota dhamaanba tabarada iyo u diyaar garowga xuska 18 May, booqashadaydana waxay salka ku haysay sidii aan usii dhiiri galin lahayn”.

Badhasaabka isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ maalmaha soo socda ayaa ciidamada qalabka sida ee Goronyo Cowl ku sugan u soo baqooli doonaan dhinaca Boorama si ay uga mid noqdaan ciidamada kale ee booliiska, asluubta iyo militariga ku sugan xarumaha duleedka Boorama, oo iyagu laf ahaantoodu dhinacooga ka wada howlaha u diyaargarowga 18 May,  Wax walba sidii loogu talo galay ayay u socdaan waana ku kalsoonahay in Boorama ay noqon doonta meesha ugu wanaagsan ee sida ugu heerka saraysa looga xusi doono xuka 18 MAY”.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf

Categories: Uncategorized | Tags:

Post navigation

Comments are closed.

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: